BURCO: WACDARAHA XISBIGA KULMIYE IYO TAAGEERADA SHACABKA TOGDHEER (Muwaadin Gadhigiisi iyo Gurigiisiiba ku Buufiyey calanka Kulmiye)

https://i1.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_14095d_2010-6-2-23-31-44f_gaadh.JPG?w=620

Burco: (Kulmiye.org) Waxaa maalmahan u danbeeyey si baaxad leh shaashadaha uga muuqday xisbiga kulmiye oo taageryaal badan ku biirayaan,iyadoo beelaha somaliland intooda badani ay ku biireen xisbiga kulmiye, waxaana ku biiritaanka beelaha ee xisbiga kulmiye ay ku biirayaan ugu danbaysay munaasibaddii saaka lagu soo dhoweynayay taageryaash beesha ciise muse, oo iyagu ka soo digo rogtay xisbiga UDUB.

Hadaba waxa wakhtiyadan u danbeeyey  warbaahinta dalka oo dhan si laxaad leh indhaha ugu hayaan loolalnka axsaabta iyo kala jiidashada shacabka, iyadoo uu xisbiga kulmiye loolankii ugu adkaa la galay xisbiga Talada haya ee UDUB.https://i2.wp.com/hadhwanaagmedia.info/attached/u_14095d_2010-6-2-23-31-0f_gaa.JPG?w=620Loolankan uu xisbiga kulmiye la galay xisbiga UDUB ayaa kelmadda keliya ee uu dadka kusoo jiidanayaa ay ahayd waxaan u baahanahay ISBEDEL, iyadoo aanay dadka u jeedinayn xilligan ballaanqaadyadii beenta ahaa ee looga bartay axsaabta marka ay tartamayaan, waxaana kelmadooda koowaad ee ay xafladd kasta ku furayaan tahay “waxaynu u baahanahay Isbedel” kelmadaas oo marka dad ku si weyn uu dhuuxaan qancinaysa.

Hadaba waxa maalamahan u danbeeyey si laxaadleh ugu soo jabay uguna soo biiray xisbiga kulmiye dad isugu jira, Beelo, siyaasiin, xildhibaano, dhalinyaro, haween iyo weliba qaar ka mid ah imaamyada masaajidda.

Hadaba bal dhinaca kale aan waxyar ka taabano, waxyaaabaha ugu layaabka badnaa ee xisbiga kulmiye muujinaya taagerada uu ka haysto shacabka togdheer, waxay markii u horaysay indhahaygu qabteen dhegahayguna maqleen imaam ka mid ah imaamada masaajida Burco oo cod dheer ku yidhi “Kulmiye ha noolaado, Ha Guuleysto” iyo ereyo kale oo la mida, isagoo ku sii daray “anigooku hadlaya magaca sheekhul baladka magaalada Burco sh.cisman nuur, magaca culimada ahlu sunna, iyo weliba magaca beesha, waxaan taageersanahay xisbiga kulmiye.

Waxa kaloo iyana ka mid ah waxa dad badani is weydiin karaan oo layaab leh, mid ka mid muwaadininta reer somaliland, isla markaasna ah taageryaasha xisbiga kulmiye, oo taageradiisii ay gaadhsiisay heer uu gaadhigiisa, gurigiisa, iyo dharkiisaba ka dhigo qaar ku suntan calanka Kulmiye, ninkan oo lagu magacaabo Ibraahin cabdi maxamed ayaa leh Dress ka samaysan calanka kulmiye, isagoo gebi ahaanba Ganjeelka gurigiisana ku rinjiyeeyey calanka kulmiye, sidoo kale wuxu gaadhigiisa ku Buufiyey calanka kulmiye, Dad badan oo markay arkaan baabuurkaas ay la yaab ku noqoto aya is weydiiya tolow ma baabuurtii Siilaanyo debedda ka keenaybaa?????

Ninkan oo aan wax ka weydiiyey sababta uu sidan ugu galay gaadhigiisa iyo gurigiisa ayaa ii sheegay inay ka tahay taagero buuxda oo uu hayo xisbigaas kulmiye.

Waxyaabaha kale ee layaabka ah ee muujinaya taagerada xisbiga kulmiye ku leeyahay Gobolkan aya iyana ay ka mid tahay in da’yarta iyo weliba bulshada reer togdheer oo dhan boqolkiiba todobatan %70 ay ugu soo dhacaysaa mobiladoda hees dhowaan loo soo saaray xiisbiga kulmiye oo ay ka mid yihiin ereyadeeda “Halyeeyadii u kacay , sahan iyo hayaan, isku hawlayee, noo heelanoow, hawsha iyo xilkii, habkii dawladnimo, idinkaa hayee hilinkaa ku wada” waxaana marka aad laamiyada burco dhex marayso arkaysa dhowr qof oo isku wado maraya oo heestaasi ugu soo wada dhacayso moobiladooda.

Waxa iyana layaab kale sii ah xildhibaano barlamaaka ahaa oo ka tirsanaa kana soo baxay xisbiga UDUB ayaa u digo rogtay xisbiga kulmiye.

Waxa iyana layaab kasii daran sii ah, sida uu xisbiga ulmiye u hantay beelo badan oo la hayb sooco una sameeyey xarumo iyo xafiisyo tiro badan, oo ay ugu danbeeyeen beelaha laga tirada badan yahay oo taagero buuxda siiyey xisbiga kulmiye kagana dhawaaqay Hargaysa iyadoo munaasibaddii ay ku taagereen xisbiganna uu uga qaybgalay  una hadlayey suldaan Daakir, Sidoo kale waxa xafiisyo cusub oo kulmiye ah saaka Burco looga furay beelaha fiqishini oo ka mid ah beelaha ugu  waaweyn HAWIYE ee iyagu Deggen  magaalada Burco.

Isku soo wada duubo Baabuurka iyo Gurigan lagu buufiyey calanka kulmiye ayaa in badan oo shacabka reer burco ahi isweydiinayaan, iyagoo qaar badanina uba aqoonsaday inu ninkani yahay nin ka tirsan xisbiga kulmiye, ama ka mid ah masuuliyiinta xisbigaasi, balse uu ninkani yahay mid ka mid ah shacabka reer Burco, taageere keliyana u ah xisbiga Kulmiye.

Mustafe Osman A/rahman (Mustafe Teacher)

Xigasho/Hadhwanaagnews Burco / Office