Qareenka Xisbiga KULMIYE Oo Faahfaahiyay Nuxurka Dacwad Ka Dhan Ah Xukuumadda Ay U Gudbiyeen Xeer Ilaaliyaha Guud.

https://i0.wp.com/www.gabooyenews.com/imgs/Logo-kulmiye-co1249715746.gif?w=620Garyaqaan Xasan Axmed Aadan oo ah qareenka Xisbiga KULMIYE ayaa faah-faahin ka bixiyay nuxurka dacwad ka dhan ah masuuliyiin xukuumadda ka tirsan oo xisbigaasi u gudbiyay Xeer ilaalinta guud.

Garyaqaan Xassan waxaa uu sheegay in Xukuumaddu meel kaga dhacday karaamadda iyo milgaha xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiin ka tirsan dawladda. Islamarkaana, ay ku sheegtay Argagixiso oo ay idaacadda qaranka marisay, sidaa darteed ay ku kaliftay in ay sharciga la tiigsaddaan. “Warka idaacadda Qaranka laga baahiyaa, waa war sheegaya in xukuumadu sidaa qabto…waa eedayn qayaxan oo loo jeediyay cid aan waxba ku lahayn, dhaawacna ku keenaya xisbiga KULMIYE, iyo qaranka guud ahaanba.” Ayuu yidhi garyaqaanku waxaana uu ku dooday in eeda xisbiga KULMIYE iyo saraakiisha ka tirsan loogu jeediyay inay  xidhiidh leeyihiin ururka Alshabaab keenayo dhibaato qaran iyo isku dhac, “Waa ay jireen dacwado aanu hore u gudbinay oo xisbiga KULMIYE, gudbiyay oo aan waxba laga qaban.

Laakiin, waxaanu u gudbinaynaa haddana, waa waajib sharci in maamulka markaa jira, lagu wargeliyo (Danbiyadda) ..” Sidaas Ayuu yidhi qareenku, waxaana uu intaa raaciyay isaga oo ka jawaabaya, su’aal laga sii weydiiyay mar haddii dacwaddo hore ay u gudbiyeen aan waxba looga qaban inay ku jirayaan uun dacwadd iyo inay xal kale raadinayaan. “Anagu xal aan ahayn sharciga ma hayno, waxaanu u arragnaa xalku inuu yahay in sharciga la isku xukumo, ma aaminsanin xoog in la adeegsado.

Waxaanu ixtiraamaynaa, saraynta sharciga iyo in sharcigu u hiiliyo cid kasta oo la dulmiyo, laakiin haddii waxba laga qaban waayo, waxay muujinaysaa in ay jirto cid sharcigii iska saraysiinaysa oo marka la yidhaa cidaasaa sida wariyayaaha oo kale ayaa wax sameysayna soo ordaysa marka kallena aan u dhaqaaqeyn. Waayo, qarankii oo dhan ayaa lagu soo jeediyay Caalamka oo la yidhi dalkayaga waxaa joogta Alqaacida, markaa waxay ahayd in markiiba arrintaa wax laga qabto.” Ayuu yidhi waxaana uu intaa ku daray, “Marka sharciga laga hadlayo, waxaa weeye, yaa yidhi waxan, anagu ma eedaynayno laba qof uun, laakiin baadhista haka soo baxdo cidda waxaa abaabushay ee amartay.” Ayuu yidhi isaga oo ka hadlaya sababta ay xukuumada ugu ashkateyn waayeen Kiiskan, waxaana uu sheegay in qodobadda ay adeegsanayo ee dacwadoodan ay u barkiyeen ay khuseeyaan fidinta wararka beenta ah ee dhibaato ku keeni karra qaranka guud ahaan.
Dacwaddan xisbiga KULMIYE ayaa ku waajahan wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo masuuliyiinta ka hoos shaqeysa qaarkood, kuwaasoo xisbiga KULMIYE ku eedeeyay inay ka baahiyeen war aan jirin oo wax loogu dhimayo karaamadda xisbigaas guud ahaan iyo gaar ahaan,  sumcadda iyo shaqsiyadda Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiillada Somaliland, Cabdicasiis Maxamed Samaale, Gudoomiyaha ololaha goboladda Bari ee xisbiga KULMIYE Dr; Maxamed Cabdi Gaboose iyo Ing Maxamed Xaashi Cilmi oo ka mid ah masuuliyiinta xisbigaas, kuwaasoo war laga baahiyay Radio Hargeysa iyo shabakaddaha Intarnetka qaarkood ku xidhiidhiyey ururka Alshabaab ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya.

Source: www.geeska.net