Dhallinyaro ka Badan 100 Xubnood oo Casuumad u Fidiyey Masuuliyiinta KULMIYE iyo Haween

Boorama (KULMIYE.ORG)- Dhallinyaro tiradoodu ka badan tahay ilaa 100 xubnood oo xisbiga KULMIYE ku biiray ayaa shalay munaasabad ballaadhan ku martiqaaday masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta xisbigaas ee Gobolka Awdal.

Xafladda dhallinyarada ku biiray xisbiga KULMIYE oo ka dhacday xarunta xisbiga waxa ka hadlay jeediyay qaar ka mid ah dhallinyaradaas oo uu ka mid yahay Maxamed Maxamuud Sahal, kaasoo sheegay inay KULMIYE ugu biireen biireen markii ay arkeen barnaamijkiisa siyaasadeed iyo doorka ballaadhan ee uu dhallinyarada u ballanqaaday, isaga oo si gaar ahna u soo qaatay nidaamka garsoorka ee dalka oo madaxbannaanidii iyo awooddi dastuurku siiyayba laga qaaday, isla markaana xukuumadda Rayaale jeebka ku ridatay, waxaannu sheegay inuu rajaynayo in xisbiga KULMIYE uu caddaaldadii dalka ka soo saari doono jeebka lagu ritay, ummadduna heli doonto garsoor caadil ah, sidaa awgeedna ay dhallinyaro ahaan diyaar yihiin inay codkooda siiyaan xisbga KULMIYE, waxaannu oo sheegay inay ku khasaareem madaxweynaha hadda ee gobolkooda ka soo jeeda, “Siyaad Barre maalmihii u dambeeyay ee xukunkiisa. Waxa uu sheegay inuu saddexba ku khasaaray oo uu ku khasaaray Soomaali baa Itooya iska leh iy dumarka iyo raggu way sima yihiin, annaguna haddaannu nahay dhallinyaradii Gobolka Awdal waxa aanu leenahay saddexba waanu ku khasaarnay madaxweyne ayaad leedihiin waanu ku khasaarnay, wax buu idiin tarayaana waannu ku khasaarnay, Gobolka Awdal buu ka soo jeedaana waanu ku khasaarnay.”

Guddoomiyaha garabka haweenka Gobolka Awdal ee xisbiga KULMIYE Marwo Aamaal X. Axmed Miisaan oo iyana halkaa ka hadashay ayaa sheegtay in haddii awal la arki jiray xisbiyo dad casuuma, maanta ayey dhacday in dhallinyaradii iyo bulshadii Awdalba in inta ay iyagii is-abaabulaan ay masuuliyiintii xisbiga martiqaadayaan, iyaga oo leh waxaannu aragnay in dantii dalku ay ku jirto xisbiga KULMIYE diyaarna waxaan u nahay inaan codkayaga siino arrintaas oo ay ku tilmaantay guul xisbiga u oo hoyatay iyada oo intaa ku dartay, “Waanu idin soo dhawaynaynaa dhallinyaradiina sida kalsoonidu ku jirto noo taageeray ee noogu soo biiray inta kale ee soo socota ee idinku daba jirtana waxaannu leenaha soo dhawaada.”

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ee Goboka Awdal Ibraahin Aadan Qaalib, wasiirkii hore ee kalluumaysiga Axmed Xirsi Oomane, Guddoomiyaha garabka dhallinyarada KULMIYE ee Xasan Siciid, Xildhibaan Abiibakar Good iyo Axmed Yuusuf Geelle (Dacar) oo iyaguna la hadlay dhallinyaradaas ayaa ku soo dhaweeyay xisbiga, kuna hambalyeeyay sida ay isku abaabuleen io aragtida aqoontu hagayso ee ay ku darseen barnaamijka KULMIYE oo ah mid cad oo ummadda mugdiga ka saari doona siday sheegeen.

Sources Jamhuuriya

xafiiska wararka KULMIYE
hARGEYSA