Xukuumadda Somaliland Oo Lagu Eedeeeyay Inay Dabada Kaga Jirto Dagaalo Ka Qarxa Gobolka Sool


(Somaliland.ORG, Laascanood, Somaliland) Qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dhaqanka ee gobolka Sool ayaa shaaca ka qaaday inay bilaabeen hawlgallo qorshaysan oo lagu diyaargaraynayo ciidan ka tirsan jiiddaasi oo ka qaybgala dagaallo lagu damacsan yahay in lagu soo qaado Gobolka Sool. Kulan ay Arbacadii dhawayd yeesheen hogaamiyo dhaqameedyadan ayaa lagu go’aamiyay qorshahan. Isimada kulanka ka qaybgalay waxaa ka mid ahaa Garaad Jaamac Garaad Cali, Garaad Jaamac Garaad Ismaciil, Garaad Abshir Saalax, Garaad Cali Buraale iyo qaar kale.

Wararku waxay sheegayaan in diyaargarawga iyo abuubulka colaadeed ee haatan ka curtay deegaankaasi kuna jahaysan gobolka Sool uu yahay kii ugu waynaa ee hogaamiyaasha  dhaqanka ee gobolka ka soo jeedaa ay abaabulaan.

Waxaa kaloo hadda soo ifbaxaya dareemmo arrintan la xidhiidha oo halis intaa ka wayn ku keeni kara dalka. Ilo wareedyo u dhuun daloola qaar ka mid ah hogaamiye dhaqameedyada gobolka Sool ee taageera Somaliland ayaa dareen welwel leh ka bixiyay wax ay ku tilmaameen “taakulayn xagga dhaqaalaha ah” oo kooxaha gobolka Sool ee wadada abaabulka colaadeed ay ka heleen xagga xukuumadda Somaliland, oo ay sheegeen inay kawada  shaqeeyeen xubno ka soo jeedo gobolka oo ku dhaw maamulka Somaliland iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda.

Waxayna hogaamiye dhaqameedyadani sheegeen in haddii colaaddu korodho loo isticmaali karo sababo doorashooyinka madaxtooyada ee Somaliland ee foodda inagu haysa mar kale dib loo riixo.

Warar kale ayaa iyaguna tibaaxaya in markii Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Somaliland ay dhawaan bixiyeen ifafaalayaal muujinaya in wakhtigii ay dhici lahayd doorashada madaxtooyadu ay aad u soo dhawday, uu Madaxwayne Daahir Rayaale iyo xisbigiisa talada dalka  hayaa bilaabeen hawlgallo dib u ridi kara doorashadu inay qabsoonto. Taageeridda abaabulka xasilooni darrada keeni kara ee ku jahaysan gobolka Sool na uu qayb ka mid ah hawlgalladan yahay. Iyadoo hore loo ogaa sidii uu madaxwaynuhu uga gawsqabsatay saxiixidda heshiiskii anshaxa ee doorashada, isla markaana la filyo inay Rayaale dood ka keeni doono natiijada diinwaangalinta serverka oo dhawaan la filayao inaya soo baxdo.

Inakstoo ismaandhaaf siyaasadeed ka jiray jiiddaasi tani intii ay xukuumadda Somaliland gacanta ku wada dhigtay Gobolka Sool, ayaa haddan waxaa is waydiin leh waxa maanta keenay abaabulka culayskaa leh xilli dalka si wayn loogu diyaargaroobay doorashada madaxtooyada iyo doorka xukuumadda Somaliland ku leedahay oo isa soo taraya.

Cabashooyinka siyaasadeed ee gobolka Sool waxaa lagu dhammayn karaa wadahadal iyo dariiq nabadgalyo,bulshada degaanadaasi kuwada dhaqanna waxaa ka dhexeeya walaatinimo iyo xasilooni soo jirtay muddo dheer.

Maxamed Axmed Darwiish

Darwiishsl@gmail.com

Somaliland.ORG

Laascanood, Jamhuuriyada Somaliland