“UDUB musuq-maasuqii wuxuu ku darsaday arbushka goobaha diwaangelinta iyo khalkhalgelinta doorashada”

Guddoomiye Silaanyo – Warsaxaafadeed
Hargeysa(KULMIYE.ORG)- Warsaxaafadeedkaas oo dhamaystirani wuxuu u dhignaa sidan;
“Iyadoo dalku ku jiro marxalad xasaasi ah,lana gudo galay hawlo qaran oo mihiim ah ayaa xisbiga udub iyo xukumadu jiidheen shuruucdii anshaxa doorashooyinka ee axsaabta qaranka iyo KDQ-ku si wada jir ah u saxeexeen. Dhinaca kale waxaynu wada ogsoonahay in xisbiga udub iyo xukumadu lumiyeen kalsoonidii shacabka,
waxa kale oo wiiqmay xidhiidhkii ka dhaxeeyaya iyaga iyo bulshada, taas darteed udub iyo xukumaduba waxay la soo baxeen xeelado gaboobay oo ay ku carqaladaynayaaan mashruuca kaadh-badalka diwaangalinta oo si habsami leh uga socda gobolada dalka.
waxa ka mid ah tabahaas faashilka ah ee ay isticmaalayaan
1- in ay si badheedh ah ugu caga jugleeyeen, una xidhxidhaan muraaqibiinta goobaha kaadh- bixinta ee KDQ. Mararka qaarna ay hakad galiyaan shaqada kaadh–bixinta.
2- Waxay u diraan goobaha kaadh-badalka dhalin yaro si gaar ah u tababaran oo ay ku tilmaameen shaqaale ka socda wasaaradda arimaha gudaha balse ka tirsan xisbiga udub kuwaaso kaadhadh badan sifo aan sharci ahayn ugu gacan galeen,amaba u qaatey ,qaarkoodnaba laga soo saarey jeebabakooda in ka badan sodomeeyo kaadh oo ay rabeen inay si qarsoodi ah debeda ugala baxaan goobaha si ay khal khal I yo rashabad u galiyaan habsami u socodka kaadhadh- bixinta sida dhacdadii salaxlay.
3-inkastoon looga baran war wanaagsan ama dhexdhexaad ah xisbiga udub iyo xukumadaba waxay ka sii daayaan idaacada iyo tv-ga qaranka barnaamijyo runta ka fog, ahna canbarayn, dhaleecayn iyo eedayno ay kula dul-kufaan xisbiyada mucaaridka siiba xisbiga kulmiye iyo KDQ, kuwaas oo ay ugu talo galeen inay iskaga hor keenaan bulshada walaalaha ah ee reer Somaliland, dhexdoodana ka abuuraan naxli,xiqdi iyo nacayb.
4-sidoo kale waxay baahiyaan warar iyo baaqyo inoogu filan inaanay udub diyaar u ahayn ka qeyb qaadashada doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka.
5- Waxaa kaloo marag ma doon ah in goobo badan oo ka mid ah dalka ay isku dayeen inaan dadku qaadan kaadhadhka diiwaangelinta,kuna fureen tashuush shaki kala gelinaya ummadda iyagoo ku afgobaadsanaya inaan KDQ keenin goobahaas muraaqibiintii deegaamaysan. taas oo ujeedada ka danbaysaa tahay inaan kaadhbixintu ka suurto gelin goobahaas.
KDQ waxay sheegeen maadaama aaney lahayn hanti ma gurto ah sida guryo ama xafiisyo inay badiyaaba kiraystaan goobaha ku haboon kaadhbixinta, hase yeeshee xisbiga udub iyo xukumadu waxay xidheen qaar ka mid ah goobaha kaadhbixinta iyagoo isku qanciyey inaaney raali ku ahayn guryahaas iyo cida lehba . Balse waxay indhaha ka laliyeen in masuuliyiin ka tirsan xisbiga udub iyo xukumada guryahaooda iyo xafiisyadoodana la dhigay sanaadiiqda kaadhadh bixinta sida;
1- Cabdi Aadan Yuusuf, Wasiir ku xigeenka wasaarada ciyaaraha iyo dhallinyarada gurigiisa oo ku yaala ka soo horjeedka star Hotel.
2- Abdirasak sh. Adan gudoomiye-xigeenka gobolka gebilay oo gurigiisa oo ku yaala gebilay isna laga dhigay goob kaadhbixineed.
3-Xafiiska udub ee 26-juun oo isna laga dhigay goob kaadhbixineed.
Guntii iyo gebagebadii nin baa laga hayaa islaantii hooyadeen indho la aan ma ku ogeyd, dad- cunimona wey ku darsatey.waxaan uga jeedaa udub iyo xukumada awelba weynu ku ogayn musuqmaasuqa, urursiga hantida qaranka, kootooyinka, muranada distoorka iyo xeerarka dalka iyo warar dhagareysan oo ay ka sii daayaan idaacada iyo tv-ga qaranka, balse waxay ku darsadeen boobka kaadhadhka diiwaangelinta, arbushka goobaha diwaangelinta, abuurid jawi xasilooni darro,iyo khalkhalgelinta doorashada dhawaan dalka ka dhici doonta.
Ugu danbeyn waxaan halkan ku bayaaminaynaa in xisbiga kulmiye daacad ka yahay barnaamijka kaadh-bixinta,taageero buuxdana la garab taagan yahay KDQ-ka, diyaarna u yahay doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka. xisbiga kulmiye wuxuu ku gubaabinayaa bulshoweynta reer Somaliland meel kastey joogaan inay kaadhadka codeynta u qaataan si nabadgelyo ah, qof kastaana qaato hal kaadh oo keliya oo sharcigu xaq u siiyey.”

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa