Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo Xukuumadda ku eedeeyay falal amniga ka dhan ah

http://somalifans.files.wordpress.com/2010/03/muj-axmed.jpg?w=620

Hargeysa (Kulmiye.Org)- Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE, ayaa Xisbiga UDUB ku eedeeyay in ay boobeen Kaadhadhka cusub ee aqoonsiga iyo Codaynta, isla markaana waxa uu ku eedeeyay in aanay ka hadal guryo Komishanku ka kiraystay masuuliyiin UDUB iyo Xukuumadda ka tirsan, halka xabsiyada loo taxaabay shaqaalihii goobo ku yaala guryo ay leeyihiin masuuliyiin ka tirsan Mucaaradku.

Warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa lagu sheegay in Telefishanka Dawladdu baahiyowaxyaabo runta ka fog.

Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan;

“Iyadoo dalku ku jiro marxalad xasaasi ah,lana gudo galay hawlo qaran oo mihiim ah ayaa xisbiga udub iyo xukumadu  jiidheen  shuruucdii anshaxa doorashooyinka ee axsaabta  qaranka iyo KDQ-ku si wada jir ah u saxeexeen. Dhinaca kale waxaynu wada ogsoonahay  in xisbiga udub iyo xukumadu lumiyeen kalsoonidii shacabka, waxa kale oo wiiqmay xidhiidhkii ka dhaxeeyaya iyaga  iyo bulshada, taas darteed udub iyo xukumaduba  waxay la soo baxeen xeelado gaboobay oo ay ku carqaladaynayaaan mashruuca kaadh-badalka diwaangalinta oo si habsami  leh uga socda gobolada dalka.

waxa ka mid ah tabahaas faashilka ah ee ay isticmaalayaan

1- in ay si badheedh ah ugu caga jugleeyeen, una xidhxidhaan muraaqibiinta goobaha kaadh- bixinta  ee KDQ. Mararka qaarna ay hakad galiyaan shaqada kaadh–bixinta.

2- Waxay u diraan goobaha kaadh-badalka dhalin yaro si gaar ah u tababaran  oo ay ku tilmaameen shaqaale ka socda wasaaradda arimaha gudaha  balse ka tirsan xisbiga udub  kuwaaso  kaadhadh badan  sifo aan sharci ahayn ugu gacan galeen,amaba u qaatey ,qaarkoodnaba laga soo saarey jeebabakooda in ka badan  sodomeeyo kaadh oo ay rabeen inay si qarsoodi ah debeda ugala baxaan  goobaha si ay khal khal I yo rashabad u galiyaan habsami u socodka  kaadhadh- bixinta sida dhacdadii salaxlay.

3-inkastoon looga baran war wanaagsan ama dhexdhexaad ah xisbiga udub  iyo xukumadaba  waxay ka sii daayaan idaacada iyo tv-ga qaranka  barnaamijyo runta ka fog, ahna canbarayn, dhaleecayn  iyo eedayno ay kula dul-kufaan xisbiyada mucaaridka siiba xisbiga kulmiye iyo KDQ, kuwaas oo ay ugu talo galeen inay iskaga hor keenaan bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland, dhexdoodana ka abuuraan  naxli,xiqdi iyo nacayb.

4-sidoo kale waxay baahiyaan warar iyo baaqyo  inoogu filan inaanay udub diyaar u ahayn ka qeyb qaadashada  doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka.

5- Waxaa kaloo marag ma doon ah in goobo badan oo ka mid ah dalka  ay isku dayeen inaan dadku qaadan kaadhadhka  diiwaangelinta,kuna fureen tashuush shaki kala gelinaya ummadda  iyagoo ku afgobaadsanaya inaan KDQ keenin goobahaas muraaqibiintii  deegaamaysan. taas oo ujeedada ka danbaysaa tahay inaan kaadhbixintu ka suurto gelin goobahaas.

KDQ waxay sheegeen maadaama aaney lahayn hanti ma gurto ah sida guryo ama xafiisyo  inay badiyaaba kiraystaan goobaha ku haboon kaadhbixinta, hase yeeshee xisbiga udub iyo xukumadu waxay xidheen  qaar ka  mid ah goobaha kaadhbixinta  iyagoo isku qanciyey inaaney raali ku ahayn  guryahaas iyo cida lehba . Balse waxay indhaha ka laliyeen in  masuuliyiin ka tirsan xisbiga udub iyo xukumada   guryahaooda  iyo xafiisyadoodana la dhigay sanaadiiqda  kaadhadh bixinta sida;

1-            Cabdi Aadan Yuusuf,  Wasiir ku xigeenka wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyarada  gurigiisa oo  ku yaala ka soo horjeedka star Hotel.

2-            Abdirasak sh. Adan gudoomiye-xigeenka gobolka gebilay oo gurigiisa  oo ku yaala gebilay isna laga dhigay goob kaadhbixineed.

3-Xafiiska udub ee 26-juun oo isna laga dhigay goob kaadhbixineed.

Guntii iyo gebagebadii nin baa laga hayaa islaantii hooyadeen indho la aan ma ku ogeyd, dad- cunimona wey ku darsatey.waxaan uga jeedaa udub iyo xukumada awelba weynu ku ogayn musuqmaasuqa, urursiga hantida qaranka, kootooyinka, muranada distoorka iyo xeerarka dalka iyo warar dhagareysan  oo ay ka sii daayaan idaacada iyo tv-ga qaranka,  balse waxay ku darsadeen boobka kaadhadhka diiwaangelinta, arbushka goobaha diwaangelinta, abuurid jawi xasilooni darro,iyo khalkhalgelinta doorashada dhawaan dalka ka dhici doonta.

Ugu danbeyn waxaan  halkan ku bayaaminaynaa in xisbiga kulmiye daacad ka yahay barnaamijka kaadh-bixinta,taageero buuxdana la garab taagan yahay KDQ-ka, diyaarna u yahay doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka. xisbiga kulmiye wuxuu ku gubaabinayaa bulshoweynta reer Somaliland meel kastey joogaan inay kaadhadka codeynta u qaataan si nabadgelyo ah, qof kastaana qaato hal kaadh oo keliya oo sharcigu xaq u siiyey.