Burco: Beesha Awal Bari oo maanta si Rasmi ugu Biirtay Xisbiga KULMIYE.

https://i1.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_14074d_2010-6-2-14-48-19f_buuuuu.jpg?w=620

Burco(KUMIYE.ORG). Masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ayaa maanta munaasibad ballaadhan oo ay ku soo dhawaynayaan beesha Awal Bari ugu qabtay Huteel Cigaal ee magaalada Burco.

Munaasibaddan oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta sar-sare ee xibigaasi ayaa waxaa ka hadlay xildhibaan Saciid Cilmi Rooble, kaasoo sheegay in munaasibadani tahay beeshii awal bari ee Burco oo si weyn uga soo ruqday xisbiga Udub,kuna soo biirtay xibiga Kulmiye.

Wuxuuna xildhibaanku intaas ku daray in beeshu markii hore ahayd asaasayaashii Udub, balse markii ay ka rajo waayeen ku soo biireen xibiga Kulmiye, isagoo md. Saciid Cilmi Rooble tilmaamay in xibigu uu yahay mid caado iyo tilmaan u tahay been, lunsiga hantida ummadda, laaluush qaadasho,iyo siyaasad rajo la’aan ah, hase yeeshee xibiga Kulmiye arrimahaas oo dhan ku beddelayo caddaalad waxqabad guud iyo siyaasad mustaqbal leh.

Wuxuu kaloo xildhibaanku carrabka ku dhuftay in ay dhacayso laydhii guushu oo xataa reer awdal hadda garteen inaanay laydhaas ka hadhin oo ay si weyn ugu soo beereen xibiga Kulmiye,sidaas awgeed, ayuu yidhi “ ballanteennu waa inaynu codka siinno xisbiga Kulmiye.
Waxaanu hadalkiisii ku soo koobay “Ninkii doorkii hore siiyay Codka Udub ka istaakhfurulayso oo ilaahay Dambi dhaaf waydiiso”Ayuu yidhi.

Maxamed Xuseen Naaleeye (Good abees) oo ka mid ah odayaasha reer Burco ayaa isaguna sheegay inaanay wax qabyaalad ah jirin, oo hadday taasi jirto siilaanyo ma waayeen kursiga Riyaalena ma fuuleen,balse maanta oday Siilaanyo ayeynu boodhka ka tumaynaa oo codka siinaynaa ayuu yidhi.

Mustafe Waxdad oo isguna halkaas ka hadlay ayaa tilmaamay in wakhtigii Marxuun Cigaal xilka hayay,mar uu safar dibadaeed u baxayay uu Rayaale ku aamani
waayay xilka oo uu sii magacaabay Sideed wasiir oo uu kala tashado hawlha adag ee ku yimaada ,kuwaasoo ay ka mid ahaayeen ayuu yidhi,Siilaanyo,Cabdi awdaahir

Iskeerso,iyo Gees,”Sidaas darteed ninkii xiligaa la aamani waayay ayaa maanta ummad hogaaminayay miyay inala tahay.

Waxaa kale oo isaguna hlakaas ka hadlay Maxamed Kaahin, Xildhibaan Cali Mareexaan iyo xubno badan oo kale,kuwaasoo dhammaantood sheegay in beeshani ku soo biirtay xisbiga Kulmiye si weyna ugu soo dhawaynayaan rajaynayaanna inay waxbadan ku soo kordhin doonaan xisbiga.

Hase yeeshee ugu dambayntii waxaa xafladdaas soo xidhay Dr. Cabdi Aw Daahir oo ah guddoomiyaha ololaha doorashada ee gobolka Togdheer,asagoo sheegay in tallaabadani ka mid tahay ifafaalaha guusha ee xisbiga Kulmiye,waxaanu Dr.Cabdi Aw Daahir ugu baaqay taageerayaashii inay u diyaar garoobaan maalmaha ololaha doorashooyinka oo si weyn u soo baxaan, isal markaana ilaaliyaan amniga iyo degganaashaha.

Xafladdan oo ahayd mid si weyn loo soo agaasimay ayaa ahayd mid jawaab looga dhigayo shirkii dhawaan lagu qabtay Dacar-budhuq ee lagu sheegay in beeshani go’aansatay inay codkooda siiyaan xisbiga Udub,waxaa kale oo xafladani lagu soo dhawaynayey xoghayahii hore ee D/hoose ee Burco me. Sacad Cismaan Sh. Oo ku soo beeray xisbiga Kulmiye kana soo baxay xisbiga Udub

Sources
TogdheerNews