UDUBTA Riyaale iyo Xukuumadiisuba Somaliland dhagax ayay u karinayaan


KULMIYE.org

Liban Cashuur Caynaashe

Waxaa maanta cad oo aan umada ka qarsoonayn, in Riyaale iyo xukumadiisuba sharci daro ku joogaan oo ay Somaliland dulsaar ku yihiin.

UDUB iyo Dawaladan Riyaale gogosha waxay usii dheereysteen inay wadanka weel ay soo uruursadeen ku ritaan.

Rag dawlada Riyaale ku jira oo aan daacad isaga iyo qarankaba u ahayn ayaa jira, oo Somaliland ku baayactamaya.

Ninkan Riyaale ee taa ogol, ee waliba walaac ka muujinaya doorashooda wadanka ka dhici doonta isaga iyo gacanyarayaashiisu, umada muxuu la hor imanaya?

Cadawga umada iyo qaranka Somaliland ee ugu weyni waa nidaam xumadan imika ka jirta, waa caafimaad xumada, dariiq la´aanta, biyo la´aanta, shaqo la´aanta, laaluushka xaaraanta ah, basaasnimada, nabadgalyadi oo ay ka dhigteen mid iyaka u gaar ah, darajo la´aanta ciidamada qaranka, administration la´aanta, sumcad xumada dibed iyo gude, dimuqraadiyad diidka, miisaaniyad xumada, media xumada oo ay u sameysteen cay, qabyaalada iyo qalalaase, cadaadiska iyo cago jugleynta ay ku hayaan umada Somaliland.

Waxaanu umada Somaliland yar iyo weyn meel kastey joogaan faraynaa, oo aanu ku boorineynaa, inay wadankooda ku noqdaan sanadkan, oo ay doorasha ka qayb qaataan, oo wadankooda iyo dadkooda u hiiliyaan, oo ay ka qayb qaataan isbadelka Somaliland ku soo socda.

Waa inay ka qayb qaataan vote ka, kaalinta, habaynta iyo xawliga isbedeldoonka wadanka ka jira, sidii ay daaqada uga tuuri lahaayeen ninkan kursi jacayl ku hayo, iyo xukumadiisa soo shaqo tagtey.

Waxaanu ogeysiinaynaa UDUB iyo nidaamkan maanta jira, in shacabkii soo jeedo, oo aanay ahayn shacabkii lixdankii, ee qalbi furnaa, ee kal xaadhnaa, ee aan kala baran raga kolba usoo gogol fadhiista.

Shacabka imiku waa shacbi tashadey, oo waayo arag ah, oo astaamaha beenaalaha iyo fitna wadka arka, waa shacbi hurdadii lixdankii ka toosay, waa shacbi mutacalin ah, waa shacbi u diyaar ah inuu cadkiisa goosto oo uu kii naftiisu ugu sheekeyso inuu ku waarayo kursiga diyaar u ah inuu ka ridto oo uu waliba maxkamad soo saaro.

Dhalinyaradii qaranku iyakaa wax is baray, dawlad scholarship siisey ma jirto, Riyale iyo xukuumadiisu marnaba may odhan dhalinyarta iyo caruurta schoolada ku jira dawlada Somaliland scholarships ayay ka bixinaysaa, ama balaash ayay ku dawaynaysaa.

Umadu iyadaa schools dhisatey, oo kartidooda iyo qurbajooga khayrka qaba ee dadkooda daba socdo oo aan ka hadhin kana daalin ayaa usoo samrey, oo tacliintii heerkay marayso umada ayaa gaadhsiisey, dawladi shaqo kuma laha.

Hoyooyinka quutal daruuriga soo saarta ee baayacmushtarka ah, ee subax walba u kalaha siday quudka caruurtooda iyo fee ga wax barashadooda u soo saartaan dawladu cashuur ayay ka qaadaa, waxbana ugu ma qabato.

