Tabaha Qarsoon ee Xukuumadda UDUB la Maagan Tahay Fashilinta Natiijada Diiwaangelinta

Hargeysa (KULMIYE.ORG)-18.May.2010- Waxa maalintii shanaad guud ahaan Somaliland ka socota hawsha beddelaada kaadhadhkii dadweynaha lagu siiyey diiwaangelintii dalka ka dhacday sannadkii hore iyo qaadashada kuwo cusub oo Guddiga Doorashooyinku ugu talogaleen in lagu galo doorashada loo diyaargaroobayo inay dalka ka qabsoonto 26-ka bisha June ee fooda inagu soo haysa.

Qorshahan lagu beddelayo kaadhadhkii hore ee diiwaangelinta oo ah mid si buuxda la isula qaatay, isla markaana dhinacyada siyaasadda Somaliland ee xukuumadda, xisbiga talada haya ee UDUB, labada xisbi mucaarad ee UCID iyo KULMIYE iyo golayaasha qarankuba isku waafaqeen, waxa uu ka dambeeyey murankii ka dhashay natiijadii ka soo baxday diiwaangelintii dalka laga qabtay oo xukuumadda iyo xisbigeedu qaadaceen, taas oo dhalisay in xallinteeda markii ugu horreysay bulshada caalamku Somaliland soo farogelisay. Iyadoo samaynta kaadhadhkan cusub iyo dib-u-sixid lagu sameeyo Serfarkuba qayb ka ahaayeen fikradihii ugu horreeyey ee shaqooda ay ku bilaabeen Guddiga Doorashooyinku markii la magacaabay.

Inkasta oo xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB markii hore ka gows-qaniineen natiijada ka soo baxday dib-u-shaandhayntii Serfarka oo tirada kaadhadhka cusub ee la soo sameeyey lagu saleeyey, basle markii dambe Madaxweyne Rayaale iyo masuuliyiin ka tirsan xisbiga UDUB waxay si cad u caddeeyeen inay oggolyihiin niitajadaasi oo ay doorashada ku galayaan, waxaana Madaxweynuhu taas ku sii adkeeyey digreetadii uu ku soo saaray maalinta doorashadu qabsoomayso ee 26-ka bisha June.

Haddaba, iyadoo taasi jirto ayaa waxa soo baxaya ifafaalooyin ka dhashay hadalo ka soo yeedhaya masuuliyiin badan oo ka tirsan xukuumadda iyo xisbiga UDUB oo ay ku ceebaynayaan habsami u socodka hawsha qaadashada kaadhadhka cusub ee codaynta, isla markaana ay ku cambaaraynayaan Komishanka Doorashadanka Qaranka oo eedaymo aan gabbasho lahayn u jeedinayaan.

Xukuumadda oo hore isugu dayday inay carqaladayso hirgelinta qaadashada kaadhadhka codbixinta, kadib markii maalintii la bilaabay qaybinta kaadhadhka ay albaabada u laabtay ugu yaraan laba goobood oo ka mid ahaa meelaha loo asteeyey in dadweynaha lagaga beddelo kaadhadhkii hore magaalada Hargeysa, ayaa sida la rumaynsan yahay waxa aflagaadooyinka loo gaysanayo qaadashada kaadhadhka codbixinta iyo Guddiga Doorashooyinka Qaranka waxay hordhaca u yihiin qorshayaal qarsoon oo xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB u maleegayaan natiijada ka soo bixi doonta qaadasha kaadhadhka cusub, si ay ugu hirgasho in mar kale dib-u-dhac ku yimaado doorashada amaba lagu galo bilaa diiwaangelin u fududaysa ku shubasho, maadaama taageerada xilligan ay shacabka ka haystaan aad u hoosayso. Waxaana qorshahaas si cad u soo bandhigay masuuliyiin xukuumadda iyo xisbiga UDUB ka kala tirsan oo hadalo qaawan ku weeraray qaadashada kaadhadhkan cusub iyo komishanka doorashooyinkaba.

