Burco: Soo Dhoweyntii Eng Cabdi Cali Xume iyo hadaladii maasuliyinta Kulmiye ..


Burco: (Kulmiye.org) Magaalada Burco ayaa saka si weyn loogu soo dhoweeyey Eng Cabdi Cali Jamac oo loo yaqaan Cabdi Cali Xume, iyadoo soo dhoweyntii Eng Cabdi Cali Xume lagaga hortagay Tuulada Dubur ee Duleedka SHEEKH, waxaana loo soo gelbiyey dhinaca magaalada Burco gaar ahaan xafiiska Galbeedka ee Xisbiga Kulmiye.

Ugu horayn waxa barxadda hore ee xafiiskaas Kulmiye, kula hadlay boqolaalkii dadweynaha ahaa ee madasha iskugu yimi, Eng Cabid cali xume oo ah aqoonyahan reer somaliland ah, kana mid ah aqoonyahanka Gobolka Togdheer, waxaanu halkaas ka sheegay inu soo dhoweyntaas qiimaha leh ee loo sameeyey aad ugu faraxsanyahay, isagoo si weynna wuxu ugu mahadnaqay masuuliyintii xisbiga kulmiye iyo dadweynihii soo dhoweyey.

Dr. Cabdi aw-daahir oo isna madasha ka hadlay ayaa taageeryaashi xisbiga ugu baaqay, in tartanka doorashada ee soo socda ay u codeeyaan xisbiga kulmiye, waxuuna halkaa in badan ku duray xisbiga UDUB, waxaana haddaladiisii ka mid ahaa “Udub ha dhacdo, kulmiye ha noolaado, ilaahbaan idin ku dhaarshee ma taynu ogaynbaynu dib u dooranaa” iyo hadalo kaloo badan, sidookale waxa uu u sheegay dadkii hor tubnaa barxadda hore ee xafiiska xisbiga, in uu in badan dadka daweeyey, kana daweeyey cuduro badan, wuxuu sheegay oo kale inuu in badan siiyey taalooyin badan oo caafimaad, isagoo gunaanadkiina ku soo xidhay “sidii aan taaloyinka caafimad idiin siin jirey ayuunban imminkana talooyin danteena ah idiin siinayaa ee haddaad nolol,horumar iyo is bedel dhab ah u baahantihiin, kulmiye ugu rida, oo codkiina siiya” ayu yidhi Dr.Abdi aw-dahir.

Muj-Maxamed Kahin Axmed oo isna munaasibadda ka hadlay ayaa in badan u mahadnaqay dadweynihii kaqaybqatay soo doweynta Eng Cabdi Cali Xume, wuxuuna halkaas uga sheegay dadkii so dhoweyey Enginerka, in doorashadi soo dhowdahay, waxkhti aad u yarina ka hadhay, wuxuu sidoo kale sheegay oo uu yidhi in waxa keliya ee maanta aad nagu kala saari kartaan uu yahay Codkiina oo aad na siisaan.

Waxa munaasibadda dhammaan hadalo kooban ka jeediyey oo halkaas dadka kula hadlay, Guddomiyaha Awal,bari Xaji C/lahi Maxmed C/raxman,Sahra Ilkacas, oo ka mid ah garabka haweenka ee xisbiga Kulmiye, iyo qaar ka mid ah dhalinyarada xisbiga, waxayna dhammaantood u mahadnaqeen shacabka reer togdheer ee maanta sida qiimaha leh uga qaybqaatay soo dhoweynta Eng Cabdi Cali Xume, waxayna halkaas ka caddeeyeen in soo dhoweynta loo sameeyey Engineerkani ay muujinayso taageerada uu ku leeyahay Engineerku Gobolkiisa.

Dhanka Axsaabta kulmiye iyo Ucid oo maanta rabay in fagaaraha khayriyadda ay kula hadlaan taageeryaashooda, ayaa loo diiday In ay halkaas dadka kala hadlaan,waxaana ay axsaabtan mucaaradka ahi rabeen in soo dhoweynta enginer cabdi cali xume oo saaka oo baabuur sameecado waaweyni saaran yihiin lagu naadinayay, ay ku soo dhoweeyan iyaga iyo shacabkuba fagaaraha khayriyadda Burco, waxaana markii uu so baxay dhawaqa soo dhoweynta aqoon yahankani, lagu arkayay fagaraha khayriyadda Burco hareeraheeda, gawaadhi bileys iyo tikniko ah oo gaaf wareegaya hareerha khayriyadda.

Isku soo wada duubo imaatinka aqoonyahan Eng Cabdi Cali Xume iyo ka hor istaaga laga hor istaagay axsaabta mucaaradka ah fagaaraha khayiryadda ayaa ku soo beegmaya xilli lagu dhawaaqay in bil kadib ay dorashadii madaxtinimada dalku ka qabsoomi doonto guud ahaanba somaliland, iyadoo qabanqaabadeediina ay ka socoto dhammaanba gobolada somaliland.