Madaxweyne Rayaale: Waar Ma Iga Hubtaan Haddaynu Dadlka Fawdo Ka Abuurno Inay Doorashadu Dib U Dhacayso!

Maray madaxda sare ee Xisbiga talada haya ee Udub shir xasaasiya isugu yimideen si loo gorfeeyo wixii laga yeeli lahaa go’aamada ka soo baxay Komishanka Doorashooyinka Qaran oo sheegay inay heleen natiijadii kama dambaynta ahayd ee seerferka ee codbixiyaasha kuna dhawaaqeen bisha Juun 2010 inay qabanayaan doorashadii madaxtooyada ee ummadoo dhammi u dhagotaagaysay kana farxisay shicib weynaha Somaliland ee danaynaya inay dalka ka hirgasho nidaamkii lagu heshiiyey ee ahaa in talada dalka lagula wareego hannaanka dimoqraadiyada.

Waxaa layidhi gari laba nin kama wada qosliso ee waxaa go’aankii Komishanka ku farxay axsaabta mucaaradka oo muddo dheer u samray dib-u- dhacyo qorshaysan ee ku yimid doorashadii madaxtooyada hase ahaatee go’aankaasi wuxuu ka nixiyey kana anfariiray xisbaga Udub iyo taageerayaashiisa ku gafanoobay hantiboobka iyo musuqumaasuqa ragaadiyey sharcigii iyo dhaqaalihii dalka oo ku soo ururay in yar oo hoos timaada Udub iyo wasiirada dawladda qaarkood oo kaabooy Afrikaanaysan ka ah magaalada Hargeysa. Waa marag ma doonto oo afhayeenka xisbiga Udub inuu meel fagaaraa ku hanjabay isagoo leh ma aqbalaynu tirada codbixiyaasha ee seferka ka soo baxday oo waa isla tiradii aan horay u diidnay oo qoladii Interpeaseku soomacmaleen mana ku galayno doorashada ka xukuumad ahaan waxaan shalay diidnay.

Ninbaa waxaa laga hayaa ma anaa waalan mise cadan baa laga heesayaa ee akhristow adaan ku waydiiyee maxaa dawladdii hoggaanka ummada loo igmaday ka dhigay miduun asraar, muran iyo is-qabqabsi la soo taagan oo meeshii loo dhaqaaqaba diidan caadana ka dhigatay inay dantii dalka ka hormariso danta shakhsiyaad gaara oo aragti gaaban oon lahayn aqoontii xilalka ay ku magacaabanyihiin waana kuwo lagu soo xulay tijaabada loo yaqaan “ ushaada waxaa loo dhiibtaa ninkaad ka qaadan karto” oo macnaheedu yahay in xilka qaranka loo  magacaabo nimaan u qalmin oon hadhaw aydaan isaga horimandoonin danta ummada ahna mid ka fakara sidii uu jeebkiisa u buuxsan lahaa waxayna u badanyihiin kuwo qurbuhu soo tufay oo Yees seer mooyaane aan kalmad kale afkooda ka soo bixin.

Haddaba aan u soo noqdo sirtii fashilantay ee shirkii xisbiga Udub dhawaan ku yeeshay xaruntiisa Magaalada Hargeysa kuna saabsanayd gorfeynta siyaasada xisbiga ee u muuqata mid isku dhexyaacday oo raggii laf-dhabrka u ahaa intiisii badnayd isaga huleeleen ka dib markii Cismaan Hindi iyo Joog soo dhacay ay ku kaliyeesteen arrimihii xisbiga deetana xaaladii Udub ay noqotay mid la mida siyaasaddii wasaaradda arrimaha dibadda ee dawladdii Maxamed Siyaad Barre ka dib markii laga casilay Cumar Carte Qaalib loona magaacay Cabdraxmaan Buluqbuluq oo ilaa immika ay siyaasaddii dalweynihii Soomaaliya oo dhammi ay buluqbuluqaysantahay oo dalkii shalay midka isku ahaa uu maanta kala yahay tobaneeye LAAND oo ay kala haystaan kooxo wada shaqayn iyo Soomaalinimo-toona aysan ka dhaxayn.