“Maalinta 18-ka May oo berri ah (maanta) waxa socota diiwaangelintii markaa dadkii ma cadili karno oo intaanu Beerta Xoriyadda ugu yeedhno oo aanu durbaan u tunno oo mashquulino aad bay dadka dhibaato ugu tahay, sidaa daraadeed waxay u eegtahay 18-kii May inanay qabsoomayn, taasna masulliyadeeda cidii xilligan ku beegtay ayaa iska leh oo Komishanka Doorashooyinka ah. Taa waxa ka daran maalinta 26-ka June oo malintii dalkeenu guumaysiga ka kacay waxay iyana ku beegeen maalintii doorashadu dalka ka dhacaysay, markaa labada maalmoodba waxaan u arkaa inay si ula kac ah u sameeyeen Komishanku oo labadii maalmood ee muqadaska ahaa ku beegeen. Markaa waxaad moodaa nimankani [Komishanka] inay u shaqaynayaan sida kombuyuutarka aan bini’aadamka ahayn ee la wado uun ee xiska iyo dareenka toona lahayn, taas qalladkeedana iyagaa leh.” Sidaa waxa yidhi Badhasaabka Gobolka Hargeysa oo xalay mar uu ka hadlayey Telefishanka iyo Idaacada xukuumaddu maamusho si qaawan u weeraray Guddiga Doorashooyinka.

Sidoo kale, Wasiirka Caddaaladda Aadan Axmed Cilmi (Dhoollayare), ayaa isaguna muujiyey sida xukuumadda uu ka tirsan yahay aanay ugu calool-samayn beddelaada kaadhadhkii hore iyo qaadashada kuwa cusub, waxaana Wasiirka oo shalay u waramay qaar ka mid ah warbaahinta hadaliisa ka mid ahaa; “Maanta waxay cid weliba aragtay oo maalintii hore ee kaadhadhka la qaadayey la arkay inuu jiro qof toban kaadh sita, laakiin waxaannu sugaynay inuu server-ku shaandheeyo oo qof weliba kaadhka uu xaqa u leeyahay qaato oo rajada aynu Komishanka iyo server-ka ka sugaynay iyo shacabka Somaliland ahayd inuu hal mar codeeyo, hal kaadhna uu qaato…Khaladkii dhacay in la sixi doono ayeynu filaynay, taa macnaheedu maaha xukuumadda waxay ka noqotay mowqifkeedii, laakiin dhaliishii ay sheegaysay waa caddaan, qofkii maalintii toban kaadh qaatay maantana wuu sitaa, waxaan leeyahay caddaaladu maaha in qofna kaadh sito qofna toban sito, waa caddaalad-darro, taasina dadweynuhu habkay u raacayaan ciddii nooga masuulka ahayd Komishanka weeye, amarkii ay bixiyeen ee ay yidhaahdeen waqtigaas ayaa la galayaa doorashada waa la galayaa.

Annagu waxaannu u aragnaa ka wasaarad ahaan in aanay xaq ahayn oo ay caddaalad-darro tahay, qofkii maalintii hore xannuunsanayey amma safar ku maqnaa ee maanta jooga ee kaadh la’, kii labaatan goor galay oo aan waxba laga reebin oo intiiba haysta sidee bay caddaaladdu sugnaanaysaa, taas ayaanu u caddaynaynaa dadweynaha oo aannu sheegaynaa in aanay waxba isbeddelin.”

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Ololaha xisbiga UDUB Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ayaa ku tilmaamay kaadhadhka cusub ee dadweynaha loogu beddelayo kuwii hore ee diiwaangelinta inay yihiin barkuma-taal aan wax macno ah ku fadhiyin, maadaama natiijada ka soo baxday dib-u-shaandhayntii Serfarka lagu sameeyey la mid tahay tii hore.

Cismaan Hindi oo isna shalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Gabiley oo uu ku marayey socdaal taageero doon ah, isla markaana qayb ka ah qorshaha la dagaalanka qaybinta kaadhadhka cusub ee doorashada lagu galayo, waxa uu eedeeyey hay’adda Inter Peace ee Komishanka la shaqaysa oo uu xusay inay soo bandhigtay xog aan lagu qanci Karin oo bilaa sabab ah.

Haddaba, sida laga dhadhansanayo hadalada masuuliyiintaas, isla markaana ay ilo xogogaal ahi Jamhuuriya u xaqiijiyeen waxa muuqanaya tabo qarsoon oo xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB la maagan yihiin natiijada ka soo bixi doonta diiwaangelinta, kaas oo loo marayo ajande dhawr qodob ah oo lagu hawlgalayo, kuwaas oo ay ka mid yihiin;

* In dadweynaha si hoose loogu guubaabiyo in aanay u soo bixin qaadashada kaadhadhka cusub ee codbixinta, si natiijada ka soo baxdaa ay ugu noqoto daliil ay u adeegsan karaan qaadacaadeeda, waxaana arrintaasi caddaynaya hab-dhaqanka wasiiro badan iyo masuuliyiin UDUB ka mid ah oo socdaalo ku kala jooga gobollada dalka, kuwaas oo aan qorshahaba ku darsan inay dadweynaha ku dhiirigeliyaan qaadashada kaadhadhka cusub, balse taa beddelkeeda waxay dadweynaha u jeedinayaan hadalo ay ku ceebaynayaan diiwaangelinta iyo Komishanka Doorashooyinka.

* Waxa kale oo ilaha xogogaalka ahi xaqiijiyeen inuu jira qorshe lagu abaabulayo madaxdhaqameedka iyo dad kale oo gaar ah oo lagaga dalbanayo inay qaadacaan diiwaangelinta, kadib marka tirada dadweynaha deegaanadoodu yaraato.

* Sidoo kale, waxa soconaya olole UDUB doonayso inay ku iibsato kaadhadhka cusub ee dadweynuhu qaadanayaan, gaar ahaan degaanada iyo tuulooyinka ka baxsan magaalooyinka waaweyn oo ay arrintaasi ugu suurtogeliwayday.

Haseyeeshee, qorshayaashan qarsoon ee xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbigeeda UDUB damacsan yihiin ayaa u muuqda qaar ay aad u adag tahay inay hirgalaan ama u suurtogalaan, marka loo eego rabitaanka dadweynaha reer Somaliland iyo Guddiga Doorashooyinka oo ay wehelinayaan beesha caalamka oo ah inay ka dhabeeyaan qabashada doorashada ragaaday ee muddada badan dib-u-dhacyadu ku imanayeen, taasina aanay ku iibsamayn wax ka hooseeya inay qabsoonto.

Xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB ee is huwan oo looga fadhiyey inay shacabka u soo bandhigaan barmaamujkooda siyaasadeed iyo waxqabadkii muddadii toddobada sanno ahayd ee ay dalka ka talinayeen si ay dadka cod uga raadiyaan sida labada xisbi mucaarad ee KULMIYE iyo UCID ay hore shacabka ugu soo bandhigeen barmaamujyadooda siyaadadeed ee ay dalka ku hagi doonaan haddii ay talada ku guulaystaan, hase ahaatee taasi may dhicin ee waxa UDUB u muuqdaa mid isku dayaya inuu curyaamiyo socod geedi dheer ah oo gurigii la furi lahaa muuqdo.

Marka la isku soo duubo dacaayadaha iyo hadalada ka dhanka ah Komishanka Doorashooyinka ee xukuumadda iyo xisbiga UDUB ka soo baxaya inay u muuqdaan xisbi mucaarad ah oo masuuliyadda qaranku aanay saarnaynba.

Sources Jamhuuriya
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa