Xukuumadda oo Xidhay Laba Goobood oo ay ka socotay Hawsha Bedellaada Kaadhadhku.

Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Xukuumadda Daahir Rayaale Kaahin oo kaashanaysa Ciidammada ammaanka, ayaa maanta albaabada u laabtay laba goobood oo ka mid ahaa meelihii ay shacabku ka qaadanayeen kaadhadhka cusub ee doorashada Madaxtooyadda.

Ciidammada Boolisku waxay xabsiga u taxaabeen dhammaan shaqaalihii iyo agabkii laab goobood oo ku yaalla Hargeysa, wakhtigaasoo ay ka socotay hawsha kaadh-bedellaadu, islamarkaana waxa shaqaalahaa soo taxaabay saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

illaa hadda ma cadda ujeedooyinka ka danbeeyey in xukuumadda iyo xisbiga UDUB oo is-barkani ay falkan foosha xun kula kacaan amma carqaladeeyaan goobo ka mid ah goobihii ay shaqada qaranku ka socotay, taasoo muujinaysa xad-gudub iyo awood-sheegasho uu xisbiga UBUB doonayo inuu ku majara-habaabiyo hawsha baaxadda leh ee socota. sida uu sharcigu dhigayona aanu xisbina awood u lahayn arogelinta xarumaha amma laamaha Komishanka. haseyeeshee Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Somaliland Ciise Yuusuf Maxamed (Ciise-Xamari), oo galabta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta Komishanka, ayaa caddeeyey in lab axarummood oo ay ka socotay hawsh kaadh-bixinta ay ciidanka boolisku xidheen. “Waxaan maanta idiinku yeedhay inaan dadweynaha iyo cida danaynaysa qaadashada kaadhadhka cusub ee lagu codaynayo iyo doorashada ku wargeliyo, in galabta laba goobood oo ay ka socotay shaqadu la xidhay, Shaqaalihii noo joogay goobahaas ee komishanka u shaqaynayay la soo qabqabtay oo lagu soo xidhay Saldhiga dhexe ee Hargeysa, iyada oo aan nala ogaysiin, anaga oo shaqaynaynay maanta oo Jimce ah oo Taleefanadaydu ay furanaayeen, in Taliska Boolisku amar ku bixiyey in la soo xidhxidho shaqaalihii labadaa goobood.” ayuu yidhi

Guddoomiyuhu waxa uu sheegay inay arrintan xidhiidh kala sammeeyeen Taliyaha Booliska, balse uu iska leexiyey masuulliyadda falkaas, isagoo Guddoomiyuhu arrintaa ka hadlayana waxa uu yidhi. “Taliyaha Booliska markaannu la xidhiidhnay, wuu iska riixay arintaas iyo sababta shaqaalaha iyo goobohoodii loo soo xidhxidhay faahfaahintooda. Aniga ayaa amarka bixiyey, wax faahfaahin ahna kuma siinayo, ee cida na amarta la xidhiidh ayuu igu yidhi Taliyuhu. Markaa waxaannu soo jeedinaynaa in fara-gelinta iyo carqaladaynta laga daayo hawsha qaadashada kaadhadhka iyo ta doorashada labadaba. Turxaanta halaga ilaaliyo oo cida danaynaysaa habsami u socodka qaadashada kaadhadhka iyo ta doorashada shaqaaqada iyo dhibaataynta halaga daayo.” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka oo ka warbixiyey xidhitaanka labadn goobood.

Gudoomiyaha mar wax laga weydiiyey sababta dhallisay in xukuumaddu xidho labadan goobood, ayaa waxa uu yidhi. ““Waayo, labada goobood mid waxa la odhan jiray Bile Restaurent, imaka Bele ma jiro. Sidaa daraadeed goobtaas waxaanu ka dhignay guri ku dhagsan halkii Bile la odhan jiray oo uu leeyahay ninka la yidhaahdo Maxamed Muuse Abees. Markaa goobtii haddii la waayo, goob ku xigta inaanu kaadhadhka ku qaybinno sharci noo diidayaa ma jiro.”

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa