Maantana Ma UDUB Baa U Kacday Indhihii Soo Doogay: By Afgaab

Inta badanba hogaamiyayaasha Africanku ma aaminsana aragtida ah xilku waa meerto, Waxayba u haystaan inay la dhasheen Mansabka umadeed ee masuulka looga dhigay waxay dhegahoodu maqlaana waxay ugu neceb yihiin erayga Doorasho taasina waa sababta kaliftay in hogaamiyayaal badan oo african ahi ay kaga tagaan dunida taariikh madow iyo towbad la’aan.

Inaga Somaliland waxay ahayd in ay doorashada guud (Madaxtooyada) ay dhacdo 14 March 2008 waxay kal dhaaftay laba sano iyo laba bilood intaasbana waxay ka dhaqaaqi la ayd M/weynaha ugu musharka badan qaarada Yurub iyo Africaba Daahir Riyaale oo xoog iyo xeeladba u adeegsaday sidii aanay Somaliland uga dhici lahayn doorasho xor ah.

Aqbalaada uu iminka Daahir Riyaale aqbalay wakhtiga doorashadu qabsoomayso waxay dad badan oo u dhuun daloola dhaq-dhaqaaqyada Riyaale aaminsan yihiin inay ku timi culays iyo cadaadis badan oo kaga yimi Beesha caalamka oo si Daahira iyo si Dadbanba ula socda geedi socodka dimuqraariyada Somaliland.

M/weyne Riyaale hore ayuu dhegaha uga furaysta baahida dalku u qabo doorasho balse kama furaysan karo dhawaaqa Reer Galbeedka sababtoo ah waxay awood u leeyihiin inay xanibaan safarada uu ku yimaado Yurub iyo Marekan sida ay u xanibeen Mugabe iyo Cumar AL Bashiir.

Beesha caalamku ma rabto danina uguma jirto burburka Somaliland, Danaha ugu waa weyn ee ay ka leedahayna waxa kamid ah 1-In aan dabka ka baxaya koonfurta iyo badhtamaha Somaliya aanu kusoo fidin Somaliland iyo geeskaba 2- In aan budhcad badeedu usoo gudbin marinka carbeed ee u dhexeeya Somaliland iyo Yemen 3- In aanay noqon Hoy Qalqalo, meel ay kusoo hirtaan kooxaha xagjirka ah.

Haddaba xalka kaliya ee lagaga bad baadi karo intaas aynu kor kusoo sheegnay wuxuu noqday Somaliland oo yeelata M/weyne ku yimimaada rabitaanka dad weynaha sababtoo ah waxay dadka Reer Somaliland Khadyaan ka taagan yihiin, Dawlad Fadhiid ah, Balanqaad Been ah, Muran Siyaasadeed iyo weliba Nabadgaylo bilaa horumar ah.

Nabad galyadaa bilaa horumarka ah ayaa waliba waxaa maalin iyo habeenba laga hor jooga dawladadii ilaalin lahayd waxaana marag inoogu dhow farogelinta ay Xukuumadu ku hayso Komishanka doorashooyinka oo ku hawlan sidii looga dhabayn lahaa rajada kaliya ee umadu leedahay.

Waxaan ugu danbayntii kusoo koobaya tix gabay ah oo uu tiriyay Ibraahin Yuusuf Hawd oo uu kaga hadlayo ayaan darooyinka dalkeena iyo Afrikada kaleba ka taagan iyo waliba sida aan loogu waayo arkin ee maalin walba loo ilduufo.

Afrikaanku weligiiba waa ehel cadaabeede

Ma ilaashadaan nabadda ay ku istareexaane

Kun goor bay is eedeen haddana samo ma eegaane

Ilduuf waa dhacaa mare iyaga toodu waa abide

Waagii iftiimaba dhibtiyo hooggu waa ugube

Unuggooda hoosaa xunoo aan abda lahayne

Abuur weeye ay soo dhaxleen kuna arooraane

Ilig nacasnimiyo waxaa ku yaal gaws adoonnimo’e

Malaa waxaa inkaar qabay duqay ka isirraayeene

Ayradii u curatay godlaan ibuhu waa dhiige

Awrkay ku guuraanba waa ubadlabuubaale

Aafooyinkiyo gaajadiyo aramidaa raagtay

Cudurkiyo abaartay qabaan haatan ma ahayne

Waa wixii awoowgoodba dilay iyo ayeydoode

Intuu aadmi jiray way jireen waana adhigaase

Hadday laba ayaamood dhergaan dooxataa imane

Agoontii horoo baahan baa aagaggii wadhane

Asaydii haweenkii ma dhigin ooryihii sidaye

Ilmadii horaan weli qallalin oohintii shalaye

Adduunkii burburay baan dhismaha oodna loo jarine

Maantana ma UDUB baa u kacay inihi soo doogay?!……..Ibraahin Hawd

Qalinkii iyo Qoraalkii

Hussein Guled Howle “Afgaab”

Columbus Ohio afgaab15@hotmail.com