Boorama: Xoghayihii Xisbiga UDUB ee Gobola Awdal Oo Is Casilay

Boorame-Xoghayihii UDUB ee Gobolka Awdal, waxa uu sidaa ku sheegay shir jaraa’id oo uu galabta ku qabtay magaalo-madaxda Gobolka Awdal ee Boorama.

Xoghayihii is casilay oo arrimaha iscasilaaddiisa ka hadlayaa waxa uu yidh; “Aniga oo ah xoghayihii xisbiga Udub ee gobolka Awdal Mawliid Daahir Allaale waxa aan manta oo ay taariikhdu tahay 24 June 2010 iska casilay xilkii aan u hayay xisbiga Udub ee gobolka Awdal, is casilaadaydan ayaan go’aansaday markii aan arkay in duruuufaha manta dalka ka taagan ay sabab u tahay xukuumada Madaxwayne Daahir Rayaale Kaahin oo mala’awaal iyo been ku jahwareerinaya dalka, waxa kale oo jirta in siyaasada dalka manta ka jirtaa ay noqotay mid dhinac u janjeedha.”

“Isla markaana uu maamulkii xisbiga UDUB ee gobolka awdal uu ku wareejiyay Qabaail ay hogaan u yihiin cuqaal iyo shaqsiyaad aanan waxba ka tarayn duruufaha maanta jira, sidaas awgeed waxa aan go’aansaday inaan iska casilo xilkii aan hayay isla marla markaana aan ku biro xisbiga Kulmiye,” ayuu yidhi Mawliid Daahir Allaale oo u waramayay Saxaafadu.” ayuu hadalkiisa ku sii ladhay.

Waxa sidan oo kale, hore isu casilay Guddoomiyihii Xisbiga UDUB ee Degmada Boorama, Maxamed Aadan Suldaan, kaasoo sheegay isugna inuu si weyn u soo dhawaynayo Xoghayahan Awdal ee xisbiga UDUB iska casilay.