DALJIRE: “I Shiid Aan Ku Shiidee Waa Nabad Daalis…….UDUB Waanu Ka Diidnay”. By A. Geeljire

Dubbe iyo Doolaal duqay weeye magaalo oo dalkooda ilaasha. Waa laba aan kala daalin dariiqna aan wada qaadin. Midba duubka wanaagga dushaasuu ku sitaa iyagaaba is doortay.Waa laba aan debec yeelan oon hadal diirkaba saarin deelqaafna wuu ka dhacaa. Haddana inay is dilaan iyo dudmana loogama yaabo.

Waa niman aan dan ka yeelan dadka kay ku arkaan waxay diidan yihiin ee duunkoodu la yaabo derejo uu doono ha yeeshee, kay daafacayaanna inta daaqsinta geela looga soo durki maayo. Ruuxay diiraddoodu haleesho daguugahay ka dhigaan dembina loo qabsanmaayo oo duqoodi Dhanxiirbaa digreetadaa u saxeexay ducana waabu u raacshay. Bartay doodda jilba iyo foodda ay is daraanna waa Danlaawoow mafrishkooda oo ay qadadii dabadeeda iyo duhurka ay ku kulmaan.

Dubbe:waaryaadhaheen. Hadduun baan gartay dhagxaantii ay UDUB meel walba dhigi jirtay inaanay mashaariic ahayne ay rabtay inay nagu shiiddo marka doorashadu soo dhowaato.

Doolaal:Horta maxaa dheddigga noogu sheegtaan ee UDUBta u tidhaahdaan ee UDUBkii u odhan weydeen illayn weydinka Kulmiye wuxuu yidhi ama UCID wuxuu yidhi yidhaahdee?

Dubbe:Wallaahi waa runtaaye halkaa waxbaa ku jira. Oo ninyow mabaanaan u fiirsanne. Laakiin dheddigu cay maaha illayne waa abuur ilaahay uun oo midna labood yahay midna dheddig yahaye horta aan tacsi u dirno qoyskii reer Ceerigaabo ee ay UDUBtu inanka ka dishay.

Doolaal: “Soo bax baa la leeyahay oo ay sacabka leefaysaa” Bal dheddig hanagu sheegin baanu ku leenahay oo aad ku sii celinaysaa.

Dubbe:Waar dee wuxuu malaa xukuumadda ayaa dheddig ah oo ay la socotaa? Waxa kale oo aan reer Ceergaabo ka tacsiyadaynayaa boqolaalka dumar ah ee sanad walba Umulraaca ee isku go’a markay umulayaan ee xukuumadda UDUB waxba u qaban weyday. Waxaan ka tacsiyadaynayaa cusbataalkooda aan laydhka lahayn ee xukuumadda UDUB waxba uga qaban weyday.Waxaan ka tacsiyadaynaya inay Hargeysa oo ka badan 500 km u jirta u yimaadda is daaweyn teeda u sahlan oo xukuumadda UDUB waxba uga qaban weyday.Waxaan ka tacsiyadaynayaa waddo la’aanta haysata ee xukuumadda UDUB waxba uga qaban weyday. Waxaan ka tacsiyadaynayaa macallimiin la’anta haysata ee xukuumadda UDUB waxba uga qaban weyday. Waxaan ka tacsiyadaynayaa dhirtii Daalo ee dhuxusha loo gubay ee xukuumadda UDUB waxba uga qaban weyday. Waxaan ka tacsiyadaynayaa inuu Wasiir Tallaabo oo xukuumadda UDUB ahi ku sheegay Ceergaabo meel ay Alshabaab joogto. Waxaan ka tacsiyadaynayaa In Wasiirkooda oo Tallaabo ah oo Xanuusnanaya ay habar Xabashiyad ahi qaan u qabsatay oo maqsin Addis Ababa ku yaal ku xidhatay xukuumadda UDUBna waxba u qaban weyday. Waxaan ka tacsiyadaynayaa inay tacabka ay dhulka geliyeen ee la soo baxeen u iib keeni kari waayeen suuqyada Dalka waddo xumaan darteed oo xukuumadda UDUB waxba uga qaban weyday. Waxaan ka tacsiyadaynayaa inay adeegayada xukuumadda u soo doontaan Hargeysa oo ay ku darxumoodaan oo xukummadda UDUB waxba uga qaban weyday. Waxaan ka tacsiyadaynayaa inay qaarkood haddana Ina Rayaale iyo xukuumadda UDUB wax u shiidayaan.

