Guddoomiyaha Waraafinta ee KULMIYE oo Shacabka S/land ugu Baaqay inay Qaataan Kaadhadhka Cusub

Guddoomiyaha Warfaafinta

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Guddoomiyaha Warbaahinta ee Xisbiga KULMIYE Maxamed Cilmi (Ilkacase) waxa uu ugu baaqayaa Guud ahaan shacabka Somaliland meel kasta oo ay joogaan inay si habsammi iyo nabadgelyo ku dheehantay uga qaybgalaan oo ay qaataan kaadhadhka cusub ee lagu geli doono doorashada madaxtooyada ee dalka ka qabsoomi doonta Bisha June, sida ay Komishanku shaaciyeen. gaar ahaan waxa u baaqan gaadhsiinayaa taageerayaasha xisbiga KULMIYE

Sidaana waxa uu Guddoomiye Ilkacase ku sheegay qoraal kooban oo uu caawa soo gaadhsiiyey xafiiska wararka KULMIYE ee magaalada Hargeysa, kaasoo u qornaa sidan:

“Waxaan ugu baaqayaa dhammaan shacabka reer Somaliland, gaar ahaan Taageerayaasha xisbiga KULMIYE meel kasta oo ay ku suganyihiin waxan ugu baaqayaa inay si nabadgelyo leh ugu soo baxaan, una qaataan kaadhadhka cusub ee lagu gelayo doorashooyinka Somaliland oo ay ugu horayso ta madaxtooyadda oo la filayo inay qabsoonto Bisha soo socota ee June. sidaa daraadeed taageerayaasha xisbiga waxaan u soo jeedinayaa inay si habsami leh uga qaybgallaan hawsha ballaadhan ee lagu bedelayo kaadhadhkii hore.

Taageerayaasha xisbiga KULMIYE waxay caan ku yihiin dharitaanka nabadgelyada, wadajirka, iskaashiga iyo is-taakulaynta, taasoo suuratagelisay in xisbiga maalinba maalinta ka danbaysa ay ku soo hortaan boqollaal dadweyne ah oo cusub.

gebogebadii waxaan ugu qaabayaa taageerayaasha KULMIYE inay feejignaan iyo dulqaad muujiyaan oo ka dhawrsadaan cid kasta oo ula timaado xanaf.”

Xafiiska Wararka kULMIYE
Hargeysa