Beesha Ugaadh-Cumar oo Maanta Taageeradoodii Isugu Geeyey Xisbiga KULMIYE


Hargeysa-(KULMIYE.ORG)-Suldaan Cabdi Cawaale oo ah Suldaanka Beesha Ugadh-Cumar ee Habar-yoonis, oo horkacaya boqolaal qof oo beeshiisa ah, isla markaana isugu jira Cheif Caaqillo, Caaqillo, Culima-awdiin, Duqay, Wax-garad, Aqoonyahan, Dhalinyaro iyo Haween, ayaa sheegay in beeshu shirar muddo ay lahaayeen ka dib, la go’aansaday inay taageeradooda isla garab-taagaan Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE, ka dib markii ay quus iska soo taageen Xukuumadda Xisbiga UDUB oo ay hore u taageereen.

Suldaan Cabdi Cawaale iyo Beeshiisu waxay maanta shir ballaadhan oo warbaahinta lagu soo macsuumay ku qabteen Huteel Dalxiis ee magaalada Hargeysa, halkaas oo ay ku shaaciyeen mawqifkooda ku waajahan cidda ay beeshu taageerayso doorashada Madaxtooyada. waxaanay sheegeen inay isla gaadheen in hiil iyo hooba laysla garab-taago Xisbiga KULMIYE. Suldaan Cabdi Cawaale, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi; “Waxaan idinku raacay oo idiin go’aamiyey go’aanka geesinnimada leh ee aad beel ahaan gaadheen oo ah in la taageero Xisbiga KULMIYE. Annagu madaxdiinnii ayaanu nahay, waxaannu madaxda idiinku nahay inaannu hadba baahidiinna ka turjunno, horseedna idiinku noqonno meesha mustaqbalkiinnu ku jiro. Sidaa daraadeed, haddii ay beeshu dan u aragtay KULMIYE waannu idinku raacnay oo annagu Xisbi idinkaga hadhi mayno. Waxaana loo baahanyahay inaynu is-beddal dhab ah muujinno, oo wax la qabsanno Somaliland.”

“Waxaan u soo jeedinayaa Beelaha kale ee Habar-yoonis inay sidan Beesha Ugaadh Cumar oo kale is-beddal muujiyaan, oo waxaan leeyahay is-beddalku mid kalidiin dani ugu jirto maaha ee danta reer Somaliland oo dhan ayaa is-beddalka ku jirta, Sidaa daraadeed, waxaan Habar-yoonis leeyahay oo aan ugu baaqayaa waar aan dooranno Xisbiga KULMIYE, oo ka aan KULMIYE cod siinahaynoow UCID sii…” sidaa ayuu yidhi Suldaan Cabdi Cawaale, waxaanu si weyn ugu mahadceliyey xubnaha kala duwan ee beesha ka socday ee shirkaas ka soo qaybgalay, isaga oo ku amaanay mawqifkooda ay Xisbiga KULMIYE ugu guureen, kuna taageereen.

Sidoo kale, waxa isaguna halkaa ka hadlay Cheif Caaqil Cabdi Cali Nuur, waxaana ka mid ahaa hadalladiisii oo uu yidhi; “Markaannu aragnay in Xisbigii UDUB ee xukuumaddiisu 8-da sano dalka ka talinaysay oo wax alla waxay u qabteen Beesha ugaadh Cumar aanu jirin, waxaannu go’aansannay inaannu Xisbigaas Xukuumaddiisu sii socoto ka guurno oo u guurno, waxna la qabsanno dawladda soo socota ee KULMIYE, oo aannnu taageerno Xisbiga KULMIYE doorashada. waayo? dawladda Madaxweyne Rayaale qalda-wale kuma lihin…”

Guddoomiyaha Beesha Ugaadh-Cumar Cismaan Maxamed, oo shirkaa maanta ka hadlay ayaa sheegay inuu afartii bilood ee ugu dambeeyey kormeer ku marayay deegaannada beeshu degto, isla markaana ay go’aan beeshu ku soo gaadhay inay Xisbiga KULMIYE taageerto, ka dib markii ay fara madhan iska soo taageen Xukuumadda madaxweyne Rayaale iyo Xisbiga UDUB. Sidoo kale, xubno kale oo dhawr ah oo beesha Ugaadh-Cumar ah, ayaa iyaguna shirkaas ka hadlay, kuwaasoo muujiyey inay beesha inteeda badani ka midaysan-tahay mawqifka ah inay sannadkan Xisbiga mucaaridka ah ee KULMIYE taageeraan.

Xildhibaan Maxamed Xaaji Yuusuf (Waabeeye), oo ka mid ah Mudanayaasha laga soo doortay Deegaanka Oodweyne, kuna jira Xildhibaanada Golaha Wakiillada ee Xisbiga KULMIYE ka soo baxay, oo shirkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu si weyn ugu faraxsan yahay inuu arko Beesha Ugaadh-Cumar oo KULMIYE taageeraysa, isaga oo xusay in KULMIE muddo badan dhawrayay taageerada beeshaas. Waxaanu xusay wixii ay beeshu Xukuumadda UDUB ka wayday inay ka heli doonaan KULMIYE haddii uu doorashada soo socota ku guulaysto talada dalka.

“Waxaannu Aniga iyo Xisbiga KULMIYE, ku dedaali doonnaa sidii Beeshu u heli lahayd xaqa Miisaanka ay leedahay, hadday shaqo tahay, hadday horumarin tahay iyo haddii kaleba. Idinkana beel ahaad aad baannu idiinku kalsoonnahay, KULMIYE wuu ogyahay Culayska beeshu leedahay, wuu ogyahay tirada beesha, wuu ogyahay tayada, wuu ogyahay deegaanka ay dagto, milkaha ay beeshu leedahayna waa uu ogyahay, marnabana ma halmaami doono, idinkana waxaannu idiinka baahannay taageeradaa aad nala garab-istaagteen inaad sii laban-laabtaan oo Xisbiga KULMIE codkiinna siisaan maalinta codaynta doorashada madaxtooyada ee 26-ka bishan Juun.” Sidaa ayuu yidhi Xildhibaan Waabeeye.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa