Xukuumada Riyaale Oo Ciyaarihii Kubadana Dhalinyaradii Iska Hortaagtay

https://i0.wp.com/www.somalilandtimes.net/sl/2005/212/riot%20police.jpg?w=620

https://i2.wp.com/jamhuuriya.info/ipublish/data/images/4474GetAttachmenthosp05.JPG?w=620

Dhaawacii Oo Lagu Dawaynayo Cisbitaalka Guud Ee Magaalada Hargeysa

Wasiirka ciyaaraha Somaliland waa qayral mas’uul Ku fashilmay shaqadiisii  aan dhalinyaro garoon isugu timid oo tartan kubadeed uga socdo u soo kaxaystay todoba baabuur bilays oo tikniko saarantahay. Wasiirka qayral mas’uulka ah ayaa ku andacooday in dhalinyarada tartanku uga bilaabmay ay ahaayeen xisbiga Kulmiye sidaa darteedna uu  amar ku bixiyay in ciyaarta la joojiyo ciidan tikniko ahna la keeno. Waar ilayn af  aadan lahayn lama aamusiin karo aamusnaantaa u dhaantay wasiirkani inuu saxaafada la hadlo. Wasiirka ka aradan mas’uuliyadu intuu ciyaarta sports-ka joojinayay muxuu askarta xabadaha nool ku ridaysay  dhali yarada ciyaartoyda ah  u joojin waayay ?

Khasaaraha ka dhacay halkaa iyo cawaaqib xumadeedaba waxaa masu’uul ka ah wasiirka ciyaaraha ee bilaa aqoonta ah caqliyadiisiina siisay dhalinyaro si nabad galyo ah tartan kubadeed ugu socdo rasaas u dalbo.

Halkaa waxaad ka arkaysaa xitaa wasiirkii  ku magacownaa wasiirkii sports-ku inuu yahay mid aan mas’uuliyad qaadi karin oo aan aqoon u lahayn wasaaraddiisu waxay tahay. Xisbiga Kulmiyena marnaba  iyo cidnaba u joojin maayaan inay wixii sharcigu u ogolyahay u qaban qaabiyaan tartan ciyaareed dhalinyarada markii shaqo loo abuuri waayay imikana garoomadii loogu yimid.

Faalo