Doolaal:Anagu ma waxbaanu ka hagrannay sawkii Madaxweynuhu yidhi intii itaalkayaga ahayd waanu qabanay.ta kale ma anagaa wax shiidnay idinkaa wax shiiday eh?

Dubbe:Waar kaasii waa caqligii madaxda UDUBta ee minjaha ku jiray.(kum jiraan Ku-xigeenka iyo saaxiibkay Cali Guray )

Doolaal:Ma anaguu caqligu minjaha nagaga jiraa? Bal afxumadaada eeg.

Dubbe:Haa. Markaasaa weliba dadkana sidina moodaysaan.Waanan caddaynayaa haddaan caddayn waayo Xasan Guure oo Suldaankayga ah ayaa xaal idin siinaya.(tolow wax cimaamado ah oo uu xaal u bixiyaa ma ku hadheen?)

Doolaal:maxaad ku caddaynaysaa?

Dubbe:Kow. Tobankii cisho ee u danbeeyay oo keliya ayaan tusaale kaa siinayaa. Waxa la la waraystay Wasiirka Hawlaha guud oo la weydiiyay barnaamijkii xisbigooda, wuxuu yidhi. “haddaanu soo saarno waxaanu ka baqanay in ay mucaaradku niyad jabaan oo doorashaba nala geyi waayaa.” Bal adigu caqligaasi halkuu ku jiro sheeg. Waa isla ninkii yidhi. “markaanu Axmed Siilaanyo rasaasaynay ayay nabaddii soo noqotay.” Waxa aan arkay Cabdillahi Caray, Guddoomiyaha Difaaca UDUB oo dad reer sanaag ah oo aan is idhi gaadi Sanaag u baxaya ayuu ka soo rogay xaflad u qabtay oo xisbigii uu shalay inagu lahaa ma jiro oo doorashada daacad kama aha oo nin Cismaan hindi la yidhaa baa na qabsaday haddana leh way ku soo biireen oo cismaan Hindina u khudbadeeyay oo isna sacabka u tumay. Maxay dadku ku biireen maba jiro ayuu yidhiye?Bal hadaba caqligaasi halkuu ku jiro sheeg. Waxaan arkay nin guddoomiyha UDUBta ee Togdheer sheeganaya oo leh “Ina Gaboose intuu dalka rabshad ka kiciyo oo Somaliland baabiiyo ayuu halkuu ka yimi tegayaa.” Bal adigu caqligaasi halkuu ku jiro sheeg.

Doolaal:Waar bal daaqadaha inaga yar fura. Maanta kululaa. Belo ku degtay miyaan idhaahdaa.

Dubbe:Waxaan arkay UDUBtii oo intay carruur soo abaaushay tidhi Kulmiye shiida oo haddana leh Kulmiye ayaa na soo weeraray. Haddaba reer Somaliland aan idin weydiiye yaa nabadda ka masuul ah oo xilka inoo haya? Aan is weydiinee Kulmiye oo Hargeysa oo UDUBtii waaweynayd iyo dabo-ka-naaxyadeedii joogaan ayaa maalinkasta rasaas lala dhacaa Kulmiye oo dad laga laayaa lagana dhaawacaa oo aanay cidna wax u dhimin ee maxay 500 oo km gaadhi ugu raacayaan oo ay dad toodaba u liita oo Ceergaabo iska jooga u shiidayaan? Kaba soo qaad inaynu ta UDUB dhegeysano. Haddaanay awoodeedu gaadhsiinayn inay ka war hesho inuu Kulmiye Ceergaabo imanayo oo dhagxaan sito oo xafiiska UDUB shiidayo oo aanay Kulmiye kala xidhiidhin ama ciidan badan oo nabadda ilaaliya dhigin koobaha la shiidayo miyay u qalmaan inay xukuumad inoo ahaadaan? Miyaynu nabadda ku aamini karnaa?Miyay u qalmaan inay haddan doorasho inaga doonaan? Miyay cadaw kale ama khatar kale inaga dhicin karaan? Haddaba bal caqligaasi halkuu ku jiro sheega.

