Guddoomiyaha Gudida Nabadgelyada Wakiillada oo ka Digay Farogelinta Xukuumadda ee Arrimaha Doorashooyinka

Siciid Cilmi Rooble

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Guddoomiyaha Gudida nabadgelyada, difaaca iyo arrimaha gudaha ee Golaha Wakiiada Somaliland Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble, ayaa ka digay farogelinta ay xukuumadda iyo xisbiga UDUB ku hayaan hawsha bedellaada kaadhadhkii hore ee codbixiyayaasha doorashooyinka.

Xildhibaan Sicid Cilmi oo daba socday tallaabadii maanta ciidanka ammaanku ku xidheen laba goobood oo ku yaalla Hargeysa, islamarkaana ay ka socotay hawsha kaadh-qaybinta, ayaa ku tilmaamay sharci-daro iyo gef baal-marsan xeerka doorashooyinka Somaliland ee No.20 oo dhigaya in ciidanka ammaanku ka ammar qaataan oo qudha Gudida Komishanka Doorashooyinka qaranka marka lagu gudojiro xilliga doorashooyinka, isagoo xildhibaanku si toosa fariin ugu diray Taliyaha Booliska Somaliland Maxamed Saqadhi Dubad.

Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay shebekadda wararka Berberanews, ayaa sheegay haddii xukuummadu baal-marto sharciyadda u yaalla doorashooyinka ay masuul ka noqon doonto wixii nabadgelyo darro ka yimaada, ummadana ay ka horjoogsanayaan inay gutaan xaqa ay u leeyihiin inay wax doortaan.

hadalka Guddoomiyaha Gudida Nabadgelyada Golaha Wakiillada oo dhammaystirani waxa uu u dhignaa sidan:

“Anigoo ku hadlaya afka Guddoomiyaha Gudida Arrimaha gudaha, nabadgelyada iyo difaaca ee Golaha wakiillada waxaan xukuumadda uga digayaa farogelinta arrimaha doorashooyinka, waxaanan shacabka Somaliland ku gubaabinayaa in nabadgelyada la ilaaliyo oo awaamiirka Komishanka la qaato. sida uu caddaynayo Xeerka doorashooyinka ee No.20 dhammaan booliska iyo ciidanka qarankuba tallada waxay ka qaadanayaan komishanka, iyagaana arrimaha doorashooyinka laga amar qaataa; xukuumadu xisbi ayay ka soo jeedaa, xisbiyada kale ayay la simantahay, maaha taliyaha boolisku inuu ka ammar qaato xukuumadda.

aArrinta aan ka hadlayaa waxa weeye labada sanduuq ee boolisku eeyey saldhiga dhexe, iyadoo aan laga ammar qaadan komishanka oo ay wax ay ka ogaayeen aanay jirin waxaan u sheegayaa ciidanka Somaliland, gaar ahaan booliska anigoo toos ula hadlaya Taliyaha booliska, markay arrimaha doorashada iyo sanaaduuqda noqoto sharciyan maalintan oo kale ciidanka boolisku cidda keliya ee ay ka ammar qaadanayaan Komishanka Doorashooyinka sidaa weeyaan sharcigu, sidaa ayaan doonayaa inaan u akido [Taliyaha Booliska], hadday Komishanka tahayna xilkiisa uga soo baxo oo garto shaqadiisa, haddii ay diidaan boolisku [Komishanka] waa inay hadlaan oo ummadda u sheegaan inaan laga amar qaadaynayn, danadeedna markaa tallo qaran oo kale la gaadhaa, anigoo si gaara masuul uga ah sharciga arrimaha nabadgelyada iyo xeerarka khuseeya, haday tahay Taliyaha booliska iyo ka ciidanka qarankuba waxay talada ka qaadanayaan Komishaka Doorashooyinka. xukuumadu waa xisbiga UDUB inay farogelin ku sammaysana waa qalad, haday sidaa yeeshana iyagaa masuul ka ah nabadgelyo darada, iyagaana ummada burburinaysa, iyagaana ummada horoogsanaya inay si fiican u gutaan xaqoodii doorasho.”

xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa