Muwaadinad U Dhalatay Somaliland Oo Ka Qayb Gashay Shir Uu Guddoominayay Madaxweyne Obama

https://i2.wp.com/saraarnews.com/wp-content/uploads/2009/12/ilhaan2.JPG?resize=620%2C465

Washington, May 2, 2010 (Haatuf) – Ilhaan Maxamed Jaamac oo ah Agaasimaha Shirkadda Ismail Imports   isla markaana ah xubin firfircoon oo ka mid ah guddida ololaha doorashooyinka u qaabilsan xisbiga Kulmiye ayaa 26-kii bishii April ee dhamaatay waxay ka qayb gashay Shirweyne Caalami ah oo uu ka qayb-galay Madaxweynaha Maraykanka, Obama.

Sida lagu sheegay Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaaradda Maraykanku ku leeyahay dalka Kenya, qaybta xidhiidhka Soomaalida,  Shirka oo la xidhiidhay  arrimaha Ganacsiga iyo Islaamka, isla markaana ay ka qayb-galeen  masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama iyo masuuliyiin ka socda Wasaaradda Arrimaha dibedda dalka Maraykanka  ayaa dadka ka qayb-galay waxa ka mid ah Ilhaan Maxamed Jaamac oo ah Haweenay u dhalatay Jamhuuriyadda Somaliland, xubin sarena ka ah Xisbiga Mucaaradka ah ee KULMIYE.

Warsaxaafadeed Maraykanku soo saaray ka hor intii aanu shirku bilaabmin ayaa waxa uu u qornaa sidan“Madaxweyne Obama oo ay weheliyaan Masuuliyiin ka socda Wasaaradda khaarajiga iyo Wasaaradda Ganacsiga, ayaa ka qayb gali doona Shirweyne Ganacsi oo ka dhacaya Dhismaha Ronald Reagen ee Washington D.C. kaas oo soconaya 26 April ilaa 27 April. Ganacsato ka kala socota in ka badan 50 Dal oo u badan Muslimiin, ayaa aqbalay marti-qaad uu Madaxweynaha Maraykanku u fidiyay oo la xidhidha ganacsiga iyo in la wadaago  dejinta Ganacsi cusub oo bulshooyinka ay ka kala yimaadeen ah.

Shirkan ayaa daba socda Khudbad uu Madaxweyne Obama u jeediyay Dunida muslimka oo uu ka jeediyay Magaalada Qaahira ee dalka Masar 4 June 2009, taas oo uu ku ballan-qaaday in uu qaban doono Shirweyne Ganacsi, si loo xaqiijiyo sida aynu u xoojin karno xidhiidhada ka dhaxeeya hoggaamiyayaasha Ganacsiga, Ururada iyo Ganacsatada Bulshada ee Maraykanka iyo Dunida Muslimka.

Ilaa 250 qof oo kala aaminsan Diimo kala duwan, ayaa la filayaa inay kulankan ka qayb galaan. Kuwaas oo ka kala imanaya, Afrika, Bariga dhexe, Koonfurta, badhtamaha iyo koonfur-bari Eeshiya iyo Bulsho Muslimiin ah oo ay ka mid yihiin kuwa Maraykanku.

Laba Soomaali ah oo kala ah, Nasra Weheliye Macallin iyo Ilhaan Maxamed Jaamac, ayaa ka mid noqon doona Weftiga ka qayb geli doona Kulankan”.

Waa tuma  Ilhaan Maxamed Jaamac:

Ilhaan Maxamed Jaamac oo ah Agaasimaha Shirkadda Ismail Imports,  waxay sumcad weyn ka soo hoysay hawlaha ganacsiga Somaliland, xirfadeeda gorgortana ganacsiga ayaa u suuro geliyay inay shirkadeeda la mataanayso shirkada kale ee Hargeysa Minerals Resources Company. Shirkada Ismail Port waxay beeyada u dhoofisaa dalalka dibada sida Sucuudiga oo ay ku leeyihiin macaamiil farabadan taas oo Sucuudigu  yahay dalka ugu weyn ee loo dhoofiyo Beeyada waxa kale oo ay xidhiidh la sameysay shirkado ku yaala Burlington,Vermont oo Mareykanka ku yaala,  sidoo kale Ilhaan waxay gacan ka geysataa dugsiga hoose ee dayaxa primary school oo  ku yaala meelaha aanay inta badan gaadhin adeegyada ay xukuumadu qabato.

Ilhaan waxay taageero firfircoon u tahay Xisbiga KULMIYE, kaas oo ujeedadiisu tahay in uu Somaliland ka aasaaso wakhti cusub oo Nabadeed, Dimuqraadiyadeed iyo horumarineed. Inkasta oo aanay jago rasmi ah ka qaban Xisbiga, haddana Ilhaan waxay hogaamiye ka tahay Ololaha lagu doonayo in Xisbiga KULMIYE ku qabto talada Somaliland Doorashooyinka soo socda. Ilhaan waxay Shahaadada Degree  ee Sayniska ka qaadatay Jaamacadda Thiele  ee gobolka Pennsylvania, USA.”