Dhamaade Dharaarihii UDUB Q-1 aad By: Afgaab Guuleed

https://mail.google.com/mail/?ui=2&ik=ece4a3fd56&view=att&th=12851fe496eb775a&attid=0.1&disp=inline&zw

Hussein Guled Howle “Afgaab”
Columbus Ohio

Marka hore illaah baa mahad leh marka xigana dhamaan hawl wadeenada warbaahinta hawada ka hawl gala kuwaas oo suurta galiya in dadweynu is dhaafsado akhbaarta iyo aragtida kala duwan iyagoo adeegsanaya aalada Internet-ka. Intaa ka bacdi akhristayaal qormadan oo noqon doonta taxane kusoo baxa warbaahinta madaxa banaan waxaynu ku eegi doonaa Dharaarihii iyo Dhacdooyinkii Taariikhda ugalay Xukuumada Riyaale mudadii ay xilka haysay.

Dharaarahan oo ah qaar isugu jira  xaalad abuur, Xadgudubyo Siyaasadeed, Hanti uruursi, iyo xadhigyo sharci darro ah waxay umada Reer Somaliland ku reebeen xasuuso lama illaawaan ah balse waxaynu qormadan maanta ku qaadan doonaa xadhig-yadii sharci darroda ahaa ee Xukuumada Riyaale kula kacday birmagaydada Somaliland sidda Salaaadiinta, Suxufiyiinta, iyo Siyaasiyiinta.

Dabayaaqadii 2006 waxay xukuumada Riyaale  si sharci darro xabsiga Madheera ugu taxaabtay Suldaanka guud ee Beesha Habar-Yoonis Suldaan Cismaan Suldaan Madar oo dawlada usoo jeediyay in ay dalka ku xukumaan shareecada islaamka balse waxay dawlada Riyaale kaga jawaabtay Xadhig  qaatay muddo shan bilood ah.

Sidoo kale bilowgii 2007 waxay dawlada Riyaale isla xabsigaa Madheera u taxaabtay suxufiyiin ay kamid yihiin gudoomiyaha iyo tafatiraha wargaysa Haatuf oo soo bandhigay hanti Malaayiin Doller ah oo la sheegay inay lunsadeen qoyska Madaxtooyadu, waxaanay si sharci darro ah xabdhiga Madheera ugu xidhnaayeen muddo saddex bilood ah.

Isla xagaagii 2007 waxay Xukuumada Riyaale si shardi darro ah xabsigaa Madheera ugu taxaabtay siyaasiyiinta urur Siyaasadeedkii Dawladu diiday ee Qaran kuwaas oo ay dawlada Riyaale uga baqday in ay wiiqi doonaan amaba meesha ka saari doonaan taagerada tirada yar ee Xisbiga UDUB halka uu Xisbiga Mucaaridka ugu weyn ee Kulmiye soo dhoweeyey waxaanay xabsiga Madheera ku qaateen 144 Habeen.

Sidoo kale 03 August 2008 waxaa xadhig Wasiirka arrimaha guduhu (Cirro) amray lagula kacay Xirsi Cali x. Xasan oo kamid ahaa komishankii hore ee doorashooyinka, Xadhiga xirsi wuxuu ku lug lahaa jawaab uu warbaahinta u mariyay M/weyne Daahir Riyaale Kaahin isagoo u sheegay in uu arimaha doorashooyinka M/weynuhu kala mid yahay Gudoomiyayaasha Xisbiyada.

Waxaa kale oo June 2008  Xukuumada Riyaale xadhig muddo badan qaatay kula kacday Muwaadin Abshir Xasan oo ahaa dareewalkii khaaska ahaa ee xaaska M/weynaha, Abshir Xasan waxaa xadhigiisa laga soo amray Madaxtooyada kadib markii uu Warbaahinta kusoo bandhigay cadaymo badan oo muujinaya hanti ay lunsadeen qosyka M/weynuhu.

Dhamaan xadhigyadan aan kor kusoo xusnay iyo kuwo kale oo badanba waxay Xukuumada Riyaale usoo martay sifo sharci darro ah iyadoo adeegsanaysa awoodii iyo ciidankii loogu talo galay inay umada u adeegaan waxaana canbaareeyey beesha caalamka, ururada bulshada iyo xisbiyada Mucaaridka.

Qalinkii iyo Qoraalkii
Hussein Guled Howle “Afgaab”
Columbus Ohio afgaab15@hotmail.com