Guddoomiyaha Ololaha Bariga KULMIYE Dr.Gabboose oo la Hadlay Dadweynaha Reer Ceerigaabo


Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Guddoomiyaha Ololaha Doorashooyinka Gobollada Barigau qaabilsan xisbiga KULMIYE Dr. Maxamed cabdi Gabboose, ayaa maanta meel fagaare ah kula hadlay boqollaal qof oo ka mid ah taageerayaasha xisbiga ee magaalada Ceerigaabo, isagoo ugu horayn u tacsiyadeeyey qoyskii uu ka baxay Marxuumkii ku geeriyoodey weerarkii lagu soo qaaday masuulliyiinta KULMIYE.

Dr. Gabboose, ayaa sheegay in dadkii rabsjadaha ku soo qaaday aanay ahayn qaar iskood isu soo abaabulay, haseyeeshee ay ka danbeeyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda ee xukuumadda Rayaale, waxaana ka mid ahaa hadalladiisa. “Marka ugu horaysa dadweynaha reer Ceerigaabo anagoo uga mahadcelinayna sida ay noo soo dhaweeyeen, waxaan idiin sheegayaa socdaalkaygu inuu ahaa mid ku sallaysan in gudiyadii ololaha doorashada ee gobolka Sanaag aanu halkan ka sii dhisno. rabshadihii halkan ka dhacayna waxaan hubaa in laga soo abaabulay, lagana soo maalgeliyey guri aan ogahay oo Hargeysa ku yaalla oo ay ka danbeeyeen inta ugu dhow ee sii dhacaysa . waxaan halkan ka tacsiyadaynayaa marxumkii ku geeriyoodey mashaqadii Ceerigaabo ka dhacday iyo intii ku dhaawacantay oo aan Ilaahay uga baryayo caafimaad.”

Dr. Gabboose waxa uu intaa ku daray in taag-darada UDUB ay u geysay dhagxaan iyo shiid ay dariiqyada la taaganyihiin,

Guddoomiyihii hore ee Komishanka Doorashooyinka Axmed Xaaji-Cali Caddami oo ka mid ah masuulliyiinta ololaha gobollada Bari, ayaa halkaa kaga hadlay barnaamijka KULMIYE ee doorashada, isagoo ugu baaqay in UDUB ay joojiyaan fidmada ay kula dhexjiraan bulshada, una diyaar-garoobaan doorashada.

Xafiiska Wararka KUMLIYE
Hargeysa