Wasiirka Daakhiliga..Oo Ka Soo Shaqeeyey Hay’ado Ay Adag Tahay Sida Sharkooda Looga Nabadgelo ..Waxa Uu Bar-madaw ku Yahay Dimuqraadiyada” Saleebaan Xuquuq

Wasiirka Daakhiliga..Oo ka soo shaqeeyey hay’ado ay adag tahay sida sharkooda looga nabadgelo..Waxa uu Bar-madaw ku Yahay Dimuqraadiyada” Saleebaan Xuquuq

Afhayeenka ururada xuquuqal-insaanka Somaliland iyo hawlwadeenadii komishanka ee xabsiga loo taxaabay oo xadhigoodii ka hadlay

Hargeysa (Kulmiye.org)- Afhayeenka Isbahaysiga Ururrada Xuquuqal-insaanka Somaliland oo ka kooban 28 urur oo u doodda xuquuqda bani’aadamka Mr. Saleebaan Ismaaciil Bullaale (Xuquuq), ayaa si kulul u cambaareeyey tallaabadii xukuumadu xabsiga ugu taxaabay hawlwadeennada ka dhaqaynayey hawsha beddellaada kaadhadhka cusub ee Komishanku bixinayo, kuwaasi oo shalay laga soo daayey saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa oo ay muddo saddex maalmood ah ku xidhnaayeen.

Mr. Saleebaan Ismaaciil Bullaale (Xuquuq), waxa uu falkaasi ku tilmaamay mid lagu minjo-xaabinayo dimoqraadiyadda Somaliland ka tisqaaday, isaga oo xusay in loogu marmar siyoonayo axsaabta mucaaradka, waxaannu si gaar ah farta ugu fiiqay Wasiirka Daakhliga oo uu sheegay in mudadii uu xilka hayey ay Somaliland ka dhaceen xadgudubyadii ugu xumaa ee tacdiyada iyo meel-ka-dhaca xuquuqda lagula kaco shacabka.

Afhayeenka Isbahaysiga Ururrada Xuquuqal-insaanka Somaliland waxa uu sida ka sheegay shir-jaraa’id oo ay wada jir hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa shalay ugu qabteen isaga iyo hawlwadeennadii Komishanka Doorashooyinka ee xabsiga loo taxaabay.

“Shirkan jaraa’id waxaannu u qabanay in aannu is-garab istaagno Komishanka Doorashooyinka ee walaacu soo food soo saaray ee farogelinta qaawan loola badheedhay, waxaannu dalka Somaliland marayaa xil xasaasi ah oo ay beesha caalamku si taxadir badan u soo fiirinayso.

Falkan dhacay ee foosha xun ee hawlwadeennada Komishinka xabsiga loogu taxaabay wuxuu xadgudub ku yahay dimoqraadiyadda iyo xuquuqda Somaliland, ugu yaraana waxa la xayiray siddeed kun oo muwaadin kaadhadhkoodii, waxaanay tani muujinaysaa amma ay cadday u tahay inay xukuumadda Somaliland, gaar ahaan Wasaaradda Arrimaha Guduhu bilaabay falal lagu minjo-xaabinayo dimoqaadiyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo aan ka soo shaqayn dawlad dimoqraadiyad ah, balse ka soo shaqeeyey hay’ado ay adag tahay sida sharkooda looga nabadgelo, tan iyo intii xilkan uu hayo loo magacaabay dalka Somaliland waxa ka dhacay xadgudubyadii ugu xumaa ee xuquuqda aadamaha, hadday noqoto hay’adihii sharci-fulinta oo hay’adihii sharci-dejinta albaabada u xidhay, dadka magan-geliyo doonka ah oo halkii ay ka soo baxsadeen dib loogu celiyo iyo dib-u-dhacyadii doorashada.

Hawsha doorashooyinka waxa u xilsaaran Komishanka Doorashooyinka in lagu farogeliyaana wax ciddi ka yeelayso maaha, beesha caalamkana waxaannu ugu baaqaynaa inay isbarbar taagaan Guddiga Doorashooyinka oo si waddaniyad ah hawlahooda u wada, Madaxweyne Rayaale-na waxaan u sheegayaa in Wasiirka Daakhligu ku yahay bar-madow dimoqraadiyadda oo uu sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabto, hadii kale waxaanu u arkaynaa inuu isaguna kula socdo falalka guracan wasiirkiisa,” ayuu yidhi Saleebaan Xuquuq.

Waxa kale oo halkaa iyaguna ka hadlay hawlwadeennadii Komishanka Doorashooyinka ee la soo daayey, kuwaas oo xadhigooda ku tilmaamay mid aan loo soo marin waddadii sharciga ahayd, isla markaana waxay si weyn ugu dhaliileen ciidanka bileyska anshax la’aan ay kula dhaqmeen Guddoomiyaha Komishanka markii uu xadhigooda ka dabategay, iyaga oo u mahadnaqay sidii uu Guddoomiyaha Komishanku uga hawlgalay xadhigooda.

Axmed Maxamed Shaqale oo ka mid ah hawlwadeennadii Komishanka ee xabsiga loo taxaabay, ayaa isaga oo ka waramaya sidii xadhigoodu u dhacay waxa uu yidhi;

“Abaaro 3:00 galabnimo goobta lambarkeedu yahay 321 annaga oo wadna hawsha kala beddelka kaadhadhka ilaa 150 qof maalintii labaad waxa noo yimi Xoghayaha Siyaasadda xisbiga UDUB Cumar Jaamac, isaga oo aan waxba na waydiin ayuu sawir ka qaaday goobtii, goobtii kalena sidaa iyo si la mid ah ayuu ku sameeyey, kadib waxa noo yimi ciidanka bileyska oo na waydiiyey mulkiilaha guriga, waxaanan u sheegnay in aannu joogin. Intaa kacbadi waxa noo yimi xaajid ciidan ah ee saldhigga Ibraahim Koodbuur, waxayna nagu wargeliyeen in la soo xidho goobta, maadaama uu ciidanku yahay ciidankii nabadgelyada ilaalinayey waannu raacnay.

Isla habeenimadii waxaannu aad uga jidhidhicoonay masuulka ugu sarreeya Komishanka Doorashooyinka oo ah Ciise Yuusuf Xamar, annaga oo aad uga xun sida xushmad iyo qadarin la’aanta ah ee loola dhaqmay, annaga oo u mahadnaqayna isaga iyo maamulka jaamacadda Hargeysa oo na agtaagnaa intii aannu xidhnayn.”

Xigasho/Jamhuuriya Online