Guddoomiyaha Ololaha Gobolada Galbeed oo Xadhiga ka Jaray Xafiis uu Xisbiga KLMIYE ka Furtay Degmada Lixle


Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Xisbiga KULMIYE ayaa xafiis ka furtay guri ku yaalla xaafadda Lixle ee degmada Ibraahim Kood-buur oo ay ugu deeqday muwaadinad magaceeda la yidhaa Canab X. Cali Guhaad.

Xafiiskan oo ka mid ah hawlaha xisbiga ee u diyaargarowga ololaha doorashada Madaxtooyada oo dalka ka bilaabmi doona 3-da bisha June, ayaa waxa xadhiga ka jaray Guddoomiyaha Ololaha Doorashada ee gobollada Galbeed Eng. Baashe Cabdi Gaboobe oo ay weheliyaan masuuliyiin kale oo xisbiga ka tirsan iyo haween iyo dhallinyaro fara badan oo ka degan xaafadaasi.

Xaflad ballaadhan oo shalay galab lagu qabtay xafiiskaasi, waxa hadalo ka jeediyey masuuliyiinta heer degmo, xaafadeed iyo garabyada haweenka iyo dhallinyarada ee xisbiga KULMIYE, kuwaas oo ka waramay sababaha ay ku fureen xafiiskaasi oo ay ku sheegeen inay ugu diyaargaroobayaan doorashada Madaxtooyada ee lagu wado inay dalka ka qabsoonto 26-ka bisha June, iyagoo isku hogo-tusaaleeyey sida ay ololaha uga qaybgalayaan iyo taageerada ay u fidinayaan xisbigooda sidii uu ugu guulaysan lahaa talada dalka.

Guddoomiyaha Olalaha doorashada Madaxtooyada ee gobollada galbeed Eng. Baashe Cabdi Gaboobe oo xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay in degmada Ibraahim Kood-buur ka mid tahay meelaha xisbiga KULMIYE ka haysto taageerada ugu badan, isagoo u mahadnaqay dadweynaha degmadaasi.


Waxa kale oo uu si weyn ugu mahadnqay muwaadinada ugu deeqday guriga xisbigu ka furtay xafiiska oo uu ku tilmaamay muwaadinad hantideedii iyo xooggeediiba u hurtay KULMIYE sidii uu dalka uga dhici lahaa isbeddel siyaasadeed oo dhab ahi.