Dr. Gaboose Oo Soo Dhaweyntii Ugu Balaadhnayd Kala Kulmay Shacabka Reer Laascaanood

https://i0.wp.com/www.aftahan.com/wp-content/uploads/2010/01/kulmiye01.jpg?w=620

Lascaanood (Kulmiye.org) Wararka ka imanaya Laascaanood ayaa sheegaya in guddoomiyaha ololaha gobolada bariga ee xisbiga Kulmiye Dr. Maxamed Cabdi Gaboose iyo wafti uu hogaaminayaa ay  maanta gaadheen magaaladaas.

Guddoomiyaha iyo waftigiisa ayaa la sheegayaa in dadka Magaaladaasi ay si weyn u soo soo dhaweeyeen isla markaana ay kaga horyimaadeen jidka laga soo galo magaalada.

Guddida ololaha ee xisbiga Kulmiye u qaabilsan gobolada Bariga ayaa socdaalo ay ku soo mareen gobolada Togdheer, Sanaag iyo Laascaanood ayaa waxa ay ku soo dhiseen xubnihii u qaabilsanaa ololaha.Masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ee gobolada bariga socdaalka maalmihii ugu dambeeyay socdaalka ku gaalaa bixinayay ayaa dadka kala hadlayay sidii ay u qaadaan kaadhadhka cusub ee lagu bedelayo kuwii hore ee xumaaday.

Guddoomiyaha gobolada bariga u qaabilsan ololaha Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa mar uu maanta la hadlayay taageerayaashii soo dhaweyntiisa ka qayb qaatay ku booriyay in ay dedaalkooda isugu geeyaan sidii ay codkooda u siin lahaayeen xisbiga siyaasiga ah ee Kulmiye isla markaana ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka lagu gelayo codbixinta doorashada madaxtooyada ee la filayo in ay dhawaan dalka ka dhacdo.