Doolaal:Horta Madaxweynihii Goormuu soo noqonayaa? Maanta France buu ka soo duulay miyaan maqlayay?

Dubbe:Cumar Jaamac oo Guddoomiyaha Siyaasadda ama waxa u dhigma siyaasadda ee UDUBta ayaa yidhi. “dadku waxay doorasho u galaan inay faa’iido kahelaan is beddelna u yimaaddo markaa xisbiyada qaar baa qaar baa hadda wada weydaye ciidee.” Markaa kuwa is beddelka diidaya ee is leh weyde ee ciideeya miyaanay UDUBta ahayn? Bal caqligaasi halkuu ku jiro sheega.

Doolaal:Tolow Ku-geenku ma madaxweynaha ayuu soo dhoweynayaa?

Dubbe:Waxaynu aragnay nin sheeganaya guddoomiyaha UDUBta ee Sool oo leh “Laascaanood waxa saaka yimi Guddoomiye ku xigeenkii Wakiilada ee Soomaliland waxaanu u yimi inuu nabadda khalkhal geliyo ee dadweynow iska jira.” Halkaynu ku aragnay qof ka mid ah dadkii dalkaba u sarreeyay ee nabaddaba wax ku haystay oo waxaa laga sheego? Bal caqligaasi halkuu ku jiro sheega. Waxaynu maqallay idaacadda Hargeysa ee UDUBta afkeeda ku hadasha oo leh Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Xashi Cilmi iyo Dr. Gaboose waxay gacan saar la leeyihiin argaxisada Alshabaab oo gaal Copley la yidhaa oo aanu lacag siinay oo aanu ku nidhi soo qor baa noo sheegay.? Bal adigu caqligaasi halkuu ku jiraa?
Doolaal:Anagu gaalka lacag maanaan siin.

Dubbe:Somalilandeey miyaanay madaxdii nabadda loo xilsaaray ee UDUB falal argagixiso lagu qaban oo aanay saraakiil ciidanka qaranka ah layn oo aan maxamadi ku xukumin? Ma kuwaasaa cid kale argagixo ku sheegi kara? Bal caqligaasi halkuu ku jiro sheega.

Doolaal:Tolow Madaxweyne ku xigeenkii muxuu Berbera ka doonay?

Dubbe:Todobaadkii hore waxa la weydiiyay Wasiirka Maaliyadda ee UDUBta, Cawil Cali Ducaale goorta uu lacagta ka Giimbaarka ka bedelayo Burco isagoo dhawr miisaaniyadood oohore ku soo daray kharashka bedelaada. Wuxuu ugu jawaabay xildhibaan Nacnac oo weydiiyay. “maxaa kaa galay adigu reer Burco ba ma tihide anigaa reer Burco ahe.” Ma waxaasaa wax nin weyn oo gabooooooooooobay ee masuul ahi ku jawaabo ah? Caqligaasi halkuu ku jiro bal sheega.

Doolaal:Tolow intuu ku maqnayaanayaa Berbera Ku xigeenku?

Dubbe:Saxaafadda dalku waxay kala saxeexatay heshiis anshaxa ah. Xumuumadda UDUBta waxa u saxeexay Wasiirka Idaacadda UDUBta Ina Xaaji Daahir. Todobaad ka dib khadkii lagu saxeexay heshiiska oo weli qoyan ayuu idacaadda waxii aydin maqasheen ka sii daayay. Markii la weydiiyayna wuxuu yidhi ruux dumar ah baa Madaxtooyada igala soo hadashay oo tidhi ka noqo. Caqligaasi halkuu ku jiraa.

Waa inoo qoaalka xiga haddii eebbe idmo.

A. Geeljire

Xafiiska Wararka KULMIYE
Hargeysa/Somaliland