Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo hambalyo u diray guud ahaan Shaccabka Somaliland

</aGuddoomiyaha Xisbiga KLMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa hambalyo u diray guud ahaan shacabka Somaliland munaasibadda Xuska 18 May awgeed.

War-murtiyeed kooban oo uu Guddoomiyuhu ka soo saaray magaalada Hargeysa, ayuu umadda Somaliland ugu rejeeyay in ay ku gaadhaan bash-bash iyo barwaaqo.

War-murtiyeedkaasi wuxuu u dhignaa sidan;

“Gudoomiyaha xisbiga kulmiye mudane Axmed Mohamed Mohamoud (Siilaanyo) waxa uu hambalyo u dirayaa shacbiweynaha reer Somaliland, guud ahaantiisa iyo gaar ahaan taageerayaasha Xisbiga Kulmiye Gudo iyo dibedba munaasibadda 18ka May, ee la soo noqoashada xorriyadii inaga luntay 1960. Waxaana uu ummadda u rejaynayaa inay munaasibadan munaasibaeeda ku gaadhaan bash bash iyo barwaaqo.”