Meeshii shirku ka dhacayay waxaa isugu yimid intii wax isbidaysay ee ku dhawaa Daahir Rayaale oo ninba ninka kale islahaa kaga ag-dhawow madaxweynaha. Madaxweyunu wuxuu hadalkiisii ku bilaabay oo uu yidhi “ Waar ma innaga hubtaan inaan la ina wahelin oo afkeenu isku aamin yahay” deetana raggii meesha fadhiyey oo dhammi waxay eegeen hareerahooda waxayna wada yidhaahdeen madaxweyne waa aynagii oo kaliya oo horaan u soo hubinay laakiin madaxweynuhu si kaftana buu marlabaad ku yidhi “ Anigu ma aaminsani in meesha Kulmiye ka maqanyahay shirkuna wuu furanyahay.

Rag talo kama dhamaatee madasha raggii fadhiyey waxay u gudagaleen ajandihii shirka oo ku saabsanaa wixii looga tashan lahaa go’aankii Komishinka ee natiijadii ka soo baxday seerferka iyo bisha Juun oo komishanku u cayimay inay qabandoonaan doorashada Madaxtooyada. Runtii hoggaanka sare ee Udub ma filayn inuu Komishanku dardargaalindoono hawlihii adkaa ee Komishankii hore ku fashilmay oo ahaan jiray kuwo ku jira jeeba madaxweynaha oo hadba wixii xisbiga Udub doonayo ku dhawaaqi jiray ahaana qayb Udub ka tirsan dalkana khatar galiyey. Taladii ruug caddaagii Udub si kastooy u rogaanba iyo aleel kastooy rogaanba iyo waraabayaal hadba ay ku qashaan daafaha Hargeysa waxay talo isugu soo ururtay “ Aan dalka fawdo ka abuurno, Aan jirriyeyno, Aan ku mudaharaadno xisbiga Kulmiye, Aan dhagxaan wadooyinka ku jarno, Aan muran galinno dhexdhexaadnimada Komishanka, Aan diidno tirada ka soo baxday seerferka, Aan beelaha bariga Somaliland isku dhufanno iyo Aan… Aan… Aan kaloo badan. Waanad arkaysaan siyaasadda naf la caarigaa ee Udub la soo baxday ee ay mudaharaadka, dhagaxtuurka iyo fawdada ay ka bilaabeen magaalooyinka Burco, Oodweyne iyo Ceerigaabo ka dib markii madaxda Kulmiye ay u tageen wacyigalin ay dadka ku dhiirigalinayeen inay qaataan kaadhka cusub ee lagu baddalayo kii hore…..

Dhammaadkii shirka iyo gabagabadii oo uu madaxweynuhu aamusnaa intii doodu socotay oo dhan ayuu mar qudha la soo booday:- Waar Ma Iga Hubtaan Haddaynu Dalka Fawdo Ka Abuurno Inay Doorashadu Dib U Dhacayso! Jawaabtii Siciid Sulub, Cawil Ducaale iyo Cali Warancaade waxay ahayd “ madaxweyne ma hubno ee waa mala awaal beeshii Habar Yoonisna waxaa madaxa ka qabsaday Dr. Gaboose cidduu raacaana dalka hoggamindoonta ogowna maantaba kuma jiiftid dhabtii Libaaxa! Deetana madaxweynuhu isagoon ku faraxsanayn Libaaxu meesha uu u diga rogtay ayuu ku yidhi awalba waad I hoosaasinayseen oo ilka abeeso hoostay kawada xidhiidhaan waxaadna ogaataan adinkuna ku wax li’idin ma kaligay bay dawladnimadu dhaafaysaa! Dee ha inawada seegto kollayba anigu horaan uga tashaday oo meeli iima marna ee raggaan dhawaan magacaabow maxaad qurbihii kula noqondoontaan illayn waatan dunidii oo dhammi dhaqaalo la’aantu ku habsataye!!

Wa Billaahi Tawfiiq

Qalinkii: Shueib Abdi Yousuf

London Ont. Canada