BURCO: XOGHAYIHI XIBIGA UDUB EE G/TOGDHEER IYO TAGERYAAL BADAN OO U DIGOROGTAY XISBIGA KULMIYE

Burco (KULMIYE.ORG) taagerayaal Tiro badan oo ay ku jireen masuuliyintii u cuslayd xisbiga UDUB ee gobolka Togdheer, taageryaashan ku soo biiray xisbiga Kulmiye ayaa ka soo digo rogtay xisbiga talada haya ee UDUB, waxaana taagerayaasha saaka hogaaminyey Xoghayihii Guud ee xisbiga UDUB ee Gobolka Togdheer,
Mudane cabdi xasan ina foodyucub, waxaanay masuuliyintii soo dhoweysay taagerayaasha ka soo dIgrogtay UDUB ay ugu hambalyeyey taagerayaasha ku soo biiray xisbiga in ay yihiin dad jecel horumarka iyo wax wada qabsiga, isla markaasna ku sifeeyey dad ka dhex muuqan doona xisbiga kulmiye, iyadoo kaalmihii ay kaga jireen xisbiga ay ka soo digo rogteen kuwo la mid ah ama ka fiican ay ka geli doonan xisbiga, horumarka dalkana laga wada shqayn doono.

Xildhiban cali xasan maxamed (Cali mareexan) oo isna ka mid ah xildhibaanada ka qayb galay munaasibaddi loo sameeyyey taagerayaasha culus ee ku soo biiray xisbiga kulmiye kana soo digo rogtay UDUB ayaa madasha ka jeediyey kelmado badan oo duur xul ahaa, isagoo ka sheekeyey wax qabad la’aanta Guud ee dalka iyo weliba ta Gobolka Togdheer, wuxuu tafaasiil ka bixiyey, waxyaabo badan oo aanu xisbiga UDUB kula tartami karin Kulmiye.

Xoghayihii xisbiga UDUB ee goblka Togdheer, cabdi xasan axmed, oo saaka si rasmi ah u noqday taageryaasha iyo dadka wax galka u ah xisbiga kulmiye ayaa isna munaasibadda ka jeediyey khudbad dheer oo uu kaga sheekeeyey waxyaabihii uu uga soo digo rogtay UDUB, wuxuuna ku sheegay in ay ka mid yihiin waxyaabaha ku kelifay ka digo rogashada xisbiga uu xilka u hayey in uu noqday xisbi aan waxba u ogayn kuwa xilka u haya iyo ku taageeraba, inu noqday xisbi cid gaar ahi maamusho amar keli ahina ka socdo, inu noqday xisbi aan wax natiijo ah oo ka soo jeedaa jirin oo ay isku garan waayeen markii ay waxyaabo badan qiimeeyeen, waxaanu sheegay in sidaas ay ku goosteen in ay ku biiraan kulmiye oo uu sheegay inay ogyihin wuxu galay iyo wuxu gudayba, horena ay ogaayeen imminkana ay ogyihin. Wxu sido kale ku sheegay xisbiga uu ka soo digorogtay ee UDUB mid dhowaan is dhiibi doona oo gacmaha ko utaagi dona.

Sahra maxamed xusen oo ah gudomiyaha garabka haweenka ee xisbiga kulmiye ay iyaduna munasibadda ka sheegtay in xisbiga kulmiye maanta marti uga yahay shacabka uu usoo halgamay farta oo loo taago, lakin aanu ka rabin dhaqaale IWM, waxay ku boorisay gaar ahaand a’yarta iyo haweenka in farta u taagan xibig akulmiye sannadkan.

Dr.cabdi aw dahir iyo yaasiin oo iyaguna munasibadda ka hadlay ayaa ku yidhi dadkii madasha fadhiyey iyo shacabka reer somaliland ba noqda, UDUB kulmiye u codaysay, oo haddaaydaan ka bixi karin UDUB oo dhib idiku tahay ama waxyaabo kaleba aad xeerinaysaan codkiina siiya kulmiye doorkan UDUB tiinana iska ahaada. , isagoo Mr.yasin aayado quraana tusaae ug u soo qaatay is bedel in la helo iyo xukumadda haatan talada haysa, ooo uu ku sheegay in ay tahay xkumad la mid ah taliskii fircoon.

Mujahid Maxamed kahin ayaa isna madaxweyne rayaale ku eedeyey inu ku hadlo hadalo aan masuuliyadaysnayn ku hadlo, Wuxuu kaloo ku eedeyey wax lala yaaboba ku tilmaamay wasiiro uu sheegay in gobolka ay joogaan oo xaafadaha ay shirar kula leeyihiin qoysaskooda, isagoo ku eedeyey in madaxweynuhu u soo diray reerahooda, waxaanu wasiirada xukumadda ku sheegay kuwo aan garanayn shaqadooda.

Ugu danbaynti masuuliyintan ayaa noqonaya kuwi ugu miisaanka cuslaa wiigan u danbeeyey ee u soo digor rogtay xisbiga kulmiye, waxaana dadka saadaliya arrimaha siyaasadda ay shaki weyn ka muujiyeen si jiritaanka iyo loolan adag oo la galo xibiga UDUB xisbiga kulmiye, oo haatan u muuqda mid yar iyo weyn ba aan loo kala hadhin. Maalmahan u danbeeyeyna kujirey qaabilada xubno cusub oo ku soo biirayey.