Beesha Birmaal oo Maanta si Mug Leg Ugu Biiray Xisbiga KULMIYE

http://kulmiye.com/wp-content/uploads/2010/05/DSC00257.jpgHargeysa-(KULMIYE.ORG)-Munaasibaddan soo dhawaynta ahayd ee lagu qaabbilay Beesha Birmaal oo ka mid beelaha sheegta in ala haybsooco , ayaa waxa ka soo qaybgalay Guddoomiyaha KULMIYE, ahna musharraxa jagada Madaxweynaha ee xisbigaas Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad Muuse Biixi Cabdi, Xoghayaha guud ee KULMIYE,Xoghayaha Maaliyadda, Gabbada Dhalinyarada,
Haweenka, Golaha dhexe ee KULMIYE, Masuuliyiin kale oo KULMIYE ka tirsan iyo sidoo kale taageerayaasha la soo dhawaynayay. Waxaana ugu horrayn Xafladdaas hadal kooban oo mahad-naq ah ka soo jeediyey Cali Cabdi Saa’iq oo ka mid ah Guddiga fulinta ee Xisbiga KULMIYE, oo beesha Bir-maal ka soo jeeda, waxaanu u mahadceliyey beeshiisa. Isaga oo sheegay inuu shaqsi ahaan dedaal weyn u galay sidii beeshiisu u muujin lahayd cududda taagero ee ay u hayaan Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE. Sidaa daraadeed-na waxa uu tilmaamay inay dad badan oo beeshiisa ahi la shaqeeyeen, isagana farxad gaar ah u tahay inuu arko boqolaal qof oo Taageerayaasha KULMIYE ka mid ah ay isku beel yihiin.


Guddoomiyaha Garabka haweenka Gobolka Hargeysa ee Xisbiga KULMIYE Layla Cismaan, oo munaasibaddaas ka hadashay ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin inay soo dhaweeyaan taageerayaashan cusub ee xisbigooda ku soo biiray, waxay sheegtay inuu KULMIYE yahay xisbi aan la kala lahayn ee loo siman yahay, dimuquraaddiyadi dhexdiisa ka jirto. Layla Cismaan waxay eedaysay TV-ga qaranka ee ay dawladdu maamusho oo ay sheegtay in laga sii daayo aflagaaddooyin ka dhan ah Madaxda Xisbiga KULMIYE. Hase ahaatee, waxay ku doodday inaanay kulmiye ahaan wax aflagaaddo ah gaysan doonin ee ay si cilmiyaysan u ololaynayaan doorashada Madaxtooyada.

Guddoomiyaha ololaha Gobolka Hargeysa Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiillada ee Xisbiga KULMIYE ka soo baxay, oo xafladdaa ka hadlay ayaa Wasiirka Arrimaha gudaha ku eedeeyey inuu Rinjigii KULMIYE ka beddalay Xafiis Xisbigu ku lahaa Galbeedka Magaalada Hargeysa (Buurta-kala-jeexan). “Saaka waxaannu tagnay Buurta-kala-jeexan, Xafiiskayagii halkaas Wasiirka Arrimaha gudaha ayaa intuu tagay rinjigii ka bedalay oo mid kale mariyey, ninkii noo joogayna meel uu illaa hadda geeyey lagama war hayo. Xafiiska UDUB wuu nagu dhaw yahay annagu dhibna u gaysan mayno, umanaannaan gaysan, markaa waxaan u soo jeedinayaa Xukuumadda iyo Xisbigeedu inay dhibaatada naga daayaan waxa naga dhexeeyaa waa tartan iyo doorasho’e.” ayuu yidhi Xildhibaan Nacnac. waxaanu soo dhaweeyey taageerayaasha cusub ee KULMIYE maanta soo galay.

Xoghayaha Maaliyadda ee KULMIYE Maxamed Cabdi Iskeerse, ayaa isaguna halkaa hadallo mahadnaq iyo dhiirigelin isugu jira ka soo jeediyey. Waxa sidoo kale iyaguna Munaasibaddaa ka hadlay Fu’aad Maxamed Cumar iyo Faysal Axmed oo ku hadlay afka taageerayaasha cusub ee KULMIYE maanta ku soo biiray, kuwaasoo sheegay inay hiil iyo hooba isla garab-taagayaan Xisbiga KULMIYE, isla markaana codkooda siinayaan maalinta doorashada Madaxtooyada loo dareero.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Axmed-Siilaanyo), oo gebagabadii Xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay beesha maanta Xisbigiisa ku soo biirtay oo uu sheegay inay taageeradooda muddo tabayeen. kuwaas oo uu uga mahadceliyey taageerada baaxadda leh ee ay maanta KULMIYE u muujiyeen beesha Birmaal. “Aad iyo aad baan ugu faraxsanahay xafladdan hal-abuurka leh ee aad soo bandhigteen iyo taageerada aad maanta u muujiseen Xisbiga KULMIYE, Aad iyo aad baanan idiinkaga mahadcelinayaa walaallayaal.” Sidaa ayuu yidhi Axmed-Siilaanyo.

xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa