Xoghayaha Arrimaha Dibadda Ee Xisbiga KULMIYE oo kulan xogwaran ah loogu yeedhay

London( Kulmiye. Org) 18 May 2010, Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE, Dr. Maxamed Cabdillahi Cumar, ayay dawladda Ingiriiska iyo xubno ka tirsan bulshada caalamku oo ay ka mid yihiin Maraykanka, Spain iyo wadama kale ku martiqaadeen inuu warbixin ka siiyo siyaassadda Xisbiga KULMIYE uu ku hogaamin doono Somaliland haddii ay doorashada ku guulaystaan.

Dr Mohamed Abdilahi Omar Of Kulmiye Party by yusuf dahir.

Kulankan oo la filayo inuu ka dhaco barito oo ay taariikhdu tahay 19 May 2010 magaalada London, waxaa la sheegay in Xoghayuhu ka siin doono masuuliyiintan ka socda bulshada caalamka xogwaran ku saabsan hindisiyaasha siyaasadeed ee xisbiga KULMIYE gaar ahaan kuwa ku wajahan xagga  arrimaha dibadda.

Waxay wararku sheegayaan in arrimaha ay dawladdahani doonayaan inay wax ka ogaadaan ay ka mid yihiin siyaasadda KULMIYE ee arrimaha nabadgalayada Geeska Afrika, qorshaha iskaashiga  xagga horumarka ee ay damacsan yihiin inay kula shaqeeyaan wadamada deeqaha bixiya, hindisayaasha maalgalineed ee dhicayada wax soo saarka iyo kobcinta xidhiidhka wadashaqayneed ee bulshada caalamka ay la yeelan doonaan.

Kulanka dhexmaraya Xogahayha Arrimaha Dibadda ee Xisbiga KULMIYE iyo masuuliyiinta ka tirsan dawladaha waawayn ee bulshada caalamka ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Somaliland u diyaargaroobayso doorashadii madaxtooyada oo laba sanadood in ka badan wakhtigeedii dib uga dhacayday, dareenno badan oo isbedel doon ahina dalka ka socdaan.

Halkan kale soco warbixinta kulanka iyo arrimaha ka soo baxa.