Guddoomiyaha KULMIYE oo naqdiyay hadalkii M/weynaha ee la xidhiidhay natiijada Diiwaangelinta

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay hadal dhawaan ka soo yeedhay Madaxweyne Rayaale oo la xidhiidhay natiijada Agabka kala shaandhaynta Liiska Diiwaangelinta, kaas oo uu ku tilmaamay mid aan loo baahnayn. Waxaanu ku eedeeyay M/weyne Rayaale in uu ka war-wareegayo in Doorashadu dhacdo.
Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed-Siilaanyo waxa uu Madaxweynaha iyo Xukuumaddiisa ku eedeeyay inay cilado iyo farsamooyin u raadinayaan sidii ay doorashadu dib uga dhici lahayd wakhtiga cusub ee ay Komishanka Doorashadu u qoondeeyeen ee 26 June. Waxaanu naqdiyay hadal Madaxweyne Rayaale ka yidhi arrinta natiijada Server-ka. “M/weyne Rayaale ciddii xilku saarnaa ee masuuliyadda Doorashadaa 8-daa sanadood baaqatay waa isaga..arrintii Heshiisku ka dhacay ee Dunidu soo farogelisay ee Umadda Somaliland sheekheedii iyo shariifkeedii ay ka hawl-galeen, ayuu ilaa saacaddan u dambaysana uu ka galgalanayaa in ay Doorashadii dhacdo, oo imikana mar walbana cilado loo doonayaa oo cilado loo raadinayaa oo imika hadalkii u dambeeyay yahay way xun tahay (Diiwaangelintu) oo cilado ayaa ku jira, laakiin waanu iska galaynaa. Waanu iska galaynaa hadal maaha, doorashadii waa la galayaa, umadduna way ku socotaa, dunida iyo Umadduna aqbali mayso (in ay dib u dhacdo). Waxaanu leenahay doorashada waanu ku talo-galaynaa, sidaas ayaananu diyaar u nahay oo Umaddu sugaysaa.” Ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE oo shalay u waramay Shabakadda wararka ee Hadhwanaagnews.
Mar Guddoomiyaha la waydiiyay aragtida ay ka qabaan suurtogalnimada in doorashadu dib u dhici karto, ayaa wuxuu ku jawaabay oo uu yidhi, “Arrimahaas male-awaalka ah ma jecli in aan ka jawaabo, yaynaan maskaxda gelin, shacabkeenana aynaan qalbigooda gelinin, waa inay Doorashadu dhacdaa..haddii ay dhici waydo, Ilaahay inaguma keenee wax kheyr leh dhici maayaan. Dhammaanteen waa inaynu ku talo-galnaa in ay doorashadu dhacdo, male-awaalna yaynaan ka hadlin, waa arrin waxa ka iman kara aynaan qiyaasi karin.

Xigasho Ogaal
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa