Garabka Haweenka Habar-Cafaan oo ku biiray xisbiga Kulmiye, kana soo baxay UDUB.

Boorame-(KULMIYE.ORG)-Xaflad lagu qabtay Hotel Rays ee magaalada Borama, ayaa waxaa soo agaasimay, garabka haweenka isbadalka doonka, ee xisbiga Kulmiye, waxa ayna ugu tala galeen, inay ku soo dhaweeyaan, garabka Haweenka isbadal doonka Beelwaynta Habarcafaan.

Munaasabadan ayaa waxaa ka soo qayb galay, Marwada koowaad ee Musharaxa M/weyne K/xigeenka Kulmiye Cabdiraxmaan Saylaci iyo xubno kale oo aad u mihiim ah, oo ay ka mid tahay, Amaal Axmed Miisaan, iyo kuwa kale oo fara badan.
Munaasabadan loo sameeyay, taageerayaasha cusub, ayaa waxa ay ahayd mid aad loo soo agaasimay, waxaana halkaas laga soo jeediyay,khudbado iyo soo dhawayno farab adan.

Hadaba taageerayaashan ku soo biiray, Xisbiga Kulmiye, ayaa waxaa la is odhan karaa, waa taageerayaashii ugu fara badnaa, ee xisbiga ku soo biira, in dhawaalaba, waxa ayna kor udhaafayeen, boqolaal taas oo la odhan karo, Beelwaynta habar cafaan garabkooda, dumarku wali fari kama qodna, waana qayb ka mid ah, garabka Haweenka ee beesha
Habarcafaan.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa