Himiladii, Rajadii, Niyadwanaagii, iyo Farxadii Shibicka Somaliland Meeday?

Maalin dhowayd aniga oo koofi ku cabaya dukaan yar oo ku yaala magaalo la yidhaahdo Arlington oo ku taala cariga Maraykanka una jirta magaalada Washington DC afar mayl, ayaa waxa su’aal i waydiiyay nin Mahdi la yidhaahdo oo aanu koofiga meesha ku wada cabaynay, wuxu yidhi;

Rashid Garufow, hadaad maanta ahaan lahayd shicibka reer Somaliland ee codbixiyayaasha ah, oo lagu waydiiyo; Xukuumada Riyale maxay waddanka u tartay amase u dhintay maxaad ku jawaabi lahayd? Markiiba waxa niyadayda ku soo dhacay 23-tan dhibaato oo dawlada Riyale ka masuul tahay;

(1) Dawladii looga baahnaa inay ilaaliso sharciga waddanka oo iyadii caadaysatay una horseedaysa inay dastuurka ku tumato maalin walba.

(2) dhaqaalihii waddanka oo aad u sii xumaanaya iyo shaqo la’aan xun oo dadkii haysa, iyo inaan rajo laga qabin in xukuumada Rayale wax ka qabato shaqo la’aanta dadka haysa.

(3) kala dambaytii oo dhimatay oo maanta Somaliland ay marayso heer dawladaha galbeedka iyo wadamada jaarka aynu nahay siyaasiyiinteena u garnaqaan marka muran siyaasadeed yimaado waayo (ama ha waynaado ama ha yaraado eh), sababtuna tahay Rayaale ayaan garina gelin garina ka bixin, sumcadiina ka xumaatay Somaliland oo lagu yiqiin inay khilaafkeeda  wada hadal ku dhamaysato

(4)musuqmaasuq maanta hadheeyay waddankii oo aan gabasho lahayn iyo xukuumad aanay qorshaha ugu jirin inay wax ka qabato, amaba aan qiran in musuqmaasuqu yahay dhibaato jirta

(5) Qaybihii dawlada sida Fulinta, sharci dejinta, iyo maxkamadaha oo aan wada shaqaynin, waayo  dawlada Rayale ayaa sharcigii siday doonta u isticmaalaysa oo ixtiraamaynin una hogaansamaynin. Sharciyadii barlamaanku ansixiyay ee Rayale saxeexay oo aan dawladiisu ku dhaqmin

(6) hantidii shicibka oo la boobay oo la xalaalaystay, ama ha noqota dakhliga dawlada sida cashuurta Dekeda Berbera, ama guryaha iyo dhulka dawlada ee lagu iibsaday Hargeysa, ama hayadaha ajnabiga ah oo heshiis hose oo xaaraan ah lala gelayo iyadoon Golayaasha waddanka la hor kenin, ama ha noqoto lacagta cashuurta ah ee xoolaha lagaga qaado maxjarka Berbera, iyo lacagta ka soo hoyata haamaha shiidaalka ee Berbera.

(7) hanaankii dimuqraadiyada oo lagu tuntay oo aad ka arkayso in doorashadii madaxwaynaha ay saddex sanadood dib u dhacday, doorashadii degaanka oo dib u dhacday, doorashadii guurtida oo dib u dhacday, doorashadii barlamaanka oo laba bilood inaga xigto oo cidina aanay hadal haynin

(8) xoriyadii muwaadinka oo lagu tuntay oo gudida nabad gelyada ee Rayale caadaysatay maalin walba inay shicibka xidhxidho iyada oo aan la hor gaynin maxkamad sharci oo xukunta

(9) xoriyadii qowlka oo lagu tuntay oo maalin walba lagu xidhayo muwaadiinta iyo suxufiyiinta wax aad qorteen ama aad sheegtay hadal tilmaamaya ficil xun oo dawladdu qaadday.

(10) muwaadinkii oo loo  diiday inuu samaysto idaacad xor ah oo shicibku iska leeyahay taasoo keliftay in shicibka Somaliland dhegaysto idaacadaha xamar iyo bosaso ka soo gala.

(11) muwaadinkii oo aad loogu adkeeyay inuu samaysto meherado uu kala soo baxo nolol maalmeedka, oo laga rabo inuu bixiyo cashuur fara badan iyo laaluush aanay awoodi karaynin.

(12) Iyadoo caalamkii (sida Amnesty International, Africa Rights, Committee for Protecting Journalists, US State Department) maanta Somaliland ku tilmaameen inay tahay meel xuquuqda muwaadinka aad loogu tunto oo maanta sumcada Somaliland ay aad u liidato, wax weyna u geysatay aqoonsigii dunida aan ka doonaynay iyo himiladii qaranimo ee shicibka Somaliland.

(13) shicibkii Somaliland oo marka ay mudahaaraad sameeyaanba si axmaqnimo ah rasaas loola dhaco taasoo kelifta in shicib badani naftooda ku waayaan sida ka muuqata arrinka Cerigaabo ka dhacay maanta oo bisha shanaad tahay todaba, iyo kuwii ka horreyaba.

(14) labaatan sanadood ka dib xornimadii Somaliland, ayaa wali waxa laga isticmaalayo magaalada Burco shillinkii Somaliga (giinbaarta), illaa maantana lama gaynin Somaliland shillinkii lagu bedeli lahaa

(15) Ciidankii Somaliland oo labaatan sanaadood sugayay in la kala siiyo darajo iyo nidaam ay ku kala sareeyaan oo isku xukumaan, iyada oo lagu xaasidayo waayo waxay u badan yihiin ciidamadii SNM-ta

(16) shicibkii oo loo diiday inay furtaan ururadii xuquuqda u lahaayeen, kuwii isku dayay inay furtaana ama lagu xidhxidhay ama loogu han jabay in la xidhi doono.

(17) waddankii oo lagu soo koobay magaalo keliya,caasimada hargeysa, oo xukunkii iyo dhaqaalihii dawladu aanu dhaafin magaalada caasimada, shicibkii khasab ku noqotay inay isugu soo ururaan.

(18)   maxkamadii waddanka oo aan la dhisin, la qalabaynin, shaqaalihii tababar badan la siinin, xaakinkii oo noqday shaqaale dawladeed oo marku doono Rayale eryo kuu doonona shaqada siiyo, taasoo ka dhigtay maxkamadii meel Rayale iyo inta lacagta haysata loogu shaqeeyo

(19) waxbarashadii oo noqotay mid dadka shicibka xilkeedii la saaray ee aan lahayn maamul iyo nidaam iyo dhaqaale midna loo samaysa.

(20) caafimaadkii oo maanta heer aad u xun maraya oo maagaalooyinka waayeyn ee gobolada aanay joogin dhakhtaro dadka daweeya, ee dadka lagu khasbay in loola soo cararo Hargeysa

(21) shicibkii Somaliland oo laga hor istaagay inay iyagu gacantooda, muruqooda, iyo maalkooda wax ku samaystaan, oo fursadda la siinayo shirkaddo ajnabi ah  si lacag looga qaato laaluush culusna loogu cuno

(22) Sumcadii Somaliland caalamka ku lahayd oo hoos u dhacday, taasoo sababteedu tahay siyaasada qalafsan ee Rayale kula dhaqmo wadamada deeq bixiyayaasha iyo wadamada jaarna aynu nahay. Taasoo keliftay in wadamo ay ka mid yihiin dawlada Maraykanku ay xidhiidhkoodii aad u xumaaday, oo tusaale ay u tahay, in lagu khasbay markii ugu dambaysay ee casumad Maraykanku u fidiyay xukuumada Rayale inay soo raacaan labada gudoomiye-xigeen ee guurtida iyo barlamaanku. Waxa tusaale labaad oo ayaan darro ah muujinaya in haba yaraatee wax xidhiidh ah aanu ka dhaxaynin dawlada Rayale iyo barlamaanka Maraykanka, kaas oo ah goobta laga ansixiyo mucaawimada maraykanka ka timaada.

(23) wali shicibka Somaliland is may odhan nin keliya ayaa madaxwayne noqon doona 12 sannadood, Rayaale wuxu madaxwaynu kuxigeen ahaa shan sannadood wuxu madaxwayne ahaa todoba sanadood, haddii shan sanno oo dambe loogu darro wuxu ku dhowaanayaa labaatan sannadood.

Markii saddex iyo labaatankaa arrimood niyadayda ku soo dhaceen ee sidii hilaac i wada hor carareen, ee aan is leeyahay afka ka wada sheeg si darandoori ah, ayaan hadana calooshu wax gocatay oo ay tidhi  Rashiidow, intan oo arrimood oo aad afka kula ordaysaaba waa run laakiin wax kale ayay calooshu tabanaysaaye, waa maxay?  Waa maxay waxa intaaba ka sii mug wayn ee xukumada Rayale lumisay? Markaan ka sii yara fekeray waxay calooshaydu tabanayso, ayaa waxa igu soo dhacday inaan ninkii Mahdi ee su’aasha i waydiiyay aan isagii dib su’aal kale u waydiiyay; waxan ku idhi; ma xasuusataa maalintii Somaliland lagu soo laabtay, ee waddanka la xoreeyay, ee shirkii Burco la qabtay, ma  xasuusataa maalintaa dareenka shicibka Somaliland halkuu marayay? Indhaha isku yara qabo, oo wax iiga sheeg hadaad xasuusato shucuurtii shicibka Somaliland?

Jawaab kamaan sugine halkii ayaan ka sii watay; waxan idhi maalintii waddanka la xoreeyay, ee nabadii dhidibada loo aasay, ee shirkii burco Somaliland lagaga dhawaaqay, dawlad cusub oo Cabdirahman Tuur madaxwayne ka yahayna la sameeyay; maalintaa shicibka Somaliland waxay u ahayd maalin farxad  iyo rayn rayn aad u wayn leh, farxadoodana waxa ka dheehnayd rajo wayn oo ay ka qabeen mustaqbalka waddankooda, himilo wayn oo ay lahaayeen inay noloshooda inta ka hadhay iyo caruurtooduba xoriyad iyo nolol wanaagsan ku noolaan doonaan, iyo in siyaasiyiintu ay ku maamuli doonan waddanka Somaliland si wadaninimo ku dheehan tahay. In xuquuqda muwaadinka Somaliland noqon doonto mid meel walba lagaga sheekeeyo oo laga amaano, in shicibka Somaliland aanay isu quudhin inay isku sameeyaan wixii ay ka dagaalameen iyo dhibaatada iyo dhimashada ka doorteen, inay nabad gelyadooda wax walba ka hormarin doonaan oo aanay mar dambe khatar iska gelin doonin, inay dawladoodu noqon doonto mid nidaam iyo kala dambayn leh oo ku dhaqanta sharciga dalka u yaala.

In xoolaha ummada la wada illaashan doono, inuu muwaadinku xor u noqon doono inuu samaysto meherad uu kula soo baxo nololmaalmeedkiisa oo uu xaq dheeraada ka lahaan doono qofka ajnabiga ah, inay ku rajo waynaayeen inay gaadhi karayaan meel kasta oo ay hiigsadaan, inay himiladoodu ahayd inay noloshooda iyo waddankooda iyo caruurtoodaba mustaqbal wanaagsan u dhisaan, inay dawladoodu ka caawin doonto sidii horumar dhaqaale dadku u gaadhi lahaa, inay dawladoodu noqon doonto mid dadku doorto oo dadka u shaqaysa oo danta dadka iyo dalka wax walba ka horaysiisa.

