Boorame-(KULMIYE.ORG)-Xisbiga Kulmiye ayaa shalay xaflad ku qabtay magaalada Boorama taasoo ay kusoo dhaweynayeen Wasiir ku xigeenkii deegaanka & horumarka reer miyiga Somaliland Mudane Saciid Maxamed Bile oo kusoo biiray xisbiga Kulmiye iskana casilay xilkii uu ka hayay xukuumada Rayaale.

Xafladaan oo kasoo qeyb galeen mas’uuliyiinta xisbiga Kulmiye oo ugu horeeyay Musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye Injineer Cabdiraxmaan Saylaci iyo taageerayaal boqolaal gaarayay oo ku faraxsanaa inuu xisbigooda kusoo biiro Wasiir ku xigeenkii deegaanka & horumarka reer miyiga Saciid Maxamed ka tirsanaa xukuumada Rayaale in muddo ahna la shaqeynayay dowlada Somaliland xiligaan ka jirta.

Ugu horeyn, waxaa madashaan ka hadlay Axmed Muxumed Geelle “Dacar” oo ah Aasaasihii xisbiga Kulmiye isla markaana ah mas’uulkii ugu horeeyay ee gobalka Awdal keena xisbiga Mucaaradka ee Kulmiye, waxuuna tilmaamay in Wasiir ku xigeenkii deegaanka & horumarka reer miyiga Saciid Maxamed uu sameeyay arrin geesinimo leh kuna soo biiray xisbigooda Kulmiye, isagoo sheegay in xisbigooda ku jiraan dadka ugu Waxgarasha wanaagsan xiligaan Somaliland.

Sidoo kale, waxaa madashaan ka hadlay Guddoomiyaha xisbiga Kulmiye ee gobalka Awdal Ibraahim Aadan Qaalib isagoo sheegay in xisbiga Kulmiye uu dhaqaaqay shacabkana ugu baaqay inaysan ka harin xisbiga Kulmiye isagoo ku tilmaamay gobalka Awdal inuu hormuud u yahay gobolada Somaliland ee doonaya inuu dalka ka dhaco isbadal.

Waxaa isna madashaan ka hadlay Wasiir ku xigeenkii deegaanka & horumarka reer miyiga Saciid Maxamed waxuuna ka hadlay sababaha uu iskaga casilay xilkii u hayay Xukuumada Rayaale, isagoo eedeymo culus u jeediyay xukuumadii in muddo ah uu la shaqeynayay

Wasiir K/xigeenka Is-casilay ayaa ku eedeeyay Xukuuamada Rayaale inay ka seexatay shacabka gobolka Awdal ee isaga uu kasoo jeeda, taasina uu sheegay inay sababtay is-casilaadiisaan..

Sidoo kale, madashaan reer Kulmiye kulansiisay ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha beesha uu kasoo jeedo Wasiir Ku-xigeenka is casilay Cismaan Xasan Rooble, waxuuna eedeymo u jeediyay xibiga talada dalkaan haya ee UDUB, isagoo tilmaamay inuu dhamaaday xiligii Udub loona baahan yahay isbadal xoogan oo Somaliland ka dhaca.

Gaba-gabadii xafladaan waxaa ka hadlay, Musharaxa M/weyne ku xigeenka xisbiga Kulmiye Injineer Cabdiraxmaan Saylaci waxuu sheegay inuu ku faraxsan yahay Wasiir Ku-xigeenka iscasilay kuna soo biiray xisbigiisa, isagoo xusay inay Waxbarashadii soo wada qaateen, waxuuna sheegay inuu hormuud u noqon doono howlaha isbadalka ay wadaaan.

Injineer Saylaci waxuu sheegay in xiligaan dalka Somaliland badbaado u baahan yahay arintana ay dhaaftay doorasho la isku qab-qabsado, waxuuna sheegay in guud ahaan Somaliland ay iloobeen xukuumada xiligaan dalka ka talisa ee UDUB.

Is-casilaada Wasiir ku xigeenkii deegaanka & horumarka reer miyiga Saciid Maxamed Bile ayaa jawaab u aheyd sida ay reer Kulmiye sheegeen is-casilaadii toddobaadkaan ay sameeyeen Guddoomiyihii iyo Xoghayihii degmada Boorama ee xisbiga Kulmiye kuwaasoo ku biiray xisbiga talada dalkaan haya ee UDUB, waxaana la filan karayaa mas’uuliyiin kale inay kala qaataan saddexda xisbi ee hardanka xoogan ka dhaxeeya Siyaasadana isku haya xili doorashada Somaliland maalmo yar uun ka harsan yahay.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa