Xisbiga Kulmiye Oo Isu Soo Bax Ballaadhan Ka Sameeyay Magaalada Ceerigaabo, Qaybtii labaad Ee Ololaha Doorashada. Daawo

https://i2.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_14353d_2010-6-7-15-19-50f_IM000499.JPG?resize=620%2C465

Ceerigaabo (Kulmiye.org)Waxa maalintoodii labaad fagaaraha dhoolla-tuska axsaabta qaranka ee magaalada Ceerigaabo isugu soo baxay taageerayaalka xisbiga Kulmiye. Waxa iyaguna fagaarahan laysugu soo baxay ee beerta xorriyadda Ceerigaabo goob-joog ka ahaa Madaxda xisbiga Kulmiye ee heer-qaran  heer-gobol  iyo heer-degmoba iyo weliba qaar ka mid ah xildhibaannda golaha wakiillada Somaliland. Kuwaas oo dhammaantood fagaarahan kala hadlay isu soo baxayaalkan islamarkaasna uga mahad celiyey isusoo-baxoodan ay ku muujinayaan taageerada xisbigan Kulmiye.

Sidoo kalena taageerayaalkan ayay ku boorriyeen in ay mar kastaba u heellanadaan  waqtigoodana u huraan sidii ay codkooda u siin lahaayeen xisbigan Kulmiye ee uu guddoomiyaha ka yahay Axmed Max’ed Max’ud(Siilaanyo) iyo weliba in ay xil dheeraad ah iska saaraan ilaalinta nabadgelyada.https://i2.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_14353d_2010-6-7-15-19-50f_IM000499.JPG?resize=620%2C465

Waxa iyaguna isusoo-baxan taageerayaalka Kulmiye ka qayb galay Madax-dhaqameedyo  Guurti  Waxgarad  Aqoonyahan  Haween iyo Dhallinyaro kazoo kala jeeda beelaha wada dega gobolka Sanaag  kuwaas oo halkaas ka sheegay in ay taageeradooda buuxda siinayaan xisbiga Kulmiye.

https://i2.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_14353d_2010-6-7-15-20-38f_IM000498.JPG?resize=620%2C465Dhinaca kalena isusoo baxayaalkan oo fagaarahan beerta xorriyadda ee Ceerigaabo kusoo bandhigy boodhadhka iyo sawirro ka turjumaya taageerada xisbigan iyo weliba cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka  ayaa markii fgaarahan laga dareeray waxay socod iyo gaadiidkaba ku mareen suuqyada magaalada Ceerigaabo.

Xigasho/Hadhwanaagnews