Sida ii muuqatay, calooshaydu waxay teysaa oo ay ku cabanaysaa in xukunka Rayale uu shicibkii Somaliland ka dilay farxadii, rajadii, himiladii, niyad wanaagiiba. Waxa niyad jab way maalin walba ku rido oo bahdil ku noqda marka uu ku yidhaahdo fursad kasta waxa la siinayaa shirkad ajnabi ah ee muwaadinka cidiba wax waydiin wayday. Baatrolkii waxa la siiyay oo loo xidhay shirkada Total oo Fransiis ah, Xoolaha dhoofintoodii waxa loo xidhay shirkad Al- jaaberi yo nin sucuudi ah, warshada sibidhka waxa la siiyay shirkad jarmal ah, aylandkii Somaliland waxa la siiyay shirkad ajnabi oo kale, isgaadhsiiinta isku xidhkeedii waxa la siiyay shirkad ingiriis ah, xataa idaacada waddanka ka hadla ee waddaniga ah waxa la siiyay oo keliya BBC-da iyo VOA-da, iyada oo loo diiday muwaadinka Somaliland inuu furto idaacad xor ah. Intaasuba waa meherado ay xaq u leeyihiin muwaadiniinta Somaliland, laakiin ama ballan beena baa  markii hore loo sheegay, hadana lagaga baxay, ama lamaba soo hadal qaadin ee waxa lagu yidhi waxa la siisay shirkad ajnabi ah oo waddanka maal gashanaysa.

Taasoo macnaheedu tahay waxa la doonayaa oo keliya maalgashiga shirkadaha ajnabiga ah. Taasu waxay muujinaysa in lagu hun goobay xukunkii Rayale, iyo halka maanta xukuumaddu ka taagan tahay shicibka Somaliland, taasoo keentay halkii shicibkii ay ka sugayeen in dawladoodu ku taageerto inay waddanka maalgashadaan, oo loo fududeeyo cashuurta, oo laga yareeyo alaabta la soo dhoofinayo, si wadanka iyo dadka shaqo loogu sameeyo  ayay maanta dawladii Rayale noqotay tii dadka iska hortaagay inay maalgashadaan waddankii.

Cashuurtiina samada ku shareertay, qaadashadii liisankana ku xidhay cashuur badan iyo laaluush iyo waliba inaad noqota qof xukuumadda Rayale oggoshahay . Inaan muwaadinka dantiisa la taageerin waa sababta keentay in dhamaan hayadaha ajnabiga ah ee maanta ka shaqeeya Hargeysa ay shaqaalahooda ka soo qortaan Nairobi, iyada oo dhamaan dadkii reer Somaliland ee shaqada aqoonta u lahaa ay wada shaqo la’ yihiin oo Hargeysa wada joogaan.

Isku soo wada duuboo laba iyo labaatankaa arrimood ee aan halkaan ku xusey iyo intaa calooshadaydu tabatayba, waxay muujinaysaa dhaawaca iyo dhibaatada xukunka Dahir Rayale waddanka  iyo shicibkaba gaadhsiiyay. Maanta shicibka Somaliland ee jooga waddanka ee u dareeri doona inay codkooda dhiibtaan oo u codeeyaan musharaxii noqon doona madaxwaynaha Somaliland shanta sanno ee socota waxa ku waajiba inay waddanka badbaadiyaan, oo doortaan musharaxii awooda iyo aqoonta u leh inuu dhamaan tirtiro laba iyo labaatankaa dhimaato ee waddanka haysta, iyo inuu soo celiyo farxadii, rajadii, himiladii, niyad wanaagii, iyo maalgashigii shicibka Somaliland.

Hadii Rayale, soo noqdo oo waddanka xukumo shan sanno dambe, xataa hadaynu colaad cusub ka badbaadno, liiskanu wuu ka badanayaa laba iyo labaatan oo wuxu noqonayaa afartan iyo wixii ka sareeya, dabadeedna dal la badbaadiyaa  oo hadhay oo ka dambeeya Dahir Rayale ma jiraayo.

