Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Oo Shacabka Ugu Baaqay In Ay Qaataan Kaadhadhka Cod-bixinta

https://i1.wp.com/hadhwanaagmedia.net/attached/u_12229d_2010-4-29-11-59-3f_KXC.JPG?w=620 Hargeysa (Kulmiye.org) Xoghayaha Guud Ee Xisbiga Kulmiye Md Keyse Xasan Cige ayaa guud ahaanba shacabka reer Somaliland ugu baaqay in ay xooga saaraan sidii ay u qaadan lahaayeen Kaadhadhka codbixinta ee lagu gelayo doorashada madaxtooyada.

Xoghaye Keyse Xasan Cige waxa kale oo uu ka dhawaajiyay in Degmada Axmed Dhagax ee Magaalada Hargeysa ay tahay meel aan biyo iyo laydh toona lahayn isla markaana uu xisbiga talada haya ee UDUB cod ka doonayo.

Waxaanu ku booriyay dadka ku dhaqan degmadaas in ay maanta laga bilaabo codkooda iyo cududoodaba u mideeyaan sidii ay ugu barbar istaagi lahaayeen xisbiga Kulmiye oo buu yidhi geedi khayr qaba reerka u rari doona.

https://i1.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_12229d_2010-4-29-12-3-18f_axmed.JPG?w=620Sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu galabta ka hadlayay xaflad loo sameeyay taageerayaal u dhashay degmada Axmed Dhagax oo hore uga tirsanaan jiray xisbiga talada haya ee UDUB, balse cadeeyay in ka baxeen, kuna biireen xisbiga siyaasiga ah ee Kulmiye.https://i0.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_12229d_2010-4-29-12-5-8f_XF.JPG?w=620 Xafladan loo sameeyay taageerayaasha ayaa waxa ka soo qayb galay Xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye, guddoomiye ku xigeenkii 2-aad ururkii qaran ee dhawaan bahwadaagta la noqday kulmiye, xildhibaanada Axmed Maxamed Diiriye (Nac-nac) iyo cali Aw Yuusuf, taageerayaal iyo dadweyne aad u tiro badan, xoghayaha guud ee xisbiga kulmiye oo ugu horeyn halkaa ka hadlay uu yidhi “Marka hore aniga oo ku hadlaya afka hogaanka xisbiga Kulmiye waxa aan si gaar ah u soo dhaweynayaa taageerayaasha cusub ee ka tirsan degmada Axmed Dhagax ee ku soo biiray xisbiga Kulmiye, waxaanan dhamaantiin idinku soo dhaweynaynaa xisbiga” ayuu xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye yidhi isaga oo la hadlayay taageerayaasha maanta ku soo biiray.https://i0.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_12229d_2010-4-29-12-11-19f_CY.JPG?w=620 Waxa kale oo uu xoghayaha guud saluugay qaabka iyo hanaanka ay Xukuumada Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ilaa hada wax u wado, waxaanu carrabka ku dhuftay in umada reer Somaliland meel kasta oo ay joogaan aanay waxba ku qabin maamulka wadanka ka taliya. Xoghayaha guud isaga oo si gaar ah uga hadlaya xaalada ay ku sugan yihiin shacabka ku dhaqan degmada Axmed Dhagax, waxa uu xusay in ay yihiin dad aan waxba ku qabin maamulka xukuumada hada wadanka ka talisa. Keyse Xasan Cige waxa kale oo uu ka markhaati kacay in dalku uu maanta u baahan yahay isbedel dhinaca siyaasada ah waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “Umadu maanta waxa ay ku jirtaa marxalad aad iyo aad cidhiidhi u ah, waxaanay ogaadeen in uu dalku u baahan yahay isbedel dhinaca siyaasada ah, kuwa laga sugayo in ay isbedelkaas keenaan waa idinka ee u kaca oo codkiina u hura xisbiga kulmiye,” ayuu yidhi xoghayaha guud ee xisbiga kulmiye.https://i0.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_12229d_2010-4-29-12-8-41f_Kulmiye%20ADH.JPG?w=620Hooyo faadumo Jirde Nuur oo iyaduna halkaas ka hadashay ayaa sheegtay in taageerayaashan galabta ku soo biiray xisbiga Kulmiye ay yihiin huubadii ugu danbaysay ee uu xisbiga UDUB ka tirsan jiray Degmada Axmed, waxaana hadaladeedii ka mid ahaa “Intaa maanta ku soo biirtay xisbiga Kulmiye waa huubadii iyo hadhaagii ugu danbeeyay ee ka tirsanayd xisbiga UDUB, waxaana halkaa ku baaba’aday hamigii iyo iyo himiladii uu xisbiga Talada Haya ee UDUB ka lahaa degmadan, waxaanan maanta laga bilaabo u sheegayaa in aanay jirin cid dambe oo ugu hadhay, dadkuna badankoodu waa wada kulmiye ee sidaas ha ula socdaan.” Ayay tidhi Hooyo Faadumo Jirde Nuur.  Waxa kale oo iyaguna halkaa hadalo koob kooban ka soo jeediyay xubno u hadlayay taageerayaashan cusub ee ku soo biiray xisbiga Kulmiye waxaanay tilmameen in  degmada ay u dhasheen ee Axmed Dhagax ay tahay mid ka araday dhinaca arrimaha bulshada.

Waxaanay u soo jeediyeen inta weli ku sii hadhsan xisbiga UDUB in ay ka soo dareeraan isla markaana ay raacaan halka uu indheer garadku isugu tagay oo bay yidhaahdeen ah Xisbiga Mucaaradka ah ee Kulmiye.

Ugu danbayntiina waxa xafladaas soo gabogabeeyay Xildhibaan Cali Yuusuf Axmed oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada ee xisbiga kulmiye uga soo baxay gobolka Hargeysa, waxaanu xildhibaanku carabka ku dhuftay in god-daloolooyinka ka muuqda degmada axmed dhagax ay ugu wacan tahay xukuumada oo buu yidhi iyadu hagratay isla markaana aan habeena ku seexan in ay waxyaabo dadka dan ah ka fuliso. Waxaanu ugu baaqay dhamaanba dadweynaha ku dhaqan degmadan in ayaahadooda iyo halka ay dantoodu ku jirto oo sida uu hadalka u dhigay ah xisbiga kulmiye raacaan. Si kastaba ha ahaatee maalmihii ugu dambeeyay waxa ay saaxada siyaasada iyo kala jiidashadu u shidnayd xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye, kaas oo ay degmooyinka shanta ah ee magaalada Hargeysa ay hal daba la’a ugu soo biirayeen.

Waxaana maalmaha soo socda isha lagu hayaa dhaqdhaqaaqa xisbiga talada haya ee UDUB oo badi dadka ku soo biiraya xisbiga Kulmiye ay sheegayaan in ay ka soo baxeen.