Dawlada iyo xubnaheeduna cashuurahaa ayay jeebkooda, ololahooda, dhoofkooda, gawaadhidooda, iyo meelo badan oo xaqdaro ah ku bixiyaan oo lacagtii wadanka ayay waxay gubaan iyo waxay dhigntaan ka dhigeen iyakoon shilin qaranka usoo hoyneyn.

Muxuu markaa Riyaale iyo xukuumadiisu ku odhan doonaan umada Somaliland oo ay ulasoo shir tagi doonaan?

Dariiqa Barbera maalin walba inta ku geeriyoota waa la ogyahay, laamiyada iyo highway yada qarankoo dhan iska daa hadalkiisa, inta ku sigateyna ka badan, maxay dawladu ka qabatey.

Dawlada somaliland waxaa soo gashay taakulooyin ka badan $200 million dollar sanadkii oo international community gu ugu deeqaan, oo cashuuruhu sii dheeryihiin, oo waxsoo saarka dakaduhu sii dheer yihiin. Maxaa loogu qabtey umada? waxba.

Hargeisa xaafado ka mid ah ayaa ilaa iyo maantadan bilaa biyo iyo laydh ah, maxay ka qabatey dawladu.

WAA WAXBA!!

Dhakhtarka caasimada iyo dhakhtarada qaranka, dawladu hasoo bandhigto wax tayo leh oo ay ku kabtey ama ay ku taageertay – waa ZERO.

UDUB waxay caadeysatey beenkusheega, cayda iyo aflagaadada raga wadanka soo xoreeyey, ee bir ma gaytada ah ee xisbiyada mucaaridka ah uguna horeeyo Kulmiye. Waxaan leeyahay, oflagaadada iyo beenta aad caadeysateen iintiina ayuunbay wax ku sii kordhinaysaa.

Hadii aanu Kulmiye nahay, waxaanu umada Somaliland u balan qaadaynaa isbedel weyn oo caqiibo leh. Waxaan leeyahay tamartayada horaad usoo aragteen oo kali taliskii Siyad Bare wadankeena ka xoreynay.

Ilaa intii la asaasay Kulmiyena wanaag iyo isbadel nagu soo biira mooyee, wax naga dhinmey ma jiraan.
Umadeenana xaqay nagu leedahay intii kartidayada ahayd waanu ka taakuleynay waananu sii wadaynaa.

Talada wadanka aanu rajo weyn ka qabnona, markuu ilaahay nagu guuleeyo xaqii uu qaranku nagu lahaa ayaanu gudanaynaa. Waxa kale oonu gudanaynaa xaqii shacabka, dhalinyarada, naafada, aradayda, hooyooyinka, danyarta, bilaa camalka, dadka da´da ah ee taakulo u baahan iyo dhulku xaquu nagu leeyahay Insha Allah.

Ilaa iyo imika Riyaale iyo xukuumadiisu umada agenda hooda ulamay iman, waayo timirtii horeba dab loowaa – oo waligii Riyaale intuu umada soo hor istaagey muu odhan waxaasaan idiin qabanayaa isaga iyo dawladiisuba.

Warshadihii uu yidhi way imanayaan xabad timi ma jirto, mashaariic ayaan keenayaa siday dawladani ulahayd ayay dakadii Barbera halis gashey oo bariiska Somaliland lagu cuno maanta Boosaasuu kasoo dagaa.

Hadaba hadii aanu qurba jooga Kulmiye nahay, isbedel ayaanu doonaynaa, waanu soo dhow yahay isbedelku, waanu dhacayaa isbedel Insha Allah.

Geed gaaban iyo mid dheerba gobanimada, sumcada, dimuqraadiyada iyo madax banaanida qaranka Somaliland ayaanu hore usoo marney, bartiina waanu ka wadnaa.

Qurbajooga waxaanu leenahay, taageeradiina iyo energy giina ayaanu ka shidaal qaadanaa ee nagalasoo qaybgala isbedelka aanu rabno inuu wadanka ka dhaco.

Liban Cashuur Caynaashe
Gudoomiyaha Somaliland Lobbying Group
Kulmiye Party – Toronto, Canada