Guddoomiye SIILAANYO iyo Wefti uu Hogaminayo oo si weyn Ceerigaabo Loogu soo dhaweeyey

Ceerigaabo-(KULMIYE.ORG)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Silaanyo) iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa goor-dhawayd si ballaadhan loogu soo dhaweeyey magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Boqollaal ka mid ah dadweynaha reer Ceerigaabo, ayaa Guddoomiye Siilaanyo iyo weftigiisa kaga hortegay Tuulada Yufle oo 25 km u jirta magaalada, halkaasoo ay ka soo gelbiyeen gaadiid tiro badan oo ay ku xidhanyihiin astaanta iyo calamada KULMIYE.

Guddoomiye Siilaanyo iyo wftigiisa, ayaa markii ay soo gaadheen magaalada Ceerigaabo waxaa loo gelbiyey guri loogu tallogalay, isagoo Gudoomiyuhu halkaa uga mahadnaqay sida ay u soo dhaweeyeen dadweynaha Reer Ceerigaabo, waxaana uu dadweynaha ku wargeliyey inay iska kala tagaan oo maalinta berito ah oo ku beegan maalintii shannaad ee xisbiga KULMIYE u leeyahay ololaha uu kala hadli doono fagaaraha kheyriyada.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa