Komishanka Doorashooyinka oo cayimay maalinta ay Doorashada Madaxtooyadu ka dhacayso dalka

https://i1.wp.com/www.aftahan.com/wp-content/uploads/2010/02/AFhayeenka.jpg?w=620Hargeysa (Kulmiye.Org)- Guddida Dorashada Somaliland ayaa goor dhawayd ku dhawaaqay maalinta rasmiga ah ee ay qabanayaan Doorashada.

https://i1.wp.com/lughaya.com/wp-content/uploads/2009/09/komishanka.jpg?w=620

Afhayeenka Guddida Doorashada Maxamed Axmed Xirsi (Geelle) ayaa galabta shaaciyay wakhtiga rasmiyan ay qabanayaan Doorashada. Afhayeenku wuxuu sheegay in ay 26 bisha June ee soo socota ay Somaliland ka qabsoomayso Doorashada Madaxtooyada oo ilaa saddex jeer oo hore ka baaqatay in la qabto.

Afhayeenka Guddida Doorashadu waxa kale oo uu sheegay in isla maanta ay u gudbiyeen Madaxweyne Rayaale maalinta ay u cayimeen Doorashada, isla markaana ay ka sugayaan in uu saxeexo.

Nin la sugayow Maxaad Sugaysaaaaaa….. Kulmiye.org  kala wararka xisbiga iyo doorashadaba.