Mahdi, wuxu yidhi waar waxad ilawday inaad sheegto wuxu Dahir Rayale waddanka u taray. Taasna waxan ugu jawaabay, anigu garan maayo waxan sheego, ee adigu ma garanaysaa wuxu qabtay?

Mahdi wuxuu ku jawaabay garan maayo wuxuu Dahir Rayale waddanka u qabtay; laakiin waxaa ii muuqata oo aan sawiranayaa wixii waddanku seegay iyo lacagta lagu qiyaasay boqol malyoon oo dollar oo ku maqan xukuumadda Dahir Rayale waxay waddanka iyo shicibka u goyn lahayd haddii si wanaagsan loogu maamuli lahaa oo waddanka iyo dadka la gelin lahaa: lacagtaasu waxay Somaliland u goyn lahayd;

1.            Tacliintii oo ardada looga dhigo bilaash ilaa Jamacadda ay ka qalin jabiyaan. Macalimiinta oo laga siiyo mushahaaro ku filan iyaga iyo reerkoodaba

2.            Waddadii  Ceerigabo iyo Burco isku xidheysay oo la dhiso, waddooyinkii waddanka oo dhan oo la dayac tiro (Hargeysa/Borame/Berbera/Laas Caanood/Ceergaabo/Burco  iwm)

3.            Isbitaal cammiran (clinic)oo gobolada iyo degmo kasta oo waddanka ku taal laga furo. Hargeysa, Burco, Berbera, Borama, Ceerigaabo, Laas Caanood, Gabiley, Sheikh, Oodwayne, Caynabo, Ceel Afweyn, Saylac, Xudun, Buuhoodleh, iyo kuwo kale oo badanba

4.            Wershaddi sibidhka ee Berbera oo la kiciyo oo muwaadiniin gacanta loo geliyo. Degmo kasta oo ceel u baahan oo loo qodo, biyo xidheen waawayn oo biyaha lagu kaydiyo oo laga dhiso meelo badan

5.            Internetka oo waddanka oo dhan la wada gaadhsiiyo si waxbarashada waddanku ula tartanto ta caalamka maanta laga barto, oo caruurteena aqoontooda kor loogu soo qaado

6.            Ciidamadda badda iyo berrigaba oo qalab casri ah lagu hubeeyo. Ciidamadii oo derejo la siiyo, naafadii SNM-ta, caruurtoodii iyo xaasaskoodii oo la daryeelo, oo mudnaan gaar ah la siiyo.

7.            Boqolaal kun oo meherado cusub oo fursad muwaadinintu u yeelan laahaayeen inay furtaan haddii dhaqaalaha caddadkaa leh waddanka la geliyo. Dadkana shaqo badan u noqon lahayd.

Waxaa taa dheer oo weliba ka quwad badnaan lahaa dhaqaalaha dibedda yaal ama waddani ha ka yimaado ama shisheeye oo waayay si xalaal ah iyo dariiq wanaagsan uu soo maro, maadaama waddanku aanu lahayn sharci dhaqaale ama maxkamado awood u leh inay sharciyada ganacsiga fuliyaan.

Maanta waxay talo u taalaa Shicibka Somaliland ee ka qayb gelaya doorashada oo codkooda bixiniya waxa is waydiin leh labadan su’aalood, inta aan qof waliba  is dul taagin ee aanu gaadhin saxaarada aad codkaaga ku ridayso, ha is waydiiyeen laba su’aalood: Himiladii, Rajadii, Niyadwanaagii, iyo Farxadii Shibicka Somaliland lahaayeen meeday? Somaliland maanta is bedel iyo badbaado ma u baahan tahay?

Sidii shicibka Somaliland ay Rayaale Maandeeq ugu liseen, isagu uguma hanbayn.

Rashid Garuf     – rgaruf@gmail.com
Mahdi Gabose  – gabose@gmail.com
Metro-Washington DC, USA

Copyright: waxaa aanu dhamaantiin idin codsanaynaa inaad daabacdaan maqaalkan, dhamaantiina fasax ayaad u haysataan.