Xisbiga Kulmiye Deeq Oo Lacageed Guddoonsiiyay Dadkii Uu Khasaaruhu Ka Soo Gaadhay Roobkii Ka Da’ay Hargeysa

https://i1.wp.com/www.hadhwanaagmedia.info/attached/u_12015d_2010-4-24-18-16-32f_DSC00958.JPG?w=620

Hargeysa (Kulmiye.org) Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa maanta  lacag   gaadhaysa $6150 (Lix kun iyo boqol konton dollar) ugu deeqay degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe, kuwaas oo ay asiibtay dhibaatooyin ka soo gaadhay roobab toddobaadkii ina dhaafay ka da’ay magaaladda Hargeysa iyo nawaaxigeeda.

Munaasibad balaadhan oo Xisbiga KULMIYE u sameeyey wareejinta deeqdan lacagta ah ayaa waxa ka soo qayb galay Guddida horumarinta labada degmo ee Maxamuud Heybe iyo Axmed Dhagax, Xildhibaano ka soo jeeda degmooyinkaas, Xoghayaha Guud ee Xisbiga KULMIYE Kayse Xasan Cige, Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada ee heer Qaran Cabdinajax Siyaad Aw Cabdi,  Marwooyinka Xisbigaasi KULMIYE oo ay ugu horayso Marwada Musharaxa Madaxweynenimada Aamino Weris.

Guddoomiyaha  Gobolka Maroodi jeex ee Xisbiga KULMIYE Axmed Xamarje oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan lacagta ah ay jeebkooda ka bixiyeen, isla markaana ay ugu tamaruceen walaalahooda ay dhibaatadu ka soo gaadhay roobabkii ina maasheeyey, waxaanu tilmaamay in Xisbigooda KULMIYE uu subaxiiba booqday Qoysaskii ay dhibaatadu ku dhacday.

“ Xisbiga KULMIYE oo uu hogaaminaayo Guddoomiyaha Xisbigu Axmed Siilaanyo waxa uu subaxii hore booqday qoysaskii ay dhibaatadu ka soo gaadhay roobabkii ka da’ay Magaalada Hargaysa, waxaanu markiiba KULMIYE ahaan ku dhawaaqnay in dadkaas loo sameeyo Sanduuq qaadhaan.

Xukuumadu markii ay maqashay KULMIYE ayaa booqday qoysaskii ay dhibaatadu ku dhacday ayay tageen, waxna umay gayn, laakiin kulmiye waxa uu diyaar u yahay mar walba in dadka tabaalaysan ee walaalahooda ay garab taagnaadaan oo ay caawiyaan, halkan maanta waxaan ku wareejinayaa deeq lacag ah oo gaadhaysa $6150, waxaana la wareegaya Guddida horumarinta degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax”Ayuu yidhi Xamarje.

Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha wakiilada ee  Xisbiga KULMIYE uga soo baxay caasimada Hargeysa, isla markaana Guddoomiyaha kaambaynka ee Gobolka Maroodi jeex ayaa waxa uu fariin u diray Xukuumada Madaxweyne Rayaale, Ganacsatada iyo oo wax haysata inay taakuleeyaan Dadkooda aan waxba haysan ee dhibaatadu ka soo gaadhay Roobabkii toddobaadkii ina dhaafay ka da’ay magaaladda Hargaysa.

Maxamed Muuse Abees oo ka mid ah saraakiisha sarsare ee xisbiga Kulmiye oo isna halkaa ka hadalo koob-kooban ka soo jeediyay  ayaa si gaar ah ugu mahadnaqay haweenka xisbiga Kulmiye oo sheegay in ay xooga saareen sidii ay dadkiii ku baro kacay roobkii dhawaan ka da’ay wax ula qaban lahaa.

Dhinaca kale xoghayaha guud ee xisbiga Kulmiye Keyse Xasan Cige oo isna halkaa ka hadlay ayaa sheegay in xisbigoodu uu mar walba ku dedaali doono sidii uu dhinaciisa uga qayb qaadan lahaa horumarka dalka, waxaanu xusay in maalintii ay masiibadu ka dhacday Hargeysa uu hogaanka xisbigoodu kormeer ku soo maray degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax, waxaanu ilaahay uga baryay dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay in uu ilaahay bedel khayr qaba ka siiyo.

Guddoomiyaha Guddida Horumarinta ee Degmooyinka Axmed Dhagax iyo Maxamuud Haybe Kayse ayaa u mahad naqay Xisbiga KULMIYE, waxaanu ka balan qaaday inay deeqdan lacagta gaadhsiin doonaan Dadkii ay waxyeeladu ka soo gaadhay roobabkii toddobaadkii hore ka da’ay magaaladda Hargaysa.