Wefti uu Hoggaaminayo Guddoomiyaha Warbaahinta KULMIYE oo Socdaal ku soo Maray Tuulooyinka Gobolka Saaxil

Berbera-(KULMIYE.ORG)-Wefti ka kooban xildhibaanno iyo masuulliyiin ka tirsan KULMIYE oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Warbaahinta iyo Wacyigelinta Xisbiga KULMIYE Maxamed Cilmi (Maxamed Ilkacase), ayaa kormeer ay ku qiimaynayaan sida ay u socoto hawsha qaadashada bedelaada kaadhadhka cusub ee doorashooyinka oo maanta soo gebogebowdey ku soo maray magaalada Berbera, Degmada Sheekh, Laasadawaco, Gidhays iyo tuulooyin kale.

Weftigan oo galabta ku soo laabtay magaalada Berbera, islamarkaana caawa u amba-baxay magaalada Hargeysa, ayaa ka hor intii aanay ka bixin magaalada waxay kullan ku saabsan qiimaynta socdaalkooda ku qabteen Xafiiska KULMIYE ee magaalada Berbera, kuwaasoo sheegay in hawsha kaadh-qadashadu ay si wanaagsan oo nabadgelyo ah uga socotay tuullooyinka iyo degmooyinka ay soo mareen dhammaantood.


Guddoomiyaha Warbaahinta iyo wacyigelinta Maxameed Ilkacase, ayaa Komishanka Doorashooyinka ku ammaanay sida wanaagsan ee ay u wadaan hwasha doorashooyinka, isagoo shacabka Somaliland ugu baaqay inay si nabadgelyo ah uga qaybgallaan codayna doorashada madaxtooyadda ee loo mudeeyey 26-june 2010.

Xildhibaan Maxamed Xuseen oo ka mid ah mudanayaaasha Golaha Wakiillada ee laga soo doortay gobolka Saaxil, kana mid ahaa xubnaha kormeerayaasha ah, ayaa si gaara u ammaanay xubnaha Komishanka Dorashooyinka Saaxil oo uu ku sheegay inay ku ammaananyihiin bilowgii hawsha bedellaada kaadhadhka oo si fiican uga bilaabantay marka loo eego gobollada kale ee dalka.

Guddoomiyaha Ololaha Gobolka Saaxil Maxamed Faarax oo ka mid ahaa xubnihii halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inay 19 goobood oo ku yaalla Saaxil gaadhsiiyeen muraaqibiintii KULMIYE goob-jooga u ahayd.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa