Borama: Beesha Habar-cafaan oo taageertay xisbiga Kulmiye. +SAWIRO


Boorame-(KULMIYE.ORG)-Xarunta xisbiga Mucaaradka ee Kulmiye ee magaalada Borama waxaa ka dhacday saaka isku soo bax balaadhan oo ka qeyb galeen Taageerayaasha beesha Habar-cafaan ee Xisbiga Kulmiye iyo Madaxdiisaba ee gobalada Awdal & Salel.

Xafladaan ayaa waxaa ka hadlay Musharaxa Madaxweyne Ku xigeenka Kulmiye Injineer Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylaci waxuuna sheegay inuu dhawaan Somaliland ka dhici doono is badal balaadhan oo dadka ku diirsan doonaan isla markaana talada dalka ay qabsan doonaan xisbiga Kulmiye, waxuuna u mahadceliyay beesha Habar-cafaan ee taageertay xisbigiisa.

Saylaci waxuu hoosta ka xariiqay inay iyaga doonayaan isbadal dhaca si horumar u gaaraan shacab weynaha reer Somaliland, waxuuna Xukuumada xiligaan talada dalka heysa ku eedeeyay arrimo badan oo uu sheegay inay dib u dhac u keentay ictiraafka Somaliland.

Saylaci waxuu ugu baaqay shacabka inaan lacago yar oo la siiyo codkooda ku iibsan isla markaana ogaadaan codkooda inuu yahay kan u horseedi karaya Cadaalad, Nabad iyo Horumar ay ku noolaadaan, waxuuna ugu baaqay inay codka siiyaan xisbigiisa Kulmiye oo ku tilmaamay inuu yahay kan keeni karaya Cadaalad, Nabad iyo Hurumar uu ku noolaado qof kasta.

Madashaan oo madax badan oo Kulmiye ka tirsan ka hadleen ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay Axmed Muxumed Geelle “Dacar” oo kamid ahaa Aasaasayaashii xisbiga Kulmiye ahna xubin firfircoon oo xisbiga Kulmiye ee gobalka Awdal ka tirsan waxuuna sheegay inay iyaga daneynayaan doorasho cadaalad ah oo ka dhacda Somaliland.

Mudane Dacar waxuu sheegay in dalka u baahan yahay isbadal, waxuuna sheegay inuu isbadalkaasi aheyn mid laba shaqi lagu badalaayo, balse yahay mid dhab ah oo gunta laga soo dhisi doono.

“Xukuumada jirta waxay sameysay musuq-maasuq balaadhan, meel walbana afarta inamood ee jooga ayaa jeebka gashta waxa kasoo gala shacabkana looguma shaqeeyo” ayuu yidhi Dacar.

Mudane Dacar waxuu sheegay in maamulka UDUB ay ka quusteen codka shacabka, waxuuna sheegay inay doonayaan in Kaadhadhka ka iibsadaan cidii loo arko in Kulmiye ka tirsan yahay isla markaana ay gubanayan, waxuuna shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan kaadhadhkooda.

“Xisbiga Kulmiye haduu talada dalka qabto shacabka kuma shaqeysanaayo ee wuu la shaqeysanayaa waxna u qabanayaa, mana noqon doono Xukuumada iminka jirto oo kale oo shacabka ku shaqeysata” ayuu yidhi Axmed Muxumed Geelle “Dacar”.

Si kastaba ha ahaatee, taageerada xoogan ee xisbiga isbadal doonka ee Kulmiye ka sameystay beesha Habar-cafaan ayaa muujineysa awooda baaxad leh ee xisbigaan ku leeyahay goboladaan Awdal & Salel ee kasoo jeedo musharaxa Madaxweyne K.xigeenka KULMIYE Injineer Saylaci.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa