Xukuumadda oo soo Daabacatay Shixnado Lacag ah oo Loogu Talogashay inay ku Boobto Codadka

Hargeysa (KULMIYE.ORG)-17.May.2010- Xukuumadda madaxweyne Rayaale, ayaa la sheegay inay shixnado lacag ah u soo daabacatay ololaha doorashada madaxtooyadda ee loo muddeeyey inay 26 June 2010 ka dhacdo Somaliland.

Ma jiro war rasmi ah oo xukuumadda iyo baanka dhexe ee Somaliland ka soo saaray jiritaanka lacagta la sheegay in xukuumaddu u soo daabacanayso ololaha doorashada madaxtooyada, saraakiisha baanka oo aanu xalay la xidhiidhnay si aanu arrintan wax uga weydiino ayaanay noo suurtogelin in aanu helno, hasayeeshee Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe, ayaa daboolka ka qaaday wararka sheegaya in xukuumadda iyo xisbigeeda UDUB soo daabacdeen shixnado lacag ah oo ay ugu tallogaleen ololaha doorashada madaxtooyada ee 26 June ka dhacaysa Somaliland.

“Waxaan ummadda reer Somaliland u sheegay in 28 bishan ay dawladu lacag cusub soo daabacayso oo ay dalka imanayso lacag cusub, lacagtaana waxaa loogu talo galay in dadka codkooga lagu iibsado, imika UDUB madhaqdhaaqdo oo lacagtaa bay sugaysay, Lacagtaasina waa cashuurteeni iyo magaceenii, horana waxaan u sheegay UDUB ha lagacuno lacagta UCID-na codka ha loogu rido, lacagta ka qaata codna hasiinina, ceeb ayey idiin tahay in aad codkiina iibisaan, lacagtaa imika lagu soo beegayna iyo wasiirada la sameeynayana waan cambaaraynayaa waxaan u arkaa in ay tahay khiyaamo qaran oo wadanka lagu burburinayo,” ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe oo ka hadlayey lacagta xukuumadda Rayaale soo daabacatay.

Maaha markii u horaysay ee xukuumadda madaxweyne Rayaale soo daabacato shixnado lacago ah oo aan laga ansxin Golaha Wakiillada Somaliland, balse waxa jirtay in mudada madaxweyne Rayaale xilka hayey ay marar badan lacago soo daabacatay.

Jamhuuriya
Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa