Warku wuxuu intaa ku daray, in Isu-duwaha iyo kuxigeenkiisa lala xidhiidhiyay inay mu’aamarad ku sameeyeen geedi-socodka xulista hawlwadeenada Komishanka la hawlgalaya, gaar ahaan Macalimiinta dugsiyada gobolkaas

Sanaag: Masuuliyiin dawladda ka tirsan oo loo xidhay carqaladaynta hawlwadeenada Komishanka

Ceerigaabo 10, May 2010 (KULMIYE.ORG)- Guddoomiyaha waxbarashada gobolka Sanaag Mr. Cabdiraxmaan Siciid Xuubay iyo kuxigeenkiisa Axmed Ciise (Siigo), ayaa shalay xabsiga loo taxaabay.

waxa masuuliyiintaa lagu eedeeyay inay sabab u ahaayeen murano hadheeyay hawlwadeenada Komishanka ee gobolkaas.

Sida warku sheegay, masuuliyiintaa waxbarashada gobolka waxa lagu xidhay saldhiga Booliska degmada Ceerigaabo, ka dib markii duhurnimadii shalay la qabtay.

Warku wuxuu intaa ku daray, in Isu-duwaha iyo kuxigeenkiisa lala xidhiidhiyay inay mu’aamarad ku sameeyeen geedi-socodka xulista hawlwadeenada Komishanka la hawlgalaya, gaar ahaan Macalimiinta dugsiyada gobolkaas.

Sidoo kale, waxa lagu eedeeyay inay dad aan Macalimiin ahayn ay ku qoreen goobaha loo baahnaa inay macalimiintu ka hawlgalaan, isla markaana ay shalay dib u dhigeen liiska hawlwadeenadaa la doonayay.

Raabi Cabdi Maxamed oo ka mid ah laba xubnood oo xubnaha Komishanka ka tirsan oo loo diray ismaandhaafka ka dhashay hawlwadeenada bixinta kaadhadhka cusub ka hawlgalaya ee gobolkaas, waxa uu sheegay in masuuliyiintaa la xidhay masuul ka ahaayeen hakad ku yimi tabobarada shaqaalahaas.

Mr. Raabi oo shalay hadal ka jeediyay furitaanka tabobarka hawlwadeenada Komishanka ee gobolkas oo ka furmay mid ka mid ah dugsiyada Ceerigaabo, waxa uu sheegay in haatan la soo afjaray ismaandhaafka xulista shaqaalaha ka dhashay.

Komishanku waxay hore u sheegeen in hakadka ku yimi xulista iyo tabobarista hawlwadeenada uga hawlgalaya gobolkaas ay dib u riixday xilligii qaybinta kaadhadhka la bilaabi lahaa oo maanta ku eg, iyadoo dib loogu riixay ilaa 14 bishan.

Xigasho Ogaal
Xafiiska Wararka KULMIYE
Hargeysa