Dhambaal Tacsi ah oo uu dirayo Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE

Guddoomiye Siilaanyo

May.11.2010

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mudane, Ahmed Mohamed Siilaanyo, isaga oo ku hadlaaya magaciisa, kan Xubnaha Xisbiga iyo Taageerayaasha oo wada dhan dibad iyo gudaba, waxaa uu tacsi u dirayaa guud ahaan shacbiga S/land, isaga oo uga tacsiyadaynaya Geerida naxdinta leh ee ku timid MARXUUM Muuse Jaamac
faarax “”Muuse Guray” oo maanta oo Taariikh tahay 11.May.2010 lagu aasay Magaalada Hargeysa.

Guddoomiye Axmed Siilaanyo wuxu si gaara u tacsiyadaynayaa Dr. Jaamac Muuse Jaamac oo uu aabihii ahaa marxuumku, ILLAAHAYNA marxuumka janadii Fardowsa ha ka waraabiyo dhamaanteenna Samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo.

Aamiin Aaamiin

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE
Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)