Hoggaanka Xisbiga KULMIYE oo ka Qaybgalay Xuska 18 May oo Lagu Qabtay Hoolka Cali-Maarshaal

Hargaysa (KULMIYE.ORG)-Hoggaanka sare ee Xisbiga KULMIYE, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibadda Xuska Sanbnad-guurada 19-aad ee ka soo wareegtay markii Somaliland xoriyadeedii luntay dib ula soo noqotay, taasoo xisbiga KULMIYE xafad uu ku maamuusayo qiimaha 18 may leedahay ku qabtay Hoolka Cali-maarshaal ee ku yaalla Xarunta xisbiga,islamarkaana ay ka soo qaybgalleen boqollaal dadweyne ah oo sitay calammaa Somaliland iyo kuwa KULMIYE.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xaflada ka hadlay, ayaa taageeray in aan xuska maalinta 18-ka May lagu qaban fagaarayaasha hawsha diiwaangelinta ee socota darteed, waxaannu dadweynaha ku dhiirigeliyey inay qaataan kaadhka codbixinta, isla markaana ilaaliyaan nabadgelyada.
isagoo arrimahaas ka hadlayeyna waxa uu yidhi; “Maanta haddii aynu xusaynu 18-ka May waxay ahayd inaynu ku xusno beertii xoriyadda, xaalada aynu ku jirno waad ogtihiin, waa iyadda oo doorashadii loo diyaar garoobayo oo diiwaangalintii lagu jiro, Komiishanka doorashooyinkuna way naga codsadeen, waynuna ka warqabnaaye waxa la isla qaatay oo la isla fahmay inaynu hawshaa aynu hayno daraadeed aynu mudnaanta siino inaga oo inagu halkeena ku xusayna in aanaan wax fadqalalo keena ama dhibaato keena ama u muuqda aynaan ku dhaqmin, markaa inagu (Taageerayaasha KULMIYE) aynu dareerno nabadgalyadda ayaynu ilaalinaynaa oo diiwaangalintii ayaynu ku noqonaynaa oo shaqadii la inaga sugayay ayaynu fulinaynaa, wax rabshad ah ama buuq ah waynu iska ilaalinaynaa, haddii ay maanta dadka qaarkii ay doonayaan inay jeediyaan umadda dareenkeeda oo ay nabadgalyo daro ku jeediyaan oo ay buuq ku jeediyaan kuwa ay ka suurtoobayso inagu ma nihin, inagu waxaynu nahay kuwa nabadgalyada iyo doorashada ilaalinaya, kuwa komiishanka sida ay u balan-qaadeen ula shaqaynaya oo hawlaha sida ay iyagu qorsheeyeen u fulinaya.”

Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad KULMIYE Muuse Biix Cabdi oo ugu horreyn xafladaasi ka hadlay, ayaa sheegay in maalinta 18-ka May ay tahay mid aad u qaali ah oo ay ku xardhan tahay maalintii shacabka reer Somaliland ku heshiiyeen inay dhibada u taagaan qarankooda.
“18-ka May waa maalintii la xaqiijiyey gooni isu taaga Somaliland ee magaaladda Burco oo dadka reer Somaliland bari iyo galbeedba ay ku heshiiyeen inay halgan qadhaadh oo naf iyo maalba leh kadib ay dib ula soo noqdaan oo ay ku soo celiyaan sharciyan sidii ay ahayd 26-kii June 1960kii,” ayuu yidhi Muuse Biixi.
Waxaannu shacabka reer somaliland guud ahaan u diray hambalyada xisbiga KULMIYE, gaar ahaan ciidammada qaranka, isagoo dadkii ku nafwaayey halgankii dalka lagu xorreeyey iyo intii waxyeeladu ka soo gaadhayba u duceeyey.
Muuse Biixi oo ka hadlayey waxa Somaliland qabsatay muddadaas ay jirtay waxa uu yidhi “Sagaal iyo tobankaa sanadood waxaynu ahaynaa Somaliland oo bari iyo galbeed isku mid ah oo wada socota, adduunkana cabasho lagama waayo, balse waxaynu haysanaa dadkeenii oo xor ah oo kolba talada meel isugu gaynaaya, waxaynu haynaa Somaliland oo doorasho u diyaara oo madaxdeeda ku badalaysa warqad, nabadgalyo iyo tallo, dhibaato kastaa ha inaga gaadhee doorashadaas, laakiin maanta waxaynu qaadanaynaa warqadii codbixinta doorashada, waxaynu haynaa balanqaad aynu dhammaanteen ku kalsoonahay oo dhawr iyo Afartan maalmood kadib waxaynu u dareeraynaa doorashada Madaxtooyada.”

Eng Maxamed Xaashi Cilmi oo ka tirsan siyaasiyiina waaweyn ee KULMIYE, ayaa waxa ka mid ahaa hadalladiisa “Dadkii aynu nidaamka xisbiyadda badan ka dhaxalnay xisbiyadda way ilaashadaan madaxdana way ilaaliyaan, madaxda waxay ka ilaaliyaan inuu khaladaad gallo, sida UDUB isla raacaane waa laga ilaaliyaa, waxa kale oo laga ilaaliyaa in xisbiga magaciisu hoos u dhaco, waayo dadka soo socda ee doonaya inay xisbiga Madax ka noqdaan ayay cawaaqibkooda xumaynaysaa haddii xisbigu isku aamuso oo wax walba oo xumaan ah oo uu gallo uu ku socdo.

Markaa waxa weeyaan inaynu xisbiga ilaashano oo magaciisa ilaalino, jiilba jiil badalo, dabadeedna ay sidaa ku socoto oo lexejeclo jirto oo aan loo qaadan wax maanta uun lagu ridayo oo laga tagayo.

Calamada Maanta (shalay) suuqa lagu iibinayo ka Somaliland iyo ka KULMITE ayaa isku qiimo ah waana labada ugu sareeya, ka UCID-baa ku xiga, ka ugu hooseeyaana waa ka UDUB, maxaa sidaa ka dhigay xumaantii ayay iska qaban waayeen, wixii la kharibayay ayay iska qaban waayeen, musuqmaasuqii ayay iska qaban waayeen, waa lagula yaabi waayay oo iyagga ayaa lexejeclo muujin waayay, markaa ka ka dambeeya Ina Rayaale ee xisbigaa ku soo hadhaana ………ayuunbuu ku joogi, markaa aynu xisbiga ilaashano, waliba dhlainyarada waa mustaqbalkoodii, mana aha shilimaad ayay haysaa UDUB, waxaagii oo ay xaday ayuunbay ku siinaysaa.”

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa