Berbera: Taageerayaasha KULMIYE oo si weyn Isugu soo Baxay

Berbera-(KULMIYE.ORG)-Boqollaal ka mid ah teegarayaasha xisbiga KULMIYE, ayaa isu soo baxa ballaadhan ka sammeeyey magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil, halkaasoo ay ku muujiyeen cududa taageero ee ay siin doonaan xisbiga, kuna soo bandhgay qaybaha kala duwan ee ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka oo lagu qabtay xarunta dhexe ee xisbigu ku leeyahay Berbera.

Dadweynaha reer Berbera, ayaa saaka hiirtii ku waaberiistay boqollaal gaadiid ah oo ay ka baxayaan heesaha astaanka u ah xisbiga KULMIYE iyo taageerayaal sita calanka xisbiga oo ku dhawaaqaya hal-ku-dhigyo ay ku muujinayeen taageeradooda, kuwaasoo socdaallo hadba dhinac u raacay waddooyinka magaalada Berbera.


Dhanka kale, masuulliyiin ka tirsan xisbiga KULMIYE oo uu hogaaminayo Guddoomiyaha Warfaafinta KULMIYE Maxamed Cilmi Aadn (Ilkacase), ayaa caawa dadweynaha kala hadli doona fagaaraha Khayryada ee Berbera.