Guddoomiyeha xisbiga Kulmiye oo beeniyay warar sheegayay in u xisbigoodu uu hanjabaad u diray shaqaalaha dawlada

https://i2.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_13942d_2010-5-31-9-14-23f_DSC04104.JPG?w=620Hargeysa (Kulmiye.org) Guddoomiyaha xisbiga siyaasiga ah ee Kulmiye Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa maanta markii ugu horaysay ka hadlay warar sheegaya in uu xisbigoodu hanjabaado u diray shaqaale waynaha xukuumada.

warkaas oo sheegayay in uu haddii uu xisbigoodu ku guulaysto talada dalka ay kala eryi doonaan shaqaalaha, waxaanu Siilaanyo tilmaamay in aanay wararkaasi ahayn.

sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu maanta la hadlayay boqaal ka mid ah taageerayaal ka soo jeeda xaafadaha Daami, Shheekh Nuur iyo Sheekh Madar ee magaalada Hargeysa, kuwaas oo si dhab ah u cadeeyay in ay taageeradooodiii kala noqdeen xisbiga talada haya ee UDUB isla markaana maanta laga bilaabo ay si weyn isu babar taagi doonaan xisbiga Kulmiye.https://i2.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_13942d_2010-5-31-7-52-50f_taageerayaal.JPG?w=620

xaflada soo dhaweynta loo sameeyay taageerayaashan oo ka dhacday xarunta Cali Maarshaal ee uu xisbiga Kulmiye ku leeyahay magaalada Hargeysa ayaa waxa soo qayb galay Suldaan Daakir, guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga kulmiye, guddoomiyaha dhinaca saxaafada ee xisbigga kulmiye iyo saraakiil sarsare oo ka tirsan xisbigaas.

ugu horeyn waxa halkaas ka hadlay Suldaan Daakir Xasan Cabdi oo ka sheekeeyay sida ay xukuumada madaxweyne daahir rayaale kaahin ugu fashilnatay in ay wax la qabato dadka u dhashay deegaanka daami.https://i0.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_13942d_2010-5-31-9-21-26f_digniin.JPG?w=620

waxaanu cadeeyay in maanta lagaba bilaabo ay taageeradooda la barbar taagnaan doonaan xisbiga Kulmiye, waxaanu kula dardaarmay dhamaanba beesha uu uu Suldaanka u yahay.

guddoomiyaha garabka dhalinyarada ee xisbiga Kulmiye C/Najax Siyaad Aw Cabdi oo isna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in taageerada ay maanta dadka u dhashay xaafada Daami ay tahay mid loo baahnaa isla markaana taageeradoodu ay tahay mid uu xisbiga kulmiye isku halayn karo.

https://i2.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_13942d_2010-5-31-9-16-38f_DSC04102.JPG?w=620

mujaahid Axmed Muxumed Madar oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in xukuumada madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin ay ku fashilantay in ay wax la qabato dadka u dhashay reer Somaliland.

waxa kale oo uu tilmaamay in barnaamijka siyaasadadeed ee laga sugayo xisbiga Kulmiye uu yahay mid hore loo wadaa ogaa isla markaana uu yahay kii ay muddoada ka badan 8-da sano dalka ku soo hagaysay.

guddoomiyaha dhinaca warbaahinta u qaabilsan xisbiga Kulmiye Mud. Maxamed Cilmi oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay si diiran u soo dhaweeyay taageerayaashan cusub ee maanta ku soo biiray xisbiga Kulmiye, waxaanu ku dheeraaday in xisbigoodu uu ka turjumayo midnimada iyo qaranimada dalka oo dhan.

ugu danbayntiina guddoomiyaha xisbiga Kulmiye Mujaahid Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo halkaas ka hadlay ayaa ugu horeyn si diiran u soo dhaweeyay taageerayaashan waxaanu sheegay in isla markaana uu war aan sal iyo raad toona lahayn ku tilmaamay in warar sheegayay in ay masuuliyiinta xisbiga Kulmiye hanjaabad u direen shaqaalaha dawlada “Waxa aan halkan ka cadaynayaa in aanay waxba ka jirin wararka sheegaya in xisbiga Kulmiye uu hanjabaad u diray dhamaanba shaqaalaha dawlada, waxaanan leeyahay warkaasi waa mid aan sal iyo raad toona lahayn oo been abuur ah” ayuu yidhi

xisbiga Kulmiye ayaa maanta laba xafladood oo u sameeyay taageerayaal ku soo biiray iyada oo boqolaal ka mid ahaa taageerayaal hore ugu jiray xisbiga UDUB xaflad soo dhaweyn ah loogu sameeyay Huteel Panaroma ee magaalada Hargeysa.

Xigasho/ Hadhwanaagnews