Wefti ka tirsan Xisbiga KULMIYE oo kormeerro ku soo maray Deegaano ka tirsan Awdal iyo Salal

Hargeysa (KULM,IYE.ORG)- Wefti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Ololaha gobollada galbeedka Somaliland ee Xisbiga KULMIYE Baashe Cabdi Gaboobe, ayaa kormeer ku maray Deegaanno kala duwan oo ka tirsan Gobollada Awdal iyo Salal.

HALKAN RIIX SI AAD SAWIRADDA U DAAWATO

Weftigan oo uu ka mid yahay Guddoomiye-xigeenka Ololaha gobollada galbeedka Somaliland ee Xisbiga KULMIYE Cabdi Siciid Faahiye iyo Guddoomiyaha Warbaahinta ee Xisbigaas Maxamed Cilmi (Ilkacase), ayaa shalay gaadhay gobolka Gabiley, isla markaana uga gudbay dhinaca Degmada Dila ee Gobolka Awdal, halkaas oo ay ku soo dhaweeyeen Prof. Ismaaciil Muumin Aare iyo Axmed Maxamed Oomane oo ka mid ah masuuliyiinta Xisbiga. Waxaanay Weftigu uga sii gudbeen dhinaca magaalada Borama oo ay ku qaabileen Wefti kale oo Xisbiga KULMIYE ka tirsan oo uu horkacayo Murashaxa Madaxweyne-xigeenka Xisbigaas Cabdiraxmaan-Saylici.

Kulamo ay la yeesheen waxgaradka iyo taageerayaasha KULMIYE ee Borama ka dib, waxay Weftigu kormeer ku soo mareen deegaanada Boon, Qun-u-jeed, Xariiqad iyo Cabdiqaadir. Deegaamada kale, ee ay Weftigu kormeerka ku mareen waxa iyana ka mid ah Tuulooyinka, Jidhi-kulan, Sh. Awaare oo ay dadweynaha meel fagaare ah kala hadleen, Fadhi-xun, Fiqi Aaan, Il-armaayo, Badhi-gaab. Halkaas oo ay kulamo kula qaateen dadweynaha deegaankaa ku nool.

Weftigan ayaa u jeeda dhinaca Degmada Lughaya, waxaanay maalinta beri ah ku beegan yihiin Magaalada Saylac, halkaas oo uu qorshuhu yahay in ay Xuska 18 May kala qayb galaan dadweynaha ku dhaqan magaalada Saylac.
Wefigani wuxuu sheegay in dhammaan deegaannadii ay kormeerka ku mareen ay kala kulmeen cabashooyin la xidhiidha dhinaca wax-qabadka adeegyada, isla markaana ay u sheegeen in aanay arag wax masuuliyiin ah oo ka socda Xukuumadda Madaxweyne Rayaale.
Somaliland.Org
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa