Guddoomiyaha KULMIYE oo Dadweynaha Somaliland ugu Baaqay Qaab Nabadgelyo ah uga Qaybgallaan Bedellaada

Guddoomiye Siilaanyo

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE AXmed Maxamed Maxamed (Siilaanyo), ayaa shacabka Somaliland ugu qaabay si nabadgelyo ah oo wadaniyad leh inay uga qaybqaataan bedellaada kaadhadhka cusub ee doorashooyinka oo maanta ka bilaabanay Somaliland.

Xisbi ahaan [KULMIYE] waxaanu idinka gacan siinaynaa [Komishanka Doorashooyinka Qaranka]hawsha baaxadda leh ee aad qaranka u haysaan.” ayuu yidhi Md. Siilaanyo oo ka hadlay Radio Haoryaal

Md.Siilaanyo waxa uu shacabka u soo jeediyey inay nabad Ilaaliyaan , kana fogaadaan wax kasa oo dhibaao ku keeni kara habsamu u socodka hawsha bedelaada kaadhadhka.

Xafiiska Wararka KULMIYE
Hargeysa