Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Noqday Murashaxii ugu Horreeyey ee Qaata Kaadhka Cusub

href=”http://kulmiye.com/wp-content/uploads/2010/05/DSC03680.jpg”>Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa saaka kaadhkiisa codbixinta iyo aqooonsigaba ka qaatay Guriga Shaqaalaha ee ay ka socoto hawsha bedelaada kaadhadhkii hore ee codbixiyayaasha.

Guddoomiye Siilaanyo, ayaa markii uu soo gaadhay Guriga Shaqaalah abaaro 11:00 waxa uu dadweynihii safka ku jiray weydiistay inay u ogoliniin inuu ka horeeyo iyo inuu ka mid noqdo iyaga oo uu safka xaggiisa danbe gallo, islamarkaana waxaa dhacday in dadweynihii safka ku jiray ay dhammaantood ku hawaaqeen erayo ay ka mid ahaayeen “Guddoomiye Safka ha geline naga horee oo u gudub gudaha” halkaasuu uu ka qaatay kaadhka codbixinta.

Guddoomiye Siilaanyo, ayaa markii uu kaadhka qaatay waxa uu la hadlay warbaahinta, isagoo ka warbixiyey sida uu u arko hawsha bedelaada kaadhadhka, waxaanuu yidhi “”Farxad weyn ayay ii tahay inaan maanta halkan imaado oo aan qaato kaadhkayga codbixinta oo ah halkii aan markii hore iska diiwaangeliyey, immikana kaadhkaygii ayaan qaadanayaa waxaanan Ilaahay ka baryayaa hawshan maanta innoo bilaabantay ee dalka oo dhan ka bilaabantay inaynu ku guulaysano oo natiijo wanaagsan oo doorasho xallaal ahina innoo suurtagasho aynu galno, walaalayaal nabadgelyada iyo wadajirka aynu wada ilaalino, shaqada aynu si fican u wad qabanno. waxaanan u mahadnaqayaa hawlwadeenada fulinaya hawsha.”

Maayarka caasimada Hargeysa Eng. Xuseen Maxamuud Jiciir oo ka mid ahaa masuulliyintii iyaguna halkaa ku sugnaa,ayaa u mahadnaqay dadweynaha reer Hargeysa sida fiican ee ay uga qaybqaateen hawsha bedelaada kaadhadhka, isagoo qiray inay jireen dib-u-dhacyo ku yimi goobaha qaarkood. “Kormeerbaanu ku soo marnay magaalada sida ay hawshu u socoto, inkastoo ay maanta yara qarbo qarbo ahayd laakiin marba marka ka danbaysa way soo fiicnaanaysaa, meelo aan sanaaduuqdii la dhiginna waanu soo maray sida Degmada Ibraahiin Kood-buur oo kale, saddex goobood ayaa hadhsanaa, hadana sidaan aqlay waa la dhigay wixii hadhsanaa, dadkana aad iyo aadbaan ugu mahadnaqayaa sida fiican ay uga qaybqaateen.” ayuu yidhi Maayarka Caasimadu.

<a

Guud ahaan gobolada Somaliland badankooda waxaa saaka ka bilaabantay bedellaada hkaadhadhka.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
hARGEYSA