Burco: Maamulkii Degmada Qoryaale oo aku dhawaaqay inay ku biireen xisbiga kulmiye.

Burco-(KULMIYE.ORG) -maamulka degmada qoryaale ayaa maanta ku dhawaaqay inay ku biireen xisbiga kulmiye kadib markaanu aragnaybay yidhaahdeen in xisbiga udub noqday mid aan dalka iyo dadkaba wax dan u ah ka shaqaynayn.

Maayarka degmadaasi qoryaale oo khadka telefanka aan kula xidhiidhnay ayaa noo xaqiijiyey kuu biritaanka ay ku bireen xisbiga kulmiye waxayna sheegeen in aanay xilalkoodi iska casilin, balse iyagoo xilkii maamul ee degmada hayya ay taagersanyihin xisbiga kulmiye lana shaqayn doonaan, wuxuu maayarku sheegay in xisbiga kulmiye ay u arkeen kii horumar dhab ah u keni lahaa qaranka.

Maayar xigeenka iyo xoghayaha degmada qoriyaale ayaa iyaguna sidaas si lamid ah u sheegay sheegay.

Masuuliyiintan waxa si weyn u soo dhoweyey ku soo biiritankooda xildhibaano ay ka mid yihiin xildhiban cali mareexan iyo qurbajoog ka tirsan xisbiga kulmiye oo saaka ku sugnaa degmadaaasi.

Xafiiska Warbaahinta KULMIYE
